Tag: Sacuudiga

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay kordhinta Tirada Xujeyda Soomaalida

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo booqasho ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir iyo Wasiir kuxigeenka Xajka. 

Wararkii ugu dambeeyay baaritaanka dilkii Jamal Kashoggi iyo caddeymo laga helay Qunsliyadda Sacuudiga

Waxaa weli socda baaritaanka halkii u ku dambeeyay Wariyihii reer Sacuudi Jamal Kashoggi, kaasoo la waayay wixii ka dmabeeyay 2-dii bishii October markii uu galay Qunsuliyadda Guud ee Sacuudiga ku lahaa magaalada Istanbul, si uga helo warqad cadeyn ah oo muujineysa inay kala tageen xaaskiisa hore. 

Sacuudiga oo xuduuda u furaya Xujeyda ka imaanaya dalka Qatar

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay fureyso xuduuda dhulka ee ay la wadaagto Qatar, si ay ugu ogolaato Xujeyda dalkaas ka imaaneysa inay ka soo gudbaan.

Madaxweyne Farmaajo oo booqosho rasmi ku jooga boqortooyada Sacuudiga

Madaxwaynaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu caasumaad rasmi ah ka helay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis Aala Sucuud.

Sacuudiga oo taageeray xayiraadda socdaalka ee Trump

Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Shaqaale Soomaali ah oo loo daabuliyo dalka Sacuudi Carabiya

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan bilaabeysa daabulida 10,000 oo shaqaalo Soomaali ah, kuwaasi oo si sharciyeysan kaga shaqeyn doono magaalooyinka dalka Sacuudiga.

Mid kamid ah qoyska Boqortoyada Sacudi Carabiya oo xukun karbaash ah lagu fuliyay

Amiir ka mid ah boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa lagu dhex karbaashay xabsi ku yaal magaalada Jiddah kadib markii ay maxkamad xukuntay bil ka yar markii la xukun qisaas ah lagu fuliyay amiir kale.

Sacuudiga oo ku eedeeyay Xuutiyiinta Yemen in gantaal ku soo rideen magaalada Makka

Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Jabhada Xuutiyiinta Yemen in gantaal kuwa ridada dheer ah ay u soo rideen dhinaca magaalada barakeysan ee Makka al Mukarama.

Madaxweynaha Puntland oo heshiis la saxiixday maal-qabeen u dhashay Sacuudiga

 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland la saxiixday maal-qabeen ka soo jeeda qoyska Boqortooyada oo lagu magacaabo Amiir Suldaan Bin Naasir Bin Cabdicasiis Aal-Sacuudi.

Boqolaal Soomaali ah oo si xun ugu dac darreysan xabsi ku yaala Sacuudiga

Ilaa iyo 700 oo Soomaali ah oo isugu jirta haween, rag iyo caruur ayaa ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga halkaas oo ay si xun ugu dac darreysanyihiin.

Haweenka Sacuudiga oo markii u horeysay ka qeyb galaya doorashooyinka dowladaha hoose

Haweenka Sacuudiga ayaa markii u horeysay u dareeri doona doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaas, iyadoo tallaabadan ay tahay mid Boqortooyada ku dooneyso in haweenka ay qeyb ka noqdaan siyaasada.

Sawirro: Madaxweynaha oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada magaalada Riyadh oo uu degan yahay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Boqortooyada Sacuudi Carabiya (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku waxyeelo Wiishash ku dumay Masjid ku yaala Xaramka Dalka Sacuudi+SAWIRO

Ugu yaran 107 Ruux ayaa ku dhintay, 238 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Roobab dabeylo watay ay rideen Washiishka nuuca Guryaha lagu dhiso kuwaasi oo burburiyay dhismooyin ay deganaayeen Dadka Xujeyda ah oo ka kala yimid Dalalka Caalamka.

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday masjid ku yaal Sacudi Carabiya

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay sagaal kalana waa ay ku dhaawacantay kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay masjid ku yaal dalka Sacuudi Carabiya.

Boqorka Sacuudiga oo diiday inuu ka qeyb gallo shirka Mareykanka iyo Dalalka Khaliijka

Boqorka Sacuudiga Carabiya Boqor Salman ayaa diiday inuu ka qeyb galo shirka ka dhici doono Camp David ee dhex mari doona Mareykanka iyo wadamada Khaliijka.

Sacudi Carabiya oo beenisay inay geysay ciidamo dhulka ka dagaalama dalka Yemen

Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa beenisay in ciidamo ka dagaalama dhulka ay geysay dalka Yemen si ay u xoojiso ciidamada daacada u ah madaxweynaha dalka Yemen.

Sacuudiga oo hakisay duqeymaha Yemen, si diyaarado gurmad sida ay u gaaraan

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay hakisay duqeymaha ay Yemen ka wado, xilli Jabhadda Xuutiyiinta ay sii wado dagaalkeeda ku wajahan inay qabsato magaalada dekeda leh ee Cadan.

Sacuudiga oo muddo kooban hakisay duqeymaha ay ka wado Yemen

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in waqti kooban ay joojineyso duqeymaha ay ka wado dalka Yemen, kaasoo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta Yemen.

Dowladda Sacuudiga oo qaaday howl galo milateri ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta Yemen

Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday inay qaaday howl gal milateri oo ay ku jiraan weerar cirka ah oo ka dhan ah Jabhada Xuutiyiinta shiicada ee isku dayaya inay la wareegaan guud ahaan dalka Yemen.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS