Tag: Qaranka

Hanti dhowrka Guud oo ku gacan seyray xil ka qaadistii Golaha Wasiirada

Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo caawa Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada.

Nuur Jimcaale “Doorashooyinka socda waxaa hareeyay musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed”

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed ay hareeyeen doorashooyinka Labada aqal ee ka kala dhacay deegaanada maamul goboleedyada, isagoo xusay in cabasho badan ay soo gaartay xafiiskiisa.

Xeer Ilaaliyaha Guud “Waa in la magacaabo Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la magacaabo Guddi madaxa banaan oo la dagaalama musuq maasuqa.

XEER-ILAALIYAHA: Dowladda Somalia kama bixin Dacwaddii Badda ee kala dhexeysa Kenya

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Somalia aysan ka bixin dacwaddii kala dhexeysay Kenya ee ku saabsanayd xuduud-badeedka labada waddan u dhexeeysa, isagoo sheegay in 13-ka bishan oo ku beegan Isniinta soo socota ay mar kale dacwad arrintan ku saabsan u gudbin doonaan maxkamadda Hague ee dalka Netherlands.

Xeerilaaliyaha Qaranka oo laalay Xilka qaasitii Golaha Wasiirada ay ku Sameyeen

Xeerilaaliyaha Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse oo Saxaafadda Muqdisho Kula Hadlayay ayaa  sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan awood ulaheyn inay xil ka qaadis ku sameyso.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS