Tag: ONLF

ONLF oo ka soo horjeesatay qoondada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ee shidaalka

Jabhada ONLF ayaa  ku gacan seyrtey war ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kaasoo uu ku sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku leeyihiin 5% dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saaro dhulka Soomaalida. 

Jabhadda ONLF oo la Shaaciyay inay ka dagaalamayso Gudaha Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall oo la hadlayay idaacadda VAO-da ayaa sheegay in dagaalka ka socda gobolka Bakool ay qayb ka qaadanayaan xoogag ka tirsan Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

ONLF oo iska fogeysay in ay xiriir la leedahay Ururka Al shabaab Ee Somalia

Afhayeenka Jamhada ONFL ninka lagu Magacaabo Cabdul qaadir Sheikh Xasan ayaa waxaa uu ka hadlay Warar dhawaanahaanba la hadal hayay oo ahaa in ONLF iyo Ururka al shabaab EE Somalia ka dagalama ay xiriir leeyihiin oo ay iska gacan siiyaan Dagaalada ay ku jiraan  waxaana uu wax aan jirin ku tilmaamay wararkaas isagoo Carabka ku dhuftay in waligood aysan xiriir la yeelan Al shabaab hadana aysan Diyaar u ahayn .

Ururka ONLF oo sheegay in Saraakiil Sar-sare looga afduubay Nairobi

Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in laba xubnood oo saraakiishooda sare ka tirsan ay sirdoonka Itoobiya ka afduubeen gellinkii dambe ee Axaddii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee xarutna dalka Kenya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS