Tag: Shil

25 ruux oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho

Ugu yaraan 25 ruux oo saarnaa gaari nooca xamuulka qaada ah ayaa ku dhaawacantay kadib gaarigii ay saarnaayeen uu ku rogmaday meel u jirta3km magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shilal tareen oo ay dad India ugu dhinteen

Ugu yaraan 19 qof ayaa dhimatay kaddib markii laba tareen oo ah kuwa rakaabka qaada ay ka baxeen khadkii ay ku socdeen daqiiqado gudahood bartamaha dalka India. Saraakiisha ayaa sheegaya in dhowr boqol oo qof la soo badbaadiyay.

Qaar ka mid ah qoyska Osama bin Laden oo ku geeriyooday shil diyaaradeed ka dhacay Britain

Afar ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii diyaarad yar ay ku burburtay Koofurta England iyadoo dadka waxyeelada ka soo gaartay ay ku jireen qaar kamid ah qoyska Osama bin Laden. 

In ka badan 9 ruux oo ku geeriyooday shil gaari ka dhacay duleedka Muqdisho

In ka badan 9 ruux ayaa saaka ku geeriyootay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu shil gaari ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Shil dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo soo gaaray booliiska Somaliland

Shan qof oo ka tirsan ciidamada booliska Somaliland,ayaa ku dhimatey 25 kalena waxa soo gaaray dhaawacyo, ka dib markii gaari ay ciidamadu la socdeen uu kula qallobmay shalay galinkii dambe tuulada Haleeye, oo 10 KM dhinaca bari ka xigta magaalada Hargeysa ee xarrunta Somaliland.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS