Tag: Shirka

DHAGEYSO.Xukuumadda oo ku tilmaamtay C/kariin Qalbi Dhagax Argagixiso xiriir la leh Al-Shabaab

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee maalmahan ka socday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo lagu wado in la soo saaro saacadaha soo socda war murtiyeed. 

Akhriso: Hindise sharciyeedyada looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intii uu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Wafdi horu-dhac ah oo dowladda Federaalka u dirtay shirka London

 Iyadoo 11-ka bishan lagu wado in magaalada London uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah ayaa wafdigii u horeeyay dowladda Federaalka u dirtay.

Shirka Jaamacada Carabta oo Urdun Ka furmaya iyo Madaxweyne Farmajo oo Ka Qaybgalaya.

Shir madaxeedka 28aad ee jaamacada carabta ayaa lagu wadaa in maalinta beri uu ka furmo magaaladda Camaan ee xarunta wadanka Urdun, waxaana ka qaybgalaya hoggaamiyayaal carbeed oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Diini oo shir guddoomiyay Shirka Ciidanka Birmadka geeska Afrika+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa shir guddoomiyay shir ay isugu imaadeen Waddamada xubnaha ka ah Ciidanka Birmadka ee Geeska Afrika.

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho

Madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii. 

Shir Madaxeedkii IGAD oo la sheegayo in maalmo uu dib u dhacay

 Shir Madaxeedka IGAD ee qorshihiisa ahaa in 10-ka bishan oo ku beegan Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in maalmo uu dib u dhacay.  

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo la soo hormariyay

Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu dhaco 7-da bishan September ayaa la soo hormariyay.

Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Iyadoo uu jiro shaki ku aadan inay dib u dhacday doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo bisha September ee soo socota, isla markaana bishan Agosto gudaheed la soo xulo Baarlamaan cusub ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho shir uga furmo Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Aqriso Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Madasha Hoggaanka Qaran

Kulan ay ka soo qeybgaleen madaxda ugu sareysa ee dowlada Federalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa kama dambeyntii lagu heshiiyay qoddobada soo socda kuwaasoo ay ka mid yihiin in guddi loo saaro maqaamka caasimada iyo in shir kale uu ka dhaco Baydhabo 20-22 June 2016.

Wararkii ugu dambeeyay shirarka ku saabsan dhismaha Aqalka sare

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa shirar aan loo kala kicin shalay illaa iyo xalay uga socday Xarunta Madaxtooyada, iyadoo shirarkan ay ahaayeen kuwo albaabada u xirnaa,  loogana hadlayay muranka ka jira dhismaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Munaasabad lagu soo xirayo shirka Madasha wadatashiga oo ka socota Madaxtooyada

 Waxaa xilligan Xarunta Madaxtooyada ka socda munaasabada lagu soo xirayo shirkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay qaabka doorasho ee labadii maalmood ee la soo dhaafay u socdak madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynaha oo u furay shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Maanta lasoo Gunaanadayo Muqdisho -

Maanta ayaa la fiayaa in Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka madasha wada-tashiga doorashada 2016-ka dalka ka dhici doonta, kaasoo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.

Shirka wada tashiga qaran ee doorashooyinka 2016 oo maanta ka furmaya Muqdisho

 Waxaa maanta lagu wadaa in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka furmo shirka wada tashiga heer qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, waxaana shirkan ka soo qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwa maamul goboleedyada, xildhibaano beesha caalamka iyo qeybaha bulshada.

Shirka Madasha Wada tashiga doorashooyinka 2016 oo maanta la soo gaba gabeynayo

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016, kaasoo shalay furmay, waxaana la filayaa in maanta laga soo saaro war murtiyeed.

Kulanka Golaha Wasiirada oo maanta lagu ansixiyay siyaasada naafada qaranka (Sawirro)

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasada Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aadan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

Shirka wadatashiga doorashada oo maanta la soo gabagabeynayo

Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirka looga hadlayo arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 oo maanta laga soo saarayo war murtiyeed

Shirka looga hadlayo arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed lagu qeexayo marxalada looga gudbayo tan hadda marla gaaro sanadka 2016.

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay shirka Guddiga Amniga Qaranka oo lagu qabtey xarunta madaxtooyada, kaasoo todobaadkiiba mar la qabto.  

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo iminka ay leeyihiin shir Albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdigii u horeeyay ee Wasiirada A. Dibada IGAD oo ka socota garoonka diyaaradaha

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdigii u horeeyay ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka wadada dheer ee isku xirta garoonka ilaa Madaxtooyada si aad ah loo adkeeyay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS