Tag: Shabaab

Al-Shabaab oo u hanjabay Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarayaan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab oo soo bandhigay ajaaniib ka mid ahaa oo u shaqeynayay Hey’addo Sirdoon

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay saddex ajaaniib ka bar bar dagaalamayay oo ka soo jeeda dalka Kenya, kuwaasoo la shaqeynayay sirdoonka Kenya iyo sirdoono kale oo reer galbeedka.

Al-Shabaab oo sheegtay in weerar ka dhacay Lamu ku dileen askar iyo Mas’uuliyiin

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka xeebta ah ee Lamu, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay weeraro xiriir ah ka geysanayeen.

Al-Shabaab oo soo bandhigay mid ka mid ah askartii ay ku qabteen dagaalkii Ceel Cadde

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaal laga duubay Askari Kenyan ah oo ka mid ahaa askartii sida maxaabiis ahaan loogu qabtay weerarkii ay sanad ka hor ay ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel cadde ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Baay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Goof-Gaduud ee duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, kaddib markii waabarigii saakay ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Al-Shabaab oo sheegatay in askar Mareykan ah ku dishay weerar ka dhacay Sh/Hoose

 Al-Shabaab ayaa sheegatay in askar Mareykan ah ay ku dishay weerar ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay weerareen saldhigyo Al-Shabaab lahaayeen.

War Deg Deg:- Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al Shabaab oo ka socda Sh/Hoose

Degaanada Boofoow iyo Kabtanlaas ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Al-Shabaab claims to kill 17 soldiers in Somalia attack

Mogadishu - An organisation that monitors extremist groups says al-Shabab has claimed to kill 17 soldiers and wound 22 in an attack in southwestern Somalia.

Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada Baraawe

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab oo markii u horeysay war ka soo saartay doorashada Madaxweyne Farmaajo

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay war ka soo saartay doorashada Maxamed C/llaahi Farmaajo oo 8-dii bishan loo doortay Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo dad u xir xiray dilka Taliyihii Jabhadaha

Wararka laga helayo Tuulada Barwaaqo ee ka tirsan degmada Garbahaarey ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay Al-Shabaab ku xireen illaa todobo ruux.

Daawo; Afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Dheere oo ka hadlaya doorashooyinka iyo Weerarada Hotelada

Afhayeenka guud ee ururka Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) ayaa ka hadlay doorashada dalka isagoo ku tilmaamay doorashada ka dhacaysa dalka inay tahay mid ah xulasho.

Al-shabaab oo toogasho ku dishay darawal waday gaari kuwa Qaadka ah degmada Buula-burte

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay toogasho ku dileen mid ka mid ah ganacsatada Qaadka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdi deegaanka Jameeco oo ka tirsan degmada Buula-burte.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Jubbaland

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab uu isku dhiibay maamulka Jubbaland.

Al-shabaab oo weeraray saldhiga ciidamada Militariga ee deegaanka Laanta Buuro

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Alshabaab weerar ku qaadeen deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Faah Faahin:-Al-Shabab oo Galay Tuulda Haluqa ee Gaarisa

Wararka ka imanaya tuulada Haluqa oo ka tirsan Gobolka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.

Kenya oo sheegtay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku dishay Jubadda Hoose

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab todobaadkan ku dileen Gobolka Jubadda Hoose.

Alshabaab oo saddex ruux rayid ah ku diley deegaanka Biyo Cade ee gobolka Sh/dhexe

 Wararka ka imanaya deegaanka Biyo-cadde ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay lagu diley deegaankaas saddex ruux oo rayid ah oo kamid ah dadka ku nool deegaankaas.

Al-Shabaab oo madaafiic ku garaacay saldhiga AMISOM ee Ceel Jaalle

 Al-Shabaab ayaa madaafiic hoobiyeyaal ah ku garaacay saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle ee duleedka magaalada Marka gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab oo weerar xooggan ku qaaday Xerada Laanta Buuro

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Al-Shabaab ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab la wareegtay xeradaas.

Al-Shabaab oo weerar ka dhacay duleedka Mandhera ku dishay 5 sarkaal

Al-Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya oo marayay deegaan ku dhow degmada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadlay dilkii Sheekh Maxamed Dulyadeyn

 Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa Hogaamiye ka tirsanaa, kaasoo horaantii bishan lagu dilay duleedka Kismaayo, kadib howl gal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Kenya

Warbaahinta gudaha Kenya oo soo xiganeysa ilaha Sirdoonka dalkaas ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen dalkaas, iyagoo ka soo gudbay xuduuda Soomaaliya.

Afhayeenka Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadlay duulaankii Puntland

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay duulaankii ay bishii hore ku qaadeen Puntland, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo boqolaal gaarayay ay doonyo ku gaareen xeebta deegaanka Garacad iyo kuwa kale.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiidkii ay ku qabsadeen Laanta-Buuro (Sawirro)

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiidkii ay ku qabsatay weerarkii shalay ku qaaday saldhig Ciidamada Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin xerada Laanta-Buuro oo qiyaastii magaalada Muqdisho u jira illaa 40-KM.

Al-Shabaab oo 3 ruux ku dishay goob dhuxusha laga jaro oo ku taal Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan ka tirsan Al-Shabaab ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa goob dhuxusha laga jaro oo ku taal deegaanka Buur-Gaabo oo qiyaastii 240KM galbeed ka xigta magaalada Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda Togga Suuj iyo Puntland oo guulo sheegatay

 Dagaalo ayaa mar kale maanta oo jimco ah waxaa uu mar kale ka bilowday Togga Suuj ee Gobolka Nugaal, halkaaso maalmihii la soo dhaafay dagaalo ku dhex marayeen Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Dagaal Culus oo Ciidanka Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaraya Gobolka Nugaal

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawaanahan ku sugnaa deegaanno ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland ayaa goor-dhow ka qarxay deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Maamulka degmada Diinsoor oo sheegay inay qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii howlgal ka sameeyeen duleedka degmada.

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay kordhinayaan weerarada ka dhan ah Ciidamada dowladda iyo AMISOM

 Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhineyso weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanada ku yaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday degmada Afgooye

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin.

Al-Shabaab oo sheegay inay duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo

Al-Shabaab ayaa sheegatay in duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Al-Shabaab oo sheegay inay la wareegeen deegaan ka tirsan Galgaduud

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanka Ceel-Shiil ee ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal culus oo shalay halkaas ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. 

Al-Shabaab oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ku dileen Gobolka Xeebta

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay weeraro ay ka geysteen gobolka xeebta ah ee Kenya ku dileen askar iyo sarkaal ka tirsan Booliska Kenya, iyadoo maalmihii u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab weeraro dhaba-gal ah ku qaadayeen kolonyo ciidan.

Al-shabaab oo Hanjabaad u diray Maamulka Soomaaliland

Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole  oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay in ay Dagaal la gali doonaan Maamulka Soomaaliland.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Weerar ay ka geysteen Lamu-Kenya ku dilay darawal iyo kaaliyihiisii

Ugu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay inay dileen xoogaga Al-shabaab, kaddib markii ay weerar gaadmo ah la beegsadeen gaari kuwa xamuulka ah oo marayay deegaanka Mkunumbi oo qiyaastii 10-m u jirta Mpeketoni oo ka tirsan Lamu oo ka tirsan dalka Kenya.

Al-Shabaab oo weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya duleedka Mandera

 Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya oo marayay duleedka degmada Mandera.

Wareysi VOA la yeelatay Maxamed Miski oo ay gacanta ku hayaan Sirdoonka Soomaaliya

Maxamed Cabdulaahi Xasan oo loo yaqaan “Miski” waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada ka badan 20-ka ee Soomaalida ah ee ka tagtay Gobolka Minnesota sannadihii 2007 ilaa 2008-da.

Al-shabaab oo Jubbada dhexe ku dilay Saraaakiil Taageertay Kooxda Daacish

Waraka aynu ka helnay dadka degaanka iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in weerar gaadmo ah oo Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabab ay ka gaysteen duleedka tuulada Guduudey lagu dilay afar qof oo uu ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horey uga mid ahaa saraakiisha  Al-Shabab.

Mareykanka oo mallaayiin dollar dul dhigtay madaxa lix ka mid Hogaamiyeyaasha Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa mallaayiin dollar dul-dhigtay madaxa lix ka mid ah Hogaamiyeyaasha Shabaab, iyadoo abaal marintan lacageed la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar la xiriirta hogaamiyeyaashan.

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Baardheere

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere oo ku yaala banaanka magaalada.

Al-Shabaab oo ku hanjabtay inay la dagaalameyso Ciidamada Britain ee Soomaaliya la keenayo

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay qorshaha dowladda Britain ay Ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, kuwaasoo tababari doona Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.

Al-Shabaab oo la sheegay in xubno ka mid ah ajaaniibta ka bar bar dagaalanta ay ku xireen Jamaame

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay ku xireen degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose shan ka tirsan ajaaniibta ka bar bar dagaalanta.

Magaalooyinka Alshabaab maamulaan oo maanta si weyn looga ciiday (Sawiro)

Magaalooyinka iyo deegaanada ay maamulaan ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaa maanta si weyn loogaga ciiday iyadoo laga tukaday salaada ciidda.

Cali Dheere “Bartilmaameedka Nicholas Kay kaliya ma aheyn ee waa intii Madaxtooyda ku shirsaneyd”

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay albaabka ugu horeeya ee Koontaroolka Madaxtooyada ayaa sheegay in weerarkaas ku dileen in ka badan sodon ruux.

Ciidamada AMISOM oo isaga baxay Janaale iyo Alshabaab oo la wareegtay Janaale

Wararka Ka imanaya deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamado ka tirsan AMISOM oo fariisin ku lahaa Janaale ay gelinkii dambe isaga baxeen.  

Al-Shabaab oo illaa afar ruux shalay ku toogatay fagaare ku yaal degmada Bu’aale

 Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal degmada Bu’aale ee Gobolka Jubadda Dhexe ku toogatay afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay qaarkood jaajuus ahaayeen, kuwana ka shaqeynayeen arrimo kale.

Cali Dheere “Itoobiya sida ay doonto ayay Soomaaliya ka yeelanaysaa, kuwa dowladda sheegta kama hadli karaan”

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in aysan awood u laheyn inay ka hadasho xasuuqa Ciidamada Itoobiya ka geysanayaano gobollada Koofureed.

Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay inay iska dhiibeen degmada Baardheere

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isu dhiibeen ciidanka dowladda, iyadoo la soo dhoweyay.

Al-Shabaab oo la sheegay inay maxaabiis ka sii deysay Xabsiga Baardheere

 Iyadoo ciidamada huwanta ay ku sii siqayaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay maxaabiis dambiyo kala duwan ku eedeysnaa ka sii daayeen xabsiga Baardheere.   Iyadoo ciidamada huwanta ay ku sii siqayaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in Al-Shabaab ay maxaabiis dambiyo kala duwan ku eedeysnaa ka sii daayeen xabsiga Baardheere. 

Al-Shabaab oo soo bandhigtay weerarkii Leego iyo khasaarihii gaaray AMISOM (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada weerarkii todobaadkii hore ay ku qaaday xero ay degenaayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan howl galka AMISOM, halkaasoo lagu dilay kontameeyo askari oo ka mid ahaa ciidamada Burundi.

Al-Shabaab oo xalay gudaha u gashay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Afgooye oo 30-KM galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Xoogaga Shabaab uu shuruud adag ku xiray sii deesmada Sarkaal Kenyatti ah oo ay gacanta ku hayaan

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay shuruud ku xireen sii deysmada Sarkaal ka tirsan Booliska dalka Kenya oo ciidamada Shabaab ay kasoo qafaasheen gudaha dalka Kenya

Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadlay xaalada dalka Burundi

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada dalka Burundi iyo khalalaasaha siyaasadeed ee ka jiray dalkaas dhowrkii todobaad ee u dambeeyay.

Al-Shabaab oo soo bandhigay Meydka Sarkaal Kenyan ah oo ku geeriyooday Soomaaliya

Al-Shabaab ayaa soo bandhigay Meydka Sarkaal Kenyan oo aanay sheegin xilliga la dilay iyo halka uu ku dhintay, iyadoo muuqaalkan lagu arkayo Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka tacsiyadeynaya geerida Sarkaalkan magaciisa lagu sheegay Ramzi.

Al-Shabaab oo dhallinyaro ka qoraneysa gobolka W/Bari ee dalka Kenya

Dhallinyaro tiradoodu kor u dhaafeyso 20-ruux ayaa la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, dhallinyaradaas oo ku biiray ururka Al-Shabaab, isla markaana tababarro ku qaadanaya degaano ku dhow xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab oo Galgaduud ku toogatay nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa Ciidamada Itoobiya

Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ee ku sugan gobolkaas.

Al-Shabaab oo xalay muddo saacado ah la wareegay degmada Wanlaweyn

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay muddo saacado ah la wareegay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo iska hor imaad kooban uu ka dhacay degmadaas.

Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Dhismaha Baarlamaanka Kenya

Ammaanka baarlamaanka dalka Kenya ee Nairobi ayaa aad loo adkeeyay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay qorsheynayo inay weerar ku qaaddo baarlamaanka Kenya.

Al-Shabaab oo ku baaqay in la weeraro Goobaha laga dukaameysto ee dalalka Mareykanka, Canada iyo UK

Muuqaal Video ah oo ay Al-Shabaab sii deysay shalay oo sabti aheyd ayaa waxay ugu yeertay dagaalyahanadeeda inay weeraraan goobaha laga dukaameysto ee dalalka Canada, Mareykanka iyo Ingiriiska.

Duqeymo cirka ah oo lagu qaaday xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xoogan uu ka soo gaaray duqeymo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Tuulo ka tirsan deegaanka Toora-Toorow.

Al-Shabaab oo afar ruux ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku toogtay degmada Baardheere

Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku toogtay afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaas ahaayeen, lana shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegay in mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Xalane uu ahaa Kenyan

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii maalinimadii Khamiistii ee la soo dhaafay lagu qaaday Xarunta Xalane oo aheyd taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ayaa afar ruux oo fuliyay weerarkaas mid ka mid ah uu u dhashay dalka Kenya.

Al-shabaab oo Qafaashay Gaari ay la socdeen Dad Shacab ah kadibna siidaayay Markii ay Ashahaateen

Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay weeraray Gaari dadweyne ay la socdeen, kaasoo marayay duleedka magaalada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.

Deg Deg:- Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Tixsiile & Warmaxan

Wararka ka imaanya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan oo hoostaga Degmooyinka Walaweyn iyo Afgooye ayaa la soo sheegayaa in dagaal Culus uu ka dhacay.

Al-Shabaab oo sheegtay in diyaarad dagaal ay leeyihiin Kenya ku soo riday duleedka Kismaayo

Al-Shabaab ayaa sheegtay in diyaarad dagaal ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay ku soo riday deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo, xilli diyaaradan la sheegay inay duqeyn ka geysatay agagaarka deegaanka Buulo Gaduud.

Shabaab”oo sheegay in uu nool yahay Cabdi Axmed Gudane.

War qoraal ah oo ay soo saareen Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in uu nool yahay Amiirkooda Al Shabaab Sheekh Muqtaar, Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr.

Xubno ka tirsanaa saraakiisha Al-shabaab oo lagu dilay duqeyntii Mareykanka

 Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay wakaaladda wararka AP in duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ay  ka geysteen gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsanaa.

Al Shabaab oo Guul ka sheegtay Dagaalka ka socda G/Shabellaha Hoose

Warbaahinta Internet-ka Al-Shabaab ayaa warbixin lagu daabacay goor dhaw waxa lagu faah faahiyey Shabaab iyo sida ay uga war hayaan dagaalka ka socda qeybo katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Xoogagga Al-shabaab oo Muqdisho ku dilay laba qof sadex kalena dhaawacay

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku dilay degmada Wardhiigley laba qof oo xirnaa dharka shacabka, laakiinse ay ku sheegtay Al-shabaab inay ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Alshabaab oo Saraakiil badan ka afduubtay Magaalada Mandheera iyo Dowlada Kenya oo walaac ka muujisay

Warka laga helaayo Magaalada Mandheera ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ay duleedka Magaaladaasi ku afduubteen Gawaari ay la socdeen Saraakiil ka tirsanaa Hay’adaha Samafalka Dalka Kenya ka howlgala.

Ciidanka Dowlada ayaa shalay gilinkii danbe waxa ay dileen sarkaal ka Tirsanaa Shabaab.

Dagmada Hilwaa oo ka mid ah Dagmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa shalay xili danbe waxaa ka dhacau dagaal muda Kooban socday una dhaxeeyo ciidanka Amaanka ee Dowlada iyo Shaqsi ka mid ahaa Maleeshiyaadka Shabaab oo la sheegay in uu ku dhuumaaleysanaayay guri ku yaalo Xaafada Soos ee Isla dagmadaasi Holwaa.

Al-Shabaab oo ka Warbixisay Qasaaraha Dhimasho ee dhankooda iyo Dhinaca AMISOM kasoo gaaay Dagaalkii Buulo Burde.

Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay dagaal Culus oo xalay saqdii dhaxe ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaa oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo wada jira iyo dagaalyahanada Al-Shabaab. 

Al-shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxii galabta Boosaaso ka dhacay

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa khasaare badanna geystey oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Al-Shabaab oo Raashin ku gubay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool

Gudoomiyaha Degmada waajid ee Gobolka Bakool C/laahi Aadan yariisoow oo la hadlay idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab ay Gubeen Raashin Dad Shacab ah ay la haayeen,meel u dhaw Degmada Waajid.

Iska-horimaad ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Buurane

Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah isugu jira ayaa ku dhintay iska-horimaad xalay deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada Dhexe ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Al-shabaab oo Baraawe ku Toogatay laba wiil oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo

Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, laba wiil oo ay ku eedeeysay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeynayay dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadayso dagaallada ka dhanka ah Kenya

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay socon doonaan weerarrada ay Kenya ka geysanayaan tan iyo inta ay xabsiyada kasii daynayaa muslimiinta ku xir-xiran una ogolaanayaan inay si xor ah u noolaadaan.

CALI DHEERE: Waa sii wadaynaa Weerarrada ka dhanka ah Dowladda

Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah dowladda Somalia iyo beegsiga taraafikada iyo xildhibaannada baarlamaanka.

Al-Shabaab oo beenisay in duqeyn cirka ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya looga dilay 80 dagaalyahan

Al-Shabaab ayaa beenisay wararka sheegaya in duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Kenya looga dilay ilaa 80-dagaalyahan, iyagoo ku tilmaamay sheegashadaas mid aan sal iyo raad laheyn.

Hoggaamiyaha Al-shabaab oo ka hadlay dagaallada Soomaaliya iyo Kenya

Hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed cabdi owgodane ayaa soo saaray cajalad maqal ah oo ku baxaysay afka Carabiga, isagoo ugu horreyn ku boorriyay muslimiinta Kenya inay la dagaalamaan dowladda dalkooda oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayso muslimiinta dalkaas ku nool.

Shabaab oo Shirkii Jubuuyinka ku sheegtay in uu ahaa mid dana gaar ah laga lahaa

Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shirkii Jubbooyinka iyo qodobbadii kasoo baxay ku tilmaantay kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada oo ka digaya weeraro horleh oo ay geystaan Al Shabaab

Digniinaha ku aadan cabsida laga qabo weeararo Al shabaab ay la eegtaan xarumaha dowlada iyo Hey'adaha caalamiga ah oo sii kordhaya.

Al Shabaab oo sheegay in ay sii wadayaan beegsiga xarumaha UN-ka ee Soomaaliya

Xilli lasoo warinayo khilaaf xoogan oo u dhaxeeya saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, ayaa haddana waxaa sii soconayaa hanjabaadahooda ka dhanka ah dowlada Soomaaliya

Feysal Cali Waraabe "Rag Shabaab ka mid ah ayaa lagu arkey Somaliland"

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in deegaanno ka tirsan Somaliland lagu arkey dagaal yahanno ka tirsan al-Shabaab.

Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay nabaddoonno ku xireen Ceel-buur

Kooxda al-Shabaab, ayaa lagu eedeeyay inay xabsiga dhigeen odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Galgaduud, ka dib markii la sheegey odayaashaasi inay diideen awaamiro Shabaabku dul dhigeen odayaashaasi.

Shabaab la sheegay inay iska soo dhiibeen Shabellaha Dhexe

Maleeshiyad la sheegay inay Shabaab ka tirsnaayeen, ayaa shalay iyo maantaba waxay isku dhiibayeen saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii odayaasha deegaankaasi ay ku baaqeen in dhalin yarada ka mid ah al-Shabaab ay ka soo noqdaan ka mid ahaanshiyaha Shabaab.

Hub iyo eedeysanayaal lagu soo bandhigay Muqdisho

Ciidamada nabad sugidda qaranka, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandgigay dhalin yaro iyo hub la sheegay inay Shabaabku lahaayeen, ka dib howl gallo ay ka sameeyeen ciidamada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Shabaab oo duleedka Jowhar ku dilay nin ay ku eedeeyeen burcadnimo

Kooxda Shabaab ayaa magaalada Jowhar ku soo bandhigay nin meyd ah oo ay sheegeen in uu dadka safarka ah wadada u geli jiray.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS