Tag: Raiisul

Ra’iisul Wasaare Khayre oo amaanay ciidamada xasilinta Caasimada dalka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa galabta kormeer shaqo ku tagey qaar kamid ah xarumaha ciidamada Dawladda ee magaalada Muqdisho. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo bilaabay kulamo uu bulshada ku kasbanayo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay kulamo uu ku kasbanayo bulshada rayidka, iyadoo xafiiskiisa uu dhowaan bilaabayo olole dadka fariimo ugu soo dirayaan, si talooyinka iyo fikradaha ay hayaan ula wadaagaan. 

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Garoonka diyaaradaha uu shaqeyn doono habeen iyo maalin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gelinkii dambe ku xiran dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha nalalka iftiimiya, kaasoo suura gelinaya in garoonka uu shaqeeyo habeenkii. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Salaan ugu tagay Imaamka Beelaha Mudullood

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Qaar ka mid ah wasiirada uu soo magacaabay ayaa shalay kulan Salaan ugu tagay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Imaamka Beelaha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre: [ 48-dii saac ee lasoo dhaafay 110 ruux ayaa abaarta ay ku dishay Goboladda Bay iyo Bakool oo keliya]

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya  Xassan Cali Khayre, oo manta markiisii ugu horeysay la kulmay guddiga gurmadka abaaraha, ayaa waxaa uu sheegay in Goboladda Bay iyo Bakool 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay baartu ku dishay 110 ruux.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulankii u horeeyay la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay si gaar ah uga wada hadleen wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee saameynta ballaaran ay ku yeesheen Abaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha “Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ka turjumi doontaa rabitaanka shacabka”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay wada tashiyo uu ku soo dhisayo Golihiisa Wasiirada cusub, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu uu heysto inuu ku soo magacaabo Xukuumadda illaa 30-ka bisha March.

R/Wasaare Kheyre “Xukuumadeyda waxaa hal-beeg u noqon doonta Hal-heyskii R/Wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen”

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod caqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”.

RW Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal dhinac hogaanka dalka ah

Ra'iisal wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke ee waqtigu ka dhamaaday ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay isbadal ku dhaca dhinaca hogaanka dalka, mar uu Kismaayo kula hadlayay xubnaha labada aqal ee dhawaan la doortay.

Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu sameynayaa nidaamka Federaalka, hadii dhib iyo xabad uu keenayo”

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka Federaalka Federaalka, hadii ay la xiriirto colaada ku soo laabaneysa magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda qeyb ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

R.W Cumar oo Hambalyo u direy Hoggaan ka Cusub ee Maamulka Hirshabeelle

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Banaan bax looga soo horjeedo muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha “Waxaa la isla gartay in 2020 dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in si guul uu ku soo dhamaaday shirkii Istanbul ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, isagoo faah faahin ka bixiyay qodobada la isla gartay ee shirka ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo difaacay go’aanadi ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran

Kadib marki ay qaadaceen maamulada Puntland iyo Somaliland go,aanki kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Soomaaliya sanadkan 2016 noqon doono nidaamka 4.5, ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii Liido Sea Food

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo War Qoraal ah soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay twitter-ka  ayaa ka hadlay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Maqaayadda Liido Sea Food,waxaana uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu Cambaareenayo Falkaasi lagu laayay dadka Shacabkaa ee aan waxba galabsan.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay Puntland iyo Galmudug dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka baaqday safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo, si uu ugu qeyb qaato dadaalada lagu xalinayo xiisada ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka wada tashiga 2016

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa faah faahin ka bixiyay shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashooyinka sanadka 2016 ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoolka weyn ee shirkan uu ka furmay ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisal Wasaaraha oo xariga ka jaray Taawar cusub oo laga hago garoonka Aadan Cadde

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigay xarunta laga hagi doono diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya taa soo aan shaqeyneyn muddo labaatan sano ka badan lagana maamulayay dalka Kenya waxaa sidoo kale Ra’iisul wasaaraha uu xarigga ka jaray taawarka cusub ee garoonka Aadan Cadde  oo dowladda Turkiga ay dhistay.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay dhismaha Ciidamo qaran oo hanta ammaanka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay hantaan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Soomaaliy.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbada ka jeediyay Shirka Golaha Guud Ee QM

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Qudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee QM ,iyadoo uga hadlay Qudbadda Arrimo farabadan.

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa si KMG ah waxaa uu u magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa Guddoomiyihii Jaamacadda SIU.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta ku sii jeeda magaalada Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo wada hadalo ay ku leeyihiin Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo wada isbaheysi ka dhan ah dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kulan deg deg la qaatay Hey’addaha Ammaanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.   

Ra’iisul Wasaaraha oo rajo ka muujiyay in Ahlusuna qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa rajo ka muujiyay in Ahlusuna Wal-jameeca qeyb ka noqdaan Maamulka Gobollada Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in wada hadalada ka socda Dhuusa Mareeb ay meel wanaagsan marayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhiga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca kula kulmay Xarunta Pentagon-ka.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa inuu saaka hortago Golaha Baarlamaanka, si uga jeediyo khudbad ku aadan qorsha howleedka Xukuumadiisa iyo wixii u qabsoomay tan iyo markii uu helay kalsoonida Baarlamaanka.  

Ra’iisul Wasaaraha “Waxaa dhowaan la guda galayaa dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay dadaal ugu jirto dhismaha Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo la filayo in dhowaan la bilaabo howlaha maamul u sameynta Gobolladaas.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka digay in dadka ka soo qaxaya Yemen ay ku soo dhex dhuuntaan Alqaacida

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashid Cali Sharma’arke ayaa ka digey in qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Yemen uu halis ku noqon karo wadamada kulaalka gacanka Cadmeed iyadoo dad badan ay ka soo cararayaan dagaalada ka soconaya dalka Yemen.

Halkan ka aqriso wareysi uu siiyay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdrashiid taleefishinka Aljazeera

Ra’iisal wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Cumar Cabdrshid Cali ayaa wareysi siiyay taleefishinka Aljazeera waxana uu ra’iisal wasaaruhu uu kaga jawaabay wareysiga arrimo ay ka mid yihiin: xilliga laga yaabo in AMISOM ay dalka ka baxdo,suurtogalnimada in dowlada Soomaaliya miis la fariisato ururka Al-shabaab,mowqifka dowlada ee duqeynta diyaaradaha dronka iyo su’aalo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood ah ugaga bilaabatay dalka Qadar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Qadar ee Doha.

Raisul Wasaare Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya “SAWIRRO”

–Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,  ayaa maanta la kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo aqbalay go’aanka Golaha Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa aqbalay go’aankii golaha Baarlamanka F. Soomaaliya ay maanta kalsoonida ugala laabteen Xukuumadda uu Hoggaamiyo.

R/Wasaaraha Somalia oo markii ugu horeesay ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha(Daawo Muuqaal)

Ra'isul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeesay waxa uu ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdi wali Shiikh Axmed oo ku wajahan manta Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa maanta Booqasho ku tagaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay,halkaa oo ay ku sugan yihiin Gudigii Xukumadda Soomaaliya ay u Magacowday Dhismaha Maamulka Saddexda Gobol.

R.W Cabdiweli oo maanta kulan qado ah la qaatay ururada bulshada rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay qeybaha bulshada Rayidka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga 2016. 

RW C/WELI: "Soomaalidu waa in ay Caawiyaan Walaalahooda Dhibaateysan"

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa fariin ku aaddan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.

R.Wasaare Cabdiweli: Waxaan bogaadinayaa go’aanka Ximan iyo Xeeb ugu soo biirtay heshiishka Gobollada Dhexe”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo Puntland ugu Hambalyeeyay 16-guuradii Aasaaskooda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa hanbalyo ku aaddan sannad-guuradii 16-aad ee kasoo wareegtay asaaskii Puntland u diray shacabka iyo mamulka deegaannadaas.

Ra’izul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xiisada Baydhabo amarna Siiyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Baydhabo jooga

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’izul Wasaaraha oo Warbaahinta qaarkood si hoose u heleen ayuu kaga hadlay Xiisada Siyaasadeed ee xiligan ka taagan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo beesha caalamka ugu baaqay in la gar gaaro dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeer howleed ku tegay garoonka diyuuradaha  Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasi oo ugu kuurgalayey olollaha dib u dhiska garoonka iyo carsiyeen lagu sameyn doono dhawaan garoonka Aadan Cadde

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed oo cambaareeyay dilkii Dhakhaaiirta

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Suuriyaan, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS