Tag: Shiikh

Ma ogtahay in Xasan Sheekh uu noqonayo Xildhibaan inta uu nool yahay (Qodob Dastuuri ah)

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka wareejinaya ayaa noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee ka tirsan Golaha Shacabka, inta uu nool yahay.

Wargeyska Daily Mail oo Warbixin Xasaasi ah ka qoray Madaxweyne Xasan Sheekh”Sawiro”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tamashleeyay safar uu ku tagay magaalada London ee dalka Uk isagoona ka dagay hoteelada kuwoodi ugu caansan ee qaaliga ah.

Shariif “Rajada aan ka qabo inaan madaxweyne noqdo waa 100%, Madaxweynaha soo socda waa aniga ku tala gala”

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha oo maanta mar kale dib ugu laabtay Muqdisho ayaa shir jaraa’id uu qabtay kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah doorashada Madaxweynaha ee dhowaan dhici doonto iyo rajada uu ka qabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda gobollada dalka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa bogaadiyay doorashooyinka aqalka hoose ee ka soconaya qeybo ka mid ah gobollada dalka, dhawaanna la fillayo in ay ka bilaawdaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyey Dowlad gobolleedyada doorashooyinka Aqalka Sare

Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxda iyo Baarlamaanada Dowladda Gobolleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland tallaabadii dimoqraadiyada aheyd oo ay xubnaha Aqalka Sare u matalaya ku doorteen .

Sheekh Shariif oo maalinta berri si rasmi ah ugu dhawaaqaya Musharaxnimadiisa

 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khamiistii la soo dhaafay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, afar sano oo uu ka maqnaa, ayaa maalinta berri oo isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo Haweenka ku taageeray helida qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay daah-furay shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa daaha ka rogaya Ololihiisa Doorasho (Xaflad ka socota City Palace)

 Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, mar kalena u taagan doorashada Madaxweynaha ee October ayaa caawa daaha ka rogaya Ololihiisa doorashada, iyadoo Munaasabad lagu soo bandhigayo afartii sano waxqabadkiisa ay ka socoto Hotelka City Palace.

Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray Xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku nool yihiin nus milyan ruux oo Soomaali u badan.

Atam “Nin dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma aheyn, heshiis baan ku imid, Nabadgelyo ayaa qaatay”

 Maxamed Saciid Atam oo hogaamin jiray maleeshiyaadkii ka dagaalamayay Buuraha Galgala ee Puntland ayaa bishii la soo dhaafay u dhoofay dalka Qatar, halkaasoo uu magangalyo ka helay, kadib markii uu qaatay heshiis nabadgelyo.

Madaxweynaha “Taageerada beesha caalamka waa u muhiim dib u dhiska Soomaaliya,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu soo xiray aqoon is-weydaarsi muddo saddex maalmood ah socday, oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira, kaas oo looga hadlayey mashaariicda horumarinta ee barnaamijka Cahdiga Cusub (New Deal).

Madaxweynaha “New Deal qaabka uu hada ku socdo waa mid gaabis ah”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu gaabis ku socdo barnaamijka New Deal ee kaalmada caalamka uu Soomaaliya siinayo, isagoo ku dhaliilay qaabka Caalamka u wado barnaamijkan.

Madaxweynaha oo la kulmay Amiirada dalalka Kuwait, Qatar, Urdun iyo madax kale “Sawiro”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shir madaxeedka waddamada Jaamacadda Carabta ayaa kulamo muhiim ah la yeehay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta.

Sheekh Nuur Baaruud “Al-Shabaab xasuuqa dadka waa wax ay caado u leeyihiin”

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falkii lagu xasuuqay dad isku qoys ahaa oo ku noolaa deegaano ka tirsan Gobollada Gedo iyo Shabeellaha Hoose, isagoo ku eedeeyay in falkaas ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadley xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xubnaha ka soo goosanaya Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay soo dhoweynayaan xubin kasta oo ka soo goosta Al-Shabaab, iskana fogeeya fikirka Al-Shabaab.

Madaxweynaha “Tanaasul in la sameeyo ayaa loo baahan yahay, waqtigu waa yar yahay…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada diidan in Xukuumada cusub lagu soo daro Wasiiro ka mid ahaa Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay ayaa waxaa uu u jeediyay inay tanaasul sameeyaan, maadaama dowladda Soomaaliya uu waqtiga ku yar yahay.

RW C/WELI: Mooshinka Waa mid lagu difaacayo Wasiir Saaxiib la ah Madaxweynaha

Ra’iisul wasaaraha Somalia C/weli Shiikh Axmed oo shir jaraa’id caawa ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in lagu xalliyo khilaafka taagan hab wadahadal ah, isagoo mooshinka baarlamaanka laga geeyayna ku til-mamaay mid sharci-darro ah oo carqalad ku noqday geeddi socodka Hiigsiga 2016-ka, isla markaana lagu difaacayo wasiir saaxiib la ah madaxweynaha.

Xasan Sheekh ''Nabad diidku waqtigoodii wuu dhamaaday, wayna la kulmi doonaan ciqaabta xanuunka leh ay shacabkeenu u geysateen''

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii shalay ka dhacday degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inuu deg deg Muqdisho ugu soo laabto, kadib baaqii Xildhibaanada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si deg deg ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, isagoo soo gaba gabeynaya booqasho uu ku joogo dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya oo diyaarad Turkish Airlines la soo raacay Shacab Soomaaliyeed (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga, iyadoo uu ka qeyb galay sanad-guurada 90aad markii la aas aasay jamhuuriyada Turkiga.

MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Calanku waa Astaanta Soomaalida oo dhan Mideynaysa, waana in shacabku muujiyo isku duubni"

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS