Tag: Sano

Waxaa ka soo wareegatay 20-sano markii diyaaradii Black Hawk Down lagu soo riday magaalada Muqdisho

Waxa ay aheed 3-dii October sanadkii 1993-waxaana markii Ciidamada Mareykanka ee hogaaminayay howl galkii UNISOM ay weerar ku qaadeen Allaha u naxariistee Jen. Maxamed Faarax Ceydiid oo hogaaminayay Isbaheysiga SNA, xilligaasoo Qaramada Midoobey ay u balan qaaday cidii soo qabata 25-kun oo doolar. 18-askari oo Mareykan ahayaa ku dhintay halka 75 kalena waa ay ku dhaawacmeen waaana sidoo kulak u wax yeeloobay shacab soomaali ah o kor u dhaafaya ilaa 1000 ruux waxaa uuna saameyn ku yeeshay howl galkii UNISOM, taasoo keentay in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, dalal kale oo reer galbeed ah ciidamadooda iyana kala baxeen, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyay ay ku soo hareen Ciidamo ka socda dalalka 3aad ee aduunka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS