Tag: QM

QM “Qaban qaabiyeyaasha & maal-galiyayaasha Al Shabaab waa in la helaa”

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn u falanqeeyay weerarada xoogeysanaya ee Al Shabaab la eegayaan fariisamaha AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya. 

Qaramada Midoobey oo warbixin ka soo saartay duqeyn lagu diley Qaxooti Soomaali ah

Baaritaan ay sameysay qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xulafada ay hogaamiso Boqortoyada Sacudi Carabiya ay mas’uul ka ahaayeen 42 Soomaali ah oo lagu diley xeebaha dalka Yemen bishii March ee sanadkan.

Qaramada Midoobey oo diiday diyaarado lagu soo daabulo Xildhibaanadii laga soo doortay Gobolada dalka

Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa diiday dalab uga yimid Maamul goboleedyada oo ahaa inuu ka qeyb qaato daabulida Xildhibaanadii lagu soo doortay xarumaha maamul goboleedyada, kuwaasoo aan wali soo gaarin magaalada Muqdisho.

QM: ugu yaraan 150 askari ayaa KDF looga dilay Ceel-cadde

QM ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay in ugu yaraan 150 askari ciidamada Kenya ee KDF looga dilay Ceel-cadde koofurta Soomaaliya bishii kowaad ee sanadkaan.

Micheal Keating oo shaki geliyay in doorashada Soomaaliya ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala galay

 Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Soomaaliya inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, isagoo caddeeyay in Beesha Caalamka aanay aqbali doonin khilaaf siyaasadeed oo sababa dib u dhac doorasho.

Xoghayihii Hore ee QM Boutros-Ghali oo Maanta ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka MASAR

Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, sida uu sheegay Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

QM sheegtay in loo baahan yahay dhaqaale lagu Gargaaro 4.9-Milyan oo Ruux oo Soomaali ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay billaabayaan todobaadka soo soccda raadinta 885-milyan oo doollar si loogu caawiyo dadka Soomaalida ah ee gargaarka u baahan sannadkan cusub ee 2016-ka.

Nicholas Kay “Waxaan ku boorinayaa Xoogagga Ahlusuna inay ka baxaan Dhuusa Mareeb, dibna ugu laabtaan….”

 Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa walaac ka muujiyay xaalada Gobolka Galgaduud, gaar ahaan tallaabadii kooxda Ahlusuna Wal-jameeca kula wareegeen degmada Dhuusa Mareeb.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay wajiga labaad ee shirka Cadaado

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Jabhada Xuutiyiinta Yemen

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan qaraar ogolaanaya in cunaqabateyn dhinaca hubka ah lagu soo rogo Jabhada Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira dowladda tabarta yar ee ay taageerayaan Xulufada uu Sacuudiga hogaaminayo.

QM iyo Mareykanka oo soo dhaweeyay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Somalia

Warbixin kasoo baxday waaxda Arimaha Dibada Mareykanka ayey dowlada Mareykanku kusoo dhaweesay ansixintii xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel mariyeen Ra’iisul Wasaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali.

Qaramada Midoobay oo Codsatay Lacago lagu caawiyo Malaayiin Somali ah

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay 863-milyan oo doollar oo si deg-deg ah loogu caawinayo 2.7 milyan qof oo Soomaali ah oo u baahan gargaar deg-deg ah sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric.

Qaramada Midoobey oo ka digtay in Cudurka Ebola uu ku faafo Caalamka

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in Cudurka Ebola uu ku faafo Caalamka intiisa kale, kadib markii bilihii la soo dhaafay ay cudurkan ugu geeriyoodeen kumanaan ruux dalal ku yaal Galbeedka Afrika.

QM”oo ogaatay in Ciidamada Kenya ay ku lugleeyihiin dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.”

Safiirka dowlada Ingiriiska ee Qaramada Midoobay Mark Layal ayaa sheegay in ciidamada dowlada Kenya ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci darada dhuxusha Soomaaliya.

QM oo ka hadashay Khilaafka Madaxda Dalka

Ergayga Gaarkaa ee Xoghayaha Guud ee QM Ban Kin Moon u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Nikolase Kay ayaa sheegay in QM ay walwal ka muujisay Khilaafka Madaxda sare in uu saameyn ku yeesho doorashada la filayo in ay dhacdo 2016-ka.

Qaramada Midoobay iyo Ethiopia oo kawada hadlay xaaladda amni ee Somalia

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia, Tedros Adhanom iyo ku xigeenka siyaasadda ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jeffrey D. Feltman ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York kaga hadlay arrimo ay ku jirto Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay Shirka ka furmay Magaalada Kismayo

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay shirka dib u heshiisiinta ee shalay ka furmay degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay ka qaybgalayaan ergooyin kala duwan.

Mareykanka,Midowga Yurub, iyo qaramada midoobey oo baaq kulul u diray Somaliland

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer  gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay. 

Qaramada Midoobay oo ka digtay in mar kale ay Somalia ka dillaacdo Macluul

Qaramada Midoobay ayaa dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii macluul Somalia ka dilaacda looga hortegi lahaa, ayna bixiyaan dhaqaalihii lagu badbaadin lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ka jiraan.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo booqasho taariikhi ah ku yimid Magaalada Muqdisho(Daawo Sawirada)

Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maalintii shalay aroortii hore, iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.

Weerar ka dhacay Mombasa iyo Al-Shabaab oo lagu Eedeeyey

daka deegaanka xaafada likoni ee magalada Mombasa ayaa warbaahinta usheegay in rag hubeesan oo watay mooto ay soo weerareen xaafada islamarkaana auy dileen kudhawaad 4-ruux in kabadana ay dhaawaceen.

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag Cambaareeyay dilkii Xildhibaan Xayd

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xayd oo Khamiis shalay ahayd loogu geystay Muqdisho, dilkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Kenya ka caawinayso la dagaalanka Argagaxisada

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka caawiyaan Kenya iyo dalalka kale ee Afrika dagaalka lagula jiro argagaxisada oo weerarro taxane ah oo khasaare badan geystay ku qaaday Kenya.

Qaramada Midoobay: Soomaaliya waxay u baahan tahay $60 milyan

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay gurmad dhaqaale oo degdeg ah si wax looga qabto xaalad bini’aadannimo oo ka jira Soomaaliya.

Qaramada Midoobay oo ka digtey macaluul ka dillaacda Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa ka digtey cunto yari iyo macaluul ay suurogal tahay in ay Soomaaliya ka dillaacdo dhowrka bilood ee soo aaddan.

Qaramada Midoobey oo ka digtay Abaarta Soomaaliya iyo xaalado nafaqdaro

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay xaalad abaareed oo ku soo fool leh Soomaaliya, kadib markii la soo wariyay in boqolaal kun oo ruux inay u baahan yihiin gargaar deg ah.

QM oo mar kale ka digtay qatarta ka Imaan karto Maleeshiyaadka Shabaab

Sida lagu daabacay wakaalada wararka Ee Washitong Post,xukuumada Washitong ayaa shaacisay in Hanjabaadaha iyo Qatarta Ururweynaha Al-Qaa’ida iyo Laamaha Xiriirka la Leh ay sii kordhayaan,waxaana Mareynkanka uu ka digay in Jiil Cusub ay ku Biiraan Al-Qaa’ida ama ay soo baxaan.

Q.M oo dawlada Somaliya utababareysa ciidan Amaanka sugaya

Q,M ayaa sheegtay inay dawlada Soomaaliya ka ka taageerayso abuurista ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya sugida amaanka dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

Qaramada Midoobey oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Degmada Taleex ee Gobolka Sool

Muqdisho, 16 April 2014 - Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa dareen ka muujiyay shaqaaqadda ka dhexdhalatay ciidamo ka socda Soomaaliland iyo kuwo ka socda Puntland, oo ku murunsan Gobolka Waqooyi ee Sool, gaar ahaan magaaladda Taleex.

Qaramada Midoobay oo ka hadashay nin lagu toogtay magaalada Kismaayo

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa codkooda ku biiriyay in la joojiyo toogashada degdegga ah kadib markii magaalada Kismaayo shalay lagu toogtay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu sagaal maalmood kahor diley mid kamid ah oday dhaqameedyada gobolada Jubbooyinka.

Nicholas Kay oo cambaareeyay rabshadaha Baydhabo

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay rabshadaha ka jira magaalada Baydhabo ee la xiriira maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed iyo dil habeenkii Axadda gobolka Bakool loogu gaystay siddeed odayaal dhaqameed.

Danjire Kay oo ka dayriyay xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho

Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo kaga qaybgalay khadka taleefoonka kulan ay xubnaha golaha ammaanku ku yeesheen magaalada New York ayaa sheegay inay xalaadda Muqdisho kasoo darayso.

Xaalada dagmada Baardheere oo kacsan iyo Ciidamada Huwanta ah oo ku sii siqaya.

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto degmada, kadib markii laga war helay in ciidamada huwanta ay ku soo wajahan yihiin.

Q. M. Oo cambaareysay Weerarkii Argagixiso Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay falkii argagixiso oo shalay maleeshiyaadka Al-shabab ka geysteen Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya iyo QM oo manta hishiis kala sixiixday

Muqdisho 26- Feb- 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu saxiixay heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey. Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda C/Raxman Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay.

Qaramada Midoobey oo ka digeysa abaar mar kale ku dhufata qeybo katirsan dalka Somaliya

Hay’adda cunnadda iyo beeraha u qaabilsan Q,M ee marka magaceeda lasoo gaabsho la yiraahdo FAO ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in dad tiradoodu gaarayso 857,000 ooo ruux oo Soomaaliya ku nool ay u baahanyihiin cunno deg deg ah in la gaarsiiyo haddii kale ay wajahayaan xaalad adag oo bini’aadanimo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ku baaqay ciidamo dheeraad loo diro Koofurta Sudan

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in ciidan dheeraad ah oo nabad ilaalin loo diro dalka Koofurta Sudan, halkaasoo dagaal isir ku saleysan uu ka socdo.

Qaramada Midoobay oo gaashaanka ku dhufatay in la xiro Xeryaha qoxootiga Dalka Kenya oo ay ku jiraan Soomaali badan

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ogolaanayn in la xiro xeryaha ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu dhawaan amar ku bixiyay in xeryaha qoxootiga la xiro.

Jan Eliasson oo Golaha Ammaanka ugu baaqay in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyo, lana taageero Ciidamada Soomaaliya

Ku xigeenka xoghayaha guud ee QM, Jan Eliasson oo xalay ka hadlay kulan ay lahaayeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay loogana hadlayay kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ayaa ku baaqay in tirada AMISOM si dhaqso ah loo kordhiyo.

QM oo dadaal ugu jira sidii lagu kordhin lahaa ciidamada AMISOM loona dhisi lahaa kuwa Somalia

Ban Ki-Moon Xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dadaal xooggan ugu jiray in la kordhiyo ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay weerarkii bishii hore lagu qaaday suuqa ganacsiga Westgate Mall ee Nairobi, taasoo ay ku dhinteen 67-qof.

QM oo ka doodeysa waqti u kordhinta AMISOM

Kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka uqaabilsan dhinaca siyaasadda Wendy Sherman, ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee QM ka doodayaan u cusbooneysiinta waqtiga AMISOM ay Soomaaliya joogayaan.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS