Tag: SOOMAALIYA

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow ansixiyay xeerka wax ka bedelka Bangiga Dhexe, kaddib dood kulul oo ay ka yeesheen xeerkaas oo ay soo gudbisay Golaha Wasiirada oo horay u soo ogolaaday. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Boqorka Sucuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud. 

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday Heshiis ku saabsan iskaashiga Duulista Hawada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galay shirka Aasaaska Amniga Hawada Dowladaha Carabta. 

Xildhibaan Beene Beene “Ra’iisul Wasaaraha halkaan ayaa ka sugeynaa, anaga u baahan inuu nala hadlo, ha yimaado”

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka inay hurdada ka kacaan, isla markaana la soo laabtaan doorkooda la xisaabtanka Xukuumadda, isagoo caddeeyay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaatay doorkoodii la xisaabtanka. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay magaalada Brussels

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa uu u ambabaxay Magalada Barasalis ee Wadanka Biljamka,halkaaso oo uu shir uga qeyb gali doono.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ka jirto Beledweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaalad bini-aadamnimo oo aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan. 

Xulka qaranka Soomaaliya oo 1-0 uga badiyay xulka Kenya

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Kubada Cagta Dalkeena Soomaaliya ee da’doodu ka hooseysa 17-jirada ayaa waxay guul muhiim ah ay ka gareen xulka qaranka kubada cagta Kenya tartanka Cecafa ee 17-jirada kadib markii 1-0 ay ugaga badiyeen.

Kulankii Baarlamaanka ee qorshihiisa ahaa hadal jeedinta Jawaari oo baaqday iyo muran ka taagan….

Kulankii maanta oo Arbaco loo balansanaa in Guddoomiyihii is casilay Maamed Sheekh Cismaan Jawaari uu ka jeediyo Fadhiga Baarlamaanka ayaa baaqday, iyadoo uu soo baxayo muran iyo is qab qabsi ka dhashay habka kulankaas loo qabanayo.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow iyo Saraakiil Ciidan ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo u kuur galaya xaalada ammaanka. 

Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyay kulankii maanta oo sabti loo balansanaa ee Baarlamaanka, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

C/wali Muudey oo iclaamiyay xilliga Baarlamaanka la horkeenayo Mooshinka Guddoomiye Jawaari

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray goor dhow waxa uu ku sheegay in kalfadhiga ugu horeeya baarlamaanka la qaban doono 31ka bishan oo ku beegan sabtida soo socota.

Xildhibaan Fiqi “Xildhibaanada Golaha shacabka waxay isku dhaarsadeen in la badbaadiyo Baarlamaanka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay isku dhaarsadeen sidii loo badbaadin lahaa Baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay hoggaanka caafimaadka iyo howl-wadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn. 

Daawo: Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Jawaari oo sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga Joogtada

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga Joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda, iyagoo xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka. 

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeer dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isku raacay xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World, kaddib markii ay si bareer ah uga soo xadgudubtay madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Daawo: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul Wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta. 

Maraykanka oo ugu deeqay gaadiidka aan rasaasta karin dowlada Soomaaliya(Sawiro)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Mareykanka ayaa soo gaarsiisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya lix gaari oo ah gaadiidka aan xabadaha karin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho, January 3, 2018---Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda dawladda ay samaysay koror fiican oo lagu ammaani karo, waxuuna bogaadiyay sida ganacsatada Soomaaliyeed ay isugu xilqaameen bixinta cashuurta.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa sharaf weyn ah in aan dib u hanannay Maamulka iyo maareynta Hawadeena”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa daah-furay munaasabad lagu maamusayey dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka oo bayaan ka soo saartay go’aankii Donald Trump ee magaalada Qudus

Dowladda Federaalka ayaa caawa bayaan ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus inay tahay Caasimadda Israel. 

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo “Marxalada aan haatan ku sugannahay inooma saamaxeyso Kala qeybsanaan”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu saxiixayay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in aan xilligan loo baahneyn kala qeybsanaan.

Akhriso: War murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada (Sawirro)

Waxaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya lagu qabtay kulan wadatashi oo u dhexeeye Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 28-kii Oktoobar ilaa 5tii, Nofembar, 2017,  kulankaas oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa daba socday Casumaadii Maxadweynuhu u diray Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah.

Shirka wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya oo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka maalmihii ugu danbeeyayba u socday madaxda dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedyada, iyadoo lagu wado in gabagabada shirka laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira qodobada lagu heshiiyay.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib uga soo laabtay, kana warbixiyay safarkii dalalka deriska

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ka helay qaar ka mid ah Madaxda Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha oo fariin u diray maamul goboleedyada, kuna baaqay midnimo iyo wada shaqeyn

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku baaqay midnimo iyo wadashaqeyn, kaddib war murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, kaasoo dhaliilo loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo “Inuu dhibka noo soo hormaro waa faa’ido, waana ku ad-adkaaneyna”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadda ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Jeddah ee Boqortoyada Sacudiga(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Muqtaar Roobow oo ka socda Madaxtooyada Muqdisho

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wadahadalo albaabada u xiran yihiin ku leh madaxtooyada,  iyagoo ka wadahadalya sida laga yeelayo Sheekh Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo shalay isu soo dhiibay dowlada.

Madexwayne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay”Sawiro”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Akhriso: Miisaaniyadda sanadka 2017 iyo qaraashaadka ku baxaya Hey’addaha dowladda

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017, kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay bishii hore ay horgeysay Baarlamaanka Miisaaniyadda lixda bilood ee sanadkan ka harsan.

Muxuu noqon doonaa Go’aanka Baarlamaanka ay ka qaadanayaan Wasiir Xoosh ?

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta soo afjari doono go’aan ka gaarista dooda la xiriirta xil heynta Wasiir Xoosh, kaddib markii todobaadkii hore uu ka baaqsaday u yeeristii Baarlamaanka ee ka dambeysay xiisadii ka dhalatay ka hor imaanshihii qaraarkii Baarlamaanka uga soo hor-jeestay go’aankii Maxkamadda sare.

Madaxweyne Farmaajo oo amray in la weeraro saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Saakow

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada caalamiga ah ayaa weerar ku qaaday saldhig tababar oo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo dalka dib ugu soo laabtay

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay safaro ku tageen dhowr dal.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada London kaga qeyb galeen shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Farmaajo “Al-Shabaab waqtigooda waa dhamaaday, hal lug ayay ku taagan yihiin, lugtaasna waa u bixineynaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay dowladdiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Al-Shabaab iyo musuq maasuqa, kaasoo uu tilmaamay inay ka mid yihiin labo caqabad oo lid ku ah dowladnimada.

Madaxweynaha: Dano Siyaasadeed kama lihi dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanu dano siyaasadeed ka laheyn dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto shirka lagu dar dar gelinayo maamul u sameynta Labada Gobol.

Madaxweynaha oo soo saaray wareegto ku saabsan hab-raaca hawlaha dowladda ee waqtiyada doorashada 2016

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada.

Danjirihii dalka Burundi General Nkurunziza oo loo sameeyay xaflad sagootin ah (Sawiro)

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaadey.

Baarlamaanka oo ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee 10-ka cisho uu ku soo dhameystirayo Xukuumadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ogolaaday codsiga Ra’iisul Wasaaraha ee 10-ka cisho, kaasoo ahaa inuu ku soo dhameystirayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo codsigaas uu dhaliyay buuq badan oo ay kala hor-yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiiro ka baxay Shir Deg Deg ah oo saakay R/Wasaaraha Soomaaliya isugu yeeray Golaha Wasiirada

Wararka aan ka heleyno Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan Deg deg ah saakay uu isugu yeeray Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya si ay uga arinsadaan xaalada Siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul oo saameyn ku yeeshay shirarkii Golaha Wasiirada (Warbixin)

Tan iyo markii uu si rasmi u soo shaac baxay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha 25-kii bishii October, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada ayaa khilaafkaas waxa ugu badan ee uu saameeyay waxaa ka mid ahaa hey’adaha dowladda.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS