Tag: SOMALIA

Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland oo heshiis qarsoodi ah gaaray {RW Kheyre oo ku sii jeeda Kismaayo}

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis hoose la gaartay Maamulka Jubbaland taasoo lagu soo afjarayo xiisadda siyaasadeed ee muddo u dhaxeysa Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe. 

Wasiir Cawad : Wakiilka Qaramada Midoobey wuxuu dhaqmay si ka baxsan nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda

Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa, kaa oo dalka looga mamnuucay wakiilka gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday hey’ad Cilmi baaris uu leeyahay nin Ajnabi ah

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Hey’add cilmi baaris oo lagu magacaabo Sahan Research. 

Ciidamo Soomaali iyo Mareykan oo xalay weeraray deegaanka Awdheegle

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. 

Burcad Badeed Soomaali ah oo weerar ku qaaday Markab marayay Xeebaha Soomaaliya.

Koox katirsan Burcad Badeeda Soomaalida ayaa la sheegay in  ay weerar ku qaadeen Markab Dagaal oo ku sugnaa Xeebaha Soomaaliya, islamarkaana waxaa  laga leeyahay Hong Kong.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo difaacay mowqifka dowladda ku taageertay Sacuudi Carabiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa difaacay mowqifka dowladda Soomaaliya ku taageertay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya dowladda Canada, kaddib war saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay. 

Booqashadii madaxweyne Farmaajo ee Eritrea oo xiisad ka dhax- abuurtay Soomaaliya iyo Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay.

Madaxweyne Farmaajo oo dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda ugu sareysa Galmudug oo mar kale uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya awoodda iyo heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug. 

Daawo: Madaxtooyada oo lagu soo kordhiyay qalabka casriga ee amniga lagu sugo

Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah halka looga taliyo dalka ayaa waxaa ka bilowday dayactir kala duwan oo isugu jira mid amni iyo bilicda, si Madaxtooyada ay ula mid noqoto Madaxtooyada caalamka. 

Sarkaal ka tirsan shirkadda Qantas oo isla meel dhigey garoomada diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya

Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin. 

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0, kaasoo gaari uu saarnaa Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka gudbay koontaroolkaas lagu riday rasaas. 

Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeynayo bisha Ramadaan

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo Isugu jiro:- Booliis, Militari, Nabad Sugidda iyo Asluub loo diyaariyay Sugidda Amniga gaar ahaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan. 

Dowlada Soomaaliya oo ugu baaqday Shirkadda DP World inay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.

Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?

Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya oo Qadar ka guddoontay illaa 30 gaadiid loogu tala galay Ciidamada Booliska

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka guddoontay Qatar illaa 30 gaadiid nooca loo yaqaano Landcruiser, kuwaasoo loogu tala galay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. 

Turkiga oo mudo kordhin u sameeyay ciidamadooda jooga Soomaaliya

 Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay Arbacadii shaley magaalada Ankara ayaa muddo Hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir gaar ah uga qeyb galay dalka Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka  ay kaga tashanayeen gantaal baalisti ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.

Dowlada Kuwait oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, isagoo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibada oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. 

Guddiga Joogtada oo ku gacan seyray soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha ee xasaanad ka qaadida Xildhibaanada

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiraya darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadduuda gobalka Gedo.

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya wararka sheegaya in Dowladda Kenya ay darbi ka dhisayso Xadduudda ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadagaan Degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

XADGUDUBKA TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYA EE LOOLANKA DOORASHADA SOOMAALIYA

 Waxaa dhawaan soo baxay hadal laga duubay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isaga oo si toos ah ugu ol’oleynaya doorashada Xasan Sh. Maxamuud ee madaxtinimada Soomaaliya.

Dhageyso Barnaamijka Baro Soomaaliya

kulanti wanagsan asxaabta ayno jacelnahow meel kasta oo aad ku sugan tahay waxaad ku soo dhawaataa barnaamijka Baro Soomaaliya waxaana waalin waliba oo sabti ah ku soo qaadan Doonaa insha alaah meel ka mid ah Soomaaliya si aan wax badan ugu ogaano
HALKAAN KA DHAGEYSO

Annadif to lead AU Somalia mission

The Africa Union has appointed a new head of its mission in Somalia. Mr Mahamat Saleh Annadif, from Chad, is also the commission’s new special representative to the war-torn country.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS