Tag: Qaran

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madasha-wadda-tashiga Qaran ee Muqdisho ku soo dhamaaday

Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, kaasoo uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka sanadka 2016.

Maxaa looga hadlay Shirkii Madasha Qaran ee Maanta Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo saaka lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho.Xildhibaanka oo lagu aasay qubuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa aaskiisa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka, Jeylaani Nuur Ikar, ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/llaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno iyo ehelada Xildhibaanka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS