Tag: NISA

Is rasaaseyn Ciidamada Nabadsugida iyo AMISOM caawa ku dhex maray agagaarka KM4

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo AMISOM ayaa caawa fiidkii Iska hor imaad ku dhex maray agagaarka Isgoyska KM4, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo iska hor imaadka.

Maxaa ka jira in Raggii weeraray Hotelka Naasahablood ay wateen kaararka aqoonsiga NISA

Jariiradda ka soo baxda dalka Britain ee The Guardian ayaa qortay in raggii weeraray Hotelka Naasahablood 28-kii bishan ay wateen kaararka aqoonsiga ee NISA, sida uu u sheegay Sarkaal ka tirsan NISA.

NISA oo lagu Eedeeyay in Caruurtii ka soo goosatay Shabaab ay Askareysay

Muda sanado ah caruurta Soomaaliyeed ayaa dagaalada loo adeegsan jiray, iyadoo qoryo loo garwaaxin jiray , waxaana sanadihii ugu dambeeyay caruurta inta ugu badan dagaalada u isticmaali jiray oo tababaro siin jiray Al-shaba  oo Al-Qaeda xiriir la leh iyagoo u diri jiray furimaha dagaalka . qaarkood caruurtaasi waxay kooxaha dagaalka kazoo qafaashaan xarumahooda wax barashada.

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida ayaa xalay gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kadib howl gal gaar ahaa oo laga fuliyay degmada Kaxda ee koofur galbeed magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabadsugida oo sheegtay in ay soo qabatay sarkaal ka tirsan ururka Alshabaab

Hay’ada Nabadsugida Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigtey sarkaal ka tirsan ururka Alshabaab kaasoo degenaa mid kamid ah hotelada ku yaal magaalada Muqdisho.

NISA oo soo bandhigtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado Xarunta CID

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku soo bandhgtay Koox Qorsheyneysay Weerar lagu qaado   Xarunta Dambi baarsita ee Ciidamada Booliska ee CID.

NISA oo soo bandhigtay labo nin u dhashay Iiraan oo faafinayay Mad-habta Shiicada

War saxaafadeed ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ayaa lagu faah faahiyay howl gal dhowaan ciidamada Hey’adda ka sameeyeen magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay faafinayeen Mad-habta Shiicada.

Hey’adda Nabadsugida oo amaro cusub oo amniga la xiriira dul-dhigtay Hotelada Muqdisho

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa awaamiir cusub oo dhinaca amniga la xiriira dul-dhigtay Hotelada Muqdisho, kadib kulan Mas’uuliyiinta Hey’addaha ammaanka iyo milkiilayaasha Hotelada ku dhex maray Xarunta NISA.

Taliyaha Nabadsugida oo amray in xitaa gaari dameerada soo galaya Muqdisho labaaro

Taliyaha ciidamada Nabadguda Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa amar ku bixiyay in la baaro gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee soo galaya magaalada Muqdisho iyo kuwa ka baxayaba.

Ciidamada Sirdoonka oo xalay saqdii dhexe howl gallo ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa xalay 2-dii habeenimo waxay howl gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, iyagoo ka baadi-goobayay kooxo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyay dilal iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS