Tag: Somaaliya

Shirka Madasha wada tashiga oo lagu soo bandhigayo qaabka ay noqoneyso doorashada 2016

Shirka madasha wada tashiga ayaa maanta mar kale ka bilaabanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shirkii shalay qabsoomi lahaa uu u baaqday kala aragti duwanaan u dhaxeysay Madaxda, iyadoo lagu wado in maanta lagu soo bandhigo nooca ay noqoneyso doorashada sanadka 2016.

Madaxweynaha oo ku baaqay in khilaaf laga ilaaliyo wixii ka soo baxa shirarka madasha wada tashiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin ku saabsan wada tashiyada dalka laga bilaabayo u diray shacabka, isagoo ugu baaqay inay aragtooda muhiimka ah inay ka dhiibtaan shirarka wada tashiga ee ku aadan habka is bedelka uga dhici karo dalka sanadka 2016 iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS