Tag: Puntland

Xulka Puntland oo u soo gudbay kulanka finalka ee tartanka ciyaaraha Dowlad goboleedyada

Xulka Puntland ayaa sanadkii labaad ee isku xigta tartanka ciyaaraha kubbada cagta dowlad goboleedyada u soo gudbay kulanka kama dambaysta ah kadib markii uu 1-0 ugaga badiyay xulka gobolka Banaadir.

Baarlamaanka Puntland oo amar ka soo saaray Doorashada Somaliland

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Garowe Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayay kaga horyimaadeen in xuduudaha maamulka Puntland ay ka dhacdo doorashadda maamulka Somaliland.

Maamulka Puntland oo War murtiyeed ka soo saaray shirka Kismaayo (Sawirro)

Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaciyay inay ka qeybgalayaan shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu ka furmayo maalinta Axada magaalada Kismaayo.

Puntland oo taageertay Isbaheysiga Sacuudiga, baaqna u dirtay dowladda Federaalka (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa maanta go’aan ka soo saaray xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka, iyadoo taageertay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Golihii Wasiirada uu dib u soo magacaabay C/wali Gaas

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hor-geeyay Baarlamaanka, Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay todobaadkii hore, kaddib markii bishii la soo dhaafay ay kalsoonida kala laabteen Xildhibaanada.

Puntland oo lagu eedeeyay inay sabab u aheyd fashil ku yimid shir ka dhici lahaa Seychelles

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inuu sabab u ahaa fashil shir looga hadli lahaa heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa Kalluunka loo yaqaano Tuunaha oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles.

Shaqaale iyo Markabkii lagu afduubtay xeebaha Puntland oo la sii daayay

Wararka ka imanaya degmada Calula ayaa sheegaya in burcad badeedii afduubatay markab shidaalka qaada ay sii daayeen kadib wadahadalo ay  la galeen dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo safar qaadanaya todobaad ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gelinkii dambe u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga sii gudbayo dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Puntland oo soo jeedisay in la dedejiyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland ayaa soo jeediyay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay dedejiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan.

Taliye kuxigeenkii Booliska Puntland oo u geeriyooday dhaawac iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Taliye kuxigeenkii saddexaad ee Ciidamada Booliska Puntland G/lle Jaamac Saxar-diid ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar dabley hubeysan shalay ku qaadeen gudaha magaalada Boosaaso

Madaxweyne ku xigeenka Puntland “Nabbada Gaalkacyo ma wanaagsana in magaalo kale loo aado”

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in nabadda magaalada Gaalkacyo haboon tahay in looga dambeeyo odayaasha dhaqanka iyo culumada gobolka Mudug.

Akhriso: War Murtiyeed laga soo saaray heshiis ay gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis hordhac ku gaaray magaalada Abu Dubai iyadoo heshiiskaasna ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka.

Musharixiinta Aqalka sare ee Puntland oo maanta lagu dhawaaqayo

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in goor dhow oo maanta ah lagu dhawaaqi doono liiska musharixiinta Puntland u matali doonto aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland oo iscasilay

Wasiiru dowlihii madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ee Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Puntland.

Suxufiyiinta Puntland oo dacwad ka gudbiyay Wasiirka Warfaafinta

Suxufiyiinta Puntland ayaa dacwad ku furay Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Xasan Soo-Cadde, kaasoo bishii la soo dhaafay Suxufiyiinta ugu hanjabayo dil iyo xabad, iyadoo maanta lagu wado in dhageysiga dacwada ka bilaabato Maxkamad ku taal Garowe

Puntland oo Iridaha u laabtay Xalay Xarumihii RADIO DALJIR ee Garoowe iyo Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa Xalay Albaabada u laabay Xarumihii uu Radio Daljir ku lahaa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, waxaana la sheegay in xariggooda loo cuskaday amar kasoo baxay Taliyiaha Booliiska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax [Ereg].

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo fariin u diray Al-Shabaab

 Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii Haweenka Gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab marka looga soo adkaado dagaalada inay dib ugu soo laabtaan birimigeydada oo ay dilaan.

Askar ku geeriyootay qarax miino oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Ugu yaraan labo askari ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii qarax miino lala eegtay gaari dagaal ay la socdeen Ciidamada Puntland oo marayay duleedka Boosaaso.

Puntland oo ka digtay in wax ka bedel lagu sameeyay heshiiskii hanaanka doorashada 2016

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa ka digay in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii ku aadanaa hanaanka doorashada ee 2016, iyadoo shirarka ka socda magaalada Muqdisho looga gol leeyahay in lagu saxo qaladaadka ku jira heshiiskaas.

Madaxweynaha Puntland oo heshiis la saxiixday maal-qabeen u dhashay Sacuudiga

 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maalmahan ku sugnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland la saxiixday maal-qabeen ka soo jeeda qoyska Boqortooyada oo lagu magacaabo Amiir Suldaan Bin Naasir Bin Cabdicasiis Aal-Sacuudi.

Gaas oo maanta booqanaya goobihii Ciidamada Puntland kula dagaalameen Al-Shabaab

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu tago deegaanadii Ciidamada Puntland kula dagaalameen Al-Shabaabkii doonyaha kaga soo degay xeebaha Puntland.

Puntland oo soo bandhigtay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Togga Suuj (Sawirro)

Ciidamada Puntland ee ka dagaalamay Togga Suuj ayaa soo bandhigay maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii halkaas ka socday maalmihii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Puntland ay sheegeen inay si rasmi u soo afjareen dagaalkii halkaas ka socday.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda Togga Suuj iyo Puntland oo guulo sheegatay

 Dagaalo ayaa mar kale maanta oo jimco ah waxaa uu mar kale ka bilowday Togga Suuj ee Gobolka Nugaal, halkaaso maalmihii la soo dhaafay dagaalo ku dhex marayeen Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab.

Puntland “Ciidamada NATO ee ku sugnaa Xeebaha kama hortagin duulaankii Al-Shabaab”

Maamulka Puntland ayaa ku dhaliishay Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya inay ka qeyb qaadan waayeen ka hor-tagga dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee 14-kii bishan doonyaha ku galay deegaanada xeebaha ee Gobolada Nugaal iyo Mudug.

Dagaal Culus oo Ciidanka Puntland iyo Xoogagga Al-shabaab ku Dhexmaraya Gobolka Nugaal

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo dhawaanahan ku sugnaa deegaanno ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland ayaa goor-dhow ka qarxay deegaanka Garmaal oo ka tirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Abaaro laga soo sheegayo Puntland

Cunto yari  iyo biyo la,aan baahsan ayaa laga soo sheeggayaa deegaano badan oo hoos yimaada maamulka Puntland ee Soomaaliya.

PUNTLAND: Xubnaha Baarlamaanka Puntland oo Doortay Guddoomiye Cusub

Baarlamaanka Puntland ayaa diyaar-garow xooggan ugu jiray doorashada gudoomiyahooda cusub ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe ku doortay Axmed Cali Xaashi oo noqon doona gudoomiyaha cusub ee barlamaanka maaamulka Puntland.

Axmed Cali Xaashi loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

 Axmed Cali Xaashi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe, kaasoo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goor dhow is casilay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Maamulka Puntland oo soo bandhigay Doonyo iyo kalluumeysato ajaanib ah (Sawiro)

Ciidanka badda ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay doonyo ay ku soo qabqabteen hawlgallo ay dhawaan sameeyeen xeebaha Puntland. 

Puntland oo ka hor-timid in xayiraad la saaro heshiisyadii Shidaalka Soomaaliya

Hey’adda Batroolka iyo Macdanta Puntland ayaa qaadacday soo jeedinta Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea ee ahaa in xayiraad la saaro heshiiyada shidaalka, si aanay qal qal u galin xasiloonida dalka.

Puntland iyo Jubbaland oo aan ka qeyb geli doonin Shirka Hiigsiga ee maanta Muqdisho ka furmaya

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb gelin doonin shirka looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub ee New Deal-ka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdishokaasoo ay shir gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay.

Akhriso qoddobada uu Baarlamaanka Puntland ka soo saaray khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federalka

Baarlamaanka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday doodo uu ka yeelanayay muranka iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Puntland, waxana uu maanta soo gabagabeeyay doodahooda iyagoo soo saaray shan qodob oo ay kaga soo horjeedaan go’aano uu Baarlamaanka Federalka gaaray iyo maamul goboleedka Galmudug.

Puntland oo cambaareysey qaabka Somaliland ula dhaqantey qaxootiga Yemen

Puntland ayaa cambaareysey go'aankii Somaliland dib uga celisey qaxootigii ka yimid dalka Yemen ee maalmo kahor soo gaarey magaalada Berbera.

Puntland oo ka laabatay amarkii ay shaqada uga joojiyeen Xafiisyadii Telefishinka Qaranka

Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dib u fasaxeen howlihii Telefishinka Qaranka ee SNTV uu ka hayay deegaanadooda, kadib markii shalay ay shaqada ka joojiyeen.

Puntland oo Sheegtay in ay Soo Ceshanayso Dhulka ka Maqan iyo wasiir ku xigeen la Magacaabay

Madaxweynaha Puntland C/weloi Maxamed Cali Gaas oo ardayda jaamacadda Bariga Afrika uga jawaabayay su’aalo aya sheegay in dhulka Puntland ka maqan la soo celin doono ,iyadoo oo loo marayo wadda kasta oo suurtagal ah.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP oo si Adag u Cambaareeyay Dilkii Silver

Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa si adag u canbaareeyay dil kooxo hubaysan ay xalay ugu gaysteen magaalada Gaalkacyo wariye C/risaaq Cali oo ka mid ahaa wariyayaasha gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa, isagoo ku baaqay in lagu xaliyo dastuurka.

Maxkamadda ciidanka Puntland Xukunno kala duwan ku riday laba eedeysane

Maxkamadda ciidamada Puntland ee Garoowe ayaa xukunno dil iyo xabsi ah ku ridday laba eedeysane oo ay sheegtay in lagu helay inay ku lug lahaayeen falal argagaxisanimo.

Puntland oo Guddi u Magacowday soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Somalia

Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in laba maalin ka dib oo ku beegan 11-ka bisha uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in la soo faragaliyo Khilaafka Galmudug iyo Puntland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed  Ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa Warsaxaafadedkaasi Maamulka Puntland uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay soo faragaliso Khilaafka soo kala dhexgalay Maamulada Puntland iyo Galmudug islamarkaana salka ku haya Xirnaashaha Garoomada Magaalada Gaalkacyo.

Dagaal dhex mara Puntland iyo Galmudug oo laga digay si xaalad aan wanaagsaneen laga dareemaayo labada dhinac.

Iyadoo uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa soo baxaya digniino laga bixinayo dagaalo labada dhinac dhex mara, kadib markii Puntland ay sheegtay in Gobolka Mudug oo dhan ay xukunto.

Wasiirka Ganacsiga PL oo sheegay in la kala diray hoggaanka Rugta Ganacsiga

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland ayaa soo saartay amar lagu kala dirayo hoggaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Kooxo hubeysan oo askar ku toogtay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari

Kooxo hubeysan ayaa saaka 8:00 aroornimo ku toogtay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland, sida uu sheegay taliyaha qaybta booliiska gobolka bari, Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen.

Gabar Weriye ah oo xalay magaala-madaxda P/land ee Garoowe lagu xiray

Ciidamada booliska ee gobolka Nugaal ayaa xalay saqdii dhexe hoteel ay magaalada Garoowe ka deggen tahay kala baxay Weriye Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo kamid ah weriyeyaasha ka howlgala magaalada Boosaaso.

SIIRKA AMNIGA PUNTLAND "ciidamada Puntland ma niyad jabi doonaan"

Maamulka Puntland ayaa Ururka Al-shabaab ku eedeeyey qarax ismiidaamin ahaa ee shalay ka dhacay meel u dhow xarunta taliska booliska ee gobolka Bari.

Wafdi ka Socda Puntland oo Madaxweyne Xasan Kala Hadlay Dilkii Saado Cali

Wafdi ka socda Puntland oo ka kooban siddeed wasiir oo ay wehlinayaan waxgarad isla deegaannadaas kasoo jeeda ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

GAROOWE: PL oo dhistay hay'ad ka shaqyn doonta maalgashiga iyo horumarinta

Golaha Wasiirrada ee Puntland ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa ee ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen waxay ku gorfeeyeen arrimo dhowr ah.

Puntland oo “musiibo qaran” u aqoonsatay kalluumeysiga sharci darrada

Maamulka Puntland ayaa u aqoonsaday kalluumeysiga sharci darrada inuu yahay “musiibo qaran” oo u baahan in si adag looga jawaabo.

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Gudi wasiiro ah oo baara Khilafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta guddi wasiiro ah u saaray sidii xal looga heli lahaa baarisna loogu samayn lahaa qodobada ay isku hayaan Puntland iyo Dowladda uu madaxwaynaha ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud.

Puntland oo Taageertay mid ka mid ah Maamulladii Baydhabo lagu dhisay

Dowladda Puntland ayaa taageertay mid kamid ah maamullada koonfur-galeed Soomaaliya ee dhowaan lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Gala-gala, kadib dilkii Taliyihii hore

Taliye cusub ayaa loo magacaabay ciidamada daraawiishta ee ku sugan aagga Gal-gala ee dagaalka kula dagaalyahanada Shabaab, kadib dilkii 17-kii bishan duleedka Boosaaso loogu geystay Taliyihii hore Col. Jaamac Saciid Afgaduud.

Codeynta doorashada Guddoomiyaha cusub & ku xigeennada baarlamaanka Puntland oo Goor-dhow billaabatay (SAWIRRO)

Waxaa billaabatay doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Puntland, iyadoo ay xilalkan isku soo taageen xubno kala duwan oo uu ku jiro mas'uulkii horay u hoggaamin jiray baarlamaanka Puntland.

Magacyada Xildhibaanada u sharraxan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland

Berri waxay xildhibaannada baarlamaanka Puntland -ee maalmo kahor la dhaariyey- ay dooran doonaan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka golaha, waxaana jira tiro xildhibaanno ah oo labadaas xil u sharraxan.

Akhriso magacyada xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo la soo saaray

Liiska xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee sanadka 2014, ee xalay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansxinta ay shaaciyeen, waxaa ka dhex muuqda in badan oo kamid ah xildhibaanadii ku jirey baarlamaankii uu waqtigiisu dhamaaday. Gobollada ay xildhibaanada badani dib usoo laabteen waxaa kamid ah: Sool, Cayn, Sanaag iyo Haylaan.

Faroole oo ku eedeeyey murashaxiinta qaar kuwo doonaya bur burinta Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) ayaa waxa uu ka codsaday murashaxiinta utaagan xilka madaxtinimada inay dib iskugu laabtaan.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo goor dhow Magacaabay Guddiga Doorashada iyo Ansixinta

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed (Faroole) ayaa maanta magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta, guddigan oo ka kooban siddeed xubnood waxaa ku jira aqoon yahanno caan ka ah Puntland iyo weliba cuqaal.

Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha ay Roobabkii Duufaanta watey ka geysteen gobollada Bariga xiga ee Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqday qaar kamid ah deegaanada ay saameeyeen roobabkii duufaanta watey ee dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka da'ayey gobollada Bad-weynta Hindiya xiga ee ku yaal dhinaca bari ee Puntland.
Halkaan ka dhageyso dhibka meesha ka jira

Ururka weriyaasha Puntland oo ka tacsiyadeeyey geeridii weriye Tima-cadde

Ururka Weriyaasha  Puntland(MAP)oo shalay kulan  ku yeeshay  magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa si weyn u cambaareeyay dilkii loo geystay Allah ha u naxariistee weriye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde, oo shalay lagu aasay magaalada muqdishu.

Falanqeyn Khubdadii Madaxweyne Faroole & Xaalada siyaasadeed ee Puntland

Waxaa shalay  gegida diyaaradaha ee Garowe ka dhoofey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, safarka Faroole ayaa ku wajahnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana la filayaa in uu uga sii gudbo dalal kale, haddaba sida caadadda u ahayd Madaxweynaha waxa uu la hadley saxaafadda waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu ka hadley doorashada la sheegay in ay dhamaadka sanadkan 2013 ama kan xiga bilowgiisa ka dhici doonto deegaanada Puntland taas oo loogu tartamaayo Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne iyo ku xigeenkiis.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo waqti kama dambeys ah qabtay

Guddiga doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in bishan May 11-keeda ay ku eg tahay xilliga la soo gudbin karo musharixiinta ka qeyb qaadanaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland oo bartamaha sanadkan dhacaya.  

Puntland oo hay'adaha caalamiga ee ka shaqeeya deegaannada Puntland la xisaabtameysa

Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, ayaa wadda barnaamij lagula xisaabtamayo hay’adaha caalamiga ah ee ka howl gala deegaannada Puntland iyo wax qabadkooda.

Cadde Muuse oo Puntland wada-hadallo u gaaray

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi, oo dib ugu noqday Puntland, ayaa sheegay in uu Puntland u gaaray sidii uu wada tashiyo ula qaadan lahaa qeybaha bulshada iyo maamulka, si looga hor tago dhibaato ka dhacda Puntland.

Puntland oo wacad ku martay meel iska saaridda al-Shabaab

Maamulka Puntland, ayaa sheegay inay dabagal ku hayaan raggii weerarka ku soo qaaday habeen ka hor fariisin ay ciidamada maamulkaasi ku lahaayeen deegaanka Laag ee duleedka Boosaaso.

Ciidamada Puntland oo soo qabtay markab shamiinto ku daadinaayay xeebaha Bari

Ciidamada badda ee maamulk gobolkeedka Puntland,ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen markab laga leeyahay dalka waqooyiga Korea, kaas oo si sharci darro ah xeebaha Soomaaliya ku soo galay, shameento hallowdayna ku qubayay xeebaha Bari, sida ay baahisay idaacadda Risaala ee Muqdisho.

Somalia's al Shabaab, squeezed in south, move to Puntland

Somalia's al Qaeda-linked militants are moving north into the semi-autonomous region of Puntland, long regarded as a relatively peaceful area, after having been squeezed out of their strongholds further south, the president of Puntland said.

Puntland oo xabsiga dhigtay mid kamid ah kaaliyayaashii madaxweyne Cadde Muuse

Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso, ayaa maanta xabsiga u taxaabay xog-hayihii guud ee madaxweynihii hore ee Puntland Jeneral Cadde Muuse Xirsi.  

Dadka ku dhaqan deegaannada xeebaha Puntland oo dabeylo looga digay

Maamulka gobolka Bari ayaa maanta shaaciyay in ay soo gaareen fariimo kaga yimi dhinaca hay'adda saadaasha hawada ee caalamiga ah oo sheegaya in laga digtoonaado Roobab wata dabeylo xoogan iyo duufaano in ay ka da'ayaan Deegaano xeebeedyo ka tirsan gobolka bari.   

Doon hub sharci darro ah wadday oo Puntland lagu qabtay

Ciidamada ammaanka Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen Hub iyo waxqaabo qarxa, kaasoo lagu arkay xeebta deegaanka Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland "Hala ila tartamo"

Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Puntland ka soo jeeda ee dooneya inay u tar tamaan xilka madaxtinnimo ee maamul goboleedkaasi, inay dhaleeceynta banaannada joojiyaan, oo isaga lala tartamo.

Puntland oo shuruud ku xirtay la shaqeynta dowladda cusub ee Soomaaliya

Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS