Tag: Muqdisho

Diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo maamulka degmada ay ku warameen inay arkayeen diyaarada joog hoose ku socota oo sii dhaceysa.

Farmaajo: Ma halka uu ka doonay ciidanka difaaca shacabka, mise halka ay jiraan ?

Madaxweyne Farmaajo wuxuu raadinaya wax loo magac daray “Ciidanka difaaca shacabka”, shalay wuxuu la kulmay dhalinyaro la rabo iney ku biiraan ciidankaas si mutadawacnimo ah, sidoo kale horaantii bishan ayuu ugu baaqay dhalinyaradda waxbarata iney qalinka dhigaan oo ay qoryaha qaataan si dalka looga xoreeyo Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lagu weeraray Hotelka Naasahablood 2 iyo rasaas la maqlayo

Qarax ismiidaamin ah ayaa galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho, iyadoo qarax labaad uu ka dhacay nawaaxiga Hotelka, daqiiqado kaddib qaraxa hore oo ahaa mid aa du xoogganaa oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xog:Dhimashada Qaraxii Zoobe Oo Mareysa 237 Iyo Dhaawaca 374 Qof

237)qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax sabtidii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, 130 ka mid ah dadkaasi dhintay meydadkooda waa la aqoonsan-waayey. Dadka dhaawaca ah waxaa ay ka badan yihiin 374 qof, waxaa kale 135 la geeyay  Isbitaallada magaalada.

Faah Faahin: Qarax weyn oo ruxay Muqdisho oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe

Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee KM5, halkaasoo ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo Hotelo. 

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay kooxo Muqdisho ku daadiyay waraaqo digniin ah (Sawirro)

 Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay kooxo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku daadiyay waraaqo digniin oo ay ku qorneyd calaamadaha Al-Shabaab, kaasoo dhalinyarada iyo waalidiinta looga digayo inay tagaan xarumaha dowladda ama inay ku biiraan ciidamada.

Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo kulmay (Sawiro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka.

Ciidamada Xasilinta iyo Ciidamo milateri ah oo saaka ku dagaalamay Muqdisho

 Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Xasilinta Caasimadda iyo Ciidamo milateri ah ayaa saaka ku dagaalamay agagaarka Kulliyadii Jaalle Siyaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo boggaadiyay Carwada Buugaagta Muqdisho oo sanadkii 3aad la qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta magaalada Muqdisho oo sanadkii 3aad la qabanayo. 

Ciidamo Turkish ah oo soo gaaray Muqdisho iyo Saldhiga Milateri oo dhowaan la furayo (Sawirro)

Illaa 200 ciidan isugu jira Saraakiil ciidan iyo askar ka socda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah tiradii ugu badneyd oo Ciidamo Turkish ay ka qeyb qaadanayaan howl galka Saldhiga Milateri ee Soomaaliya dhowaan ka furanayaan.

Maxaabiis laga soo daayay xabsiyada Ethiopia oo soo gaaray magaalada Muqdisho(Sawiro)

Inkabadan boqol maxaabiis Soomaali ah kuna xirnaa xabsiyo ku yaal dalka Ethiopia ayaa fiidnimadii caawa soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. 

Saddex nin oo dadka ka tahriibin jiray Koofurta Sudan oo Muqdisho laga soo dejiyay

 Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay saddex nin Magafe Soomaali ah oo dadka ka tahriibin jiray dalka Koofurta Sudan, kuwaasoo dhowaan gacanta lagu soo dhigay.

Nabad Suggida oo goysay wadooyin ka mid ah Muqdisho

Ciidamada Nabad Suggida ayaa xalay gooyay wadooyin muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho, xilli ciriiri badan uu ka jiro Magaalada gudaheeda.

Ciidamada Xasilinta oo habeenkii labaad howlgal amni sugid iyo hub ka dhigis ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada wadajirka ee loogu magac daray Xasilinta Muqdisho ayaa xalay habeenkii labaad howl galo xooggan ka sameeyay degmada Dharkeenley, iyadoo howl galkan uu ahaa mid degmada kaliya laga sameeyay.

Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada wadajirka ah ee loogu magac daray Xasilinta Muqdisho ayaa howl gal xalay ay ka sameeyeen degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Kulankii Golaha Wasiirada oo loo baajiyay Olole nadaafeed maanta laga sameeyay Muqdisho

 Kulankii Golaha Wasiirada ee khamiislaha ayaa maanta loo baajiyay olole nadaafeed oo maanta laga sameeyay magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay ku beegneyd maalinta nadaafadda Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir, isagoo ugu baaqay shacabka reer banaadir in si wanaagsan ay ku raadiyaan xuquuqda ay tabanayaan inay ka maqan tahay.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta shacabka kala hadlaya meel fagaare ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 74 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Wararkii ugu dambeeyay Safiiro la magacaabi lahaa oo la hakiyay

 Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn u soo baxayeen warar sheegayay Safiiro dowladda Soomaaliya u magacaabi laheyd dalal dhowr ah, ayaa qaarkood la sheegay in loo hakiyay maqnaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Gaadiidka AMISOM oo laga mamnuucay Wadada Maka Al-Mukarama

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in Gaadiidka kala duwan ee AMISOM ay isticmaalaan Wadada Maka Al-Mukarama.

Madaxweynaha oo soo gaabiyay booqashadiisa Addis Ababa, kadib dilkii Wasiir Cabaas

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gaabinaya booqashadiisa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu maanta gaaray. 

Diyaaradihii qaadka ee imaan jiray Muqdisho oo maanta ka degay Garoonka Magaalada Jowhar.

Markii ugu horeysay 7 Sano kadib ayaa Magaalada Muqdisho qaad waxaa looga keenayaa Garoon aan aheyn Aadan Cadde tan iyo markii la xeray Garoonkii NO: 50 oo ay kasoo wareegatay 7 Sano.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka hadlay Qarax loo dhigay Wafdi uu la socday

 Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida Culimadda Soomaaliyeed islamarkaana Xubin ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wafdi isugu jira Guddiga Gurmadka Abaaraha,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka socota Dowladda Imaaraadka Carabta oo Marayay Degaanka Sarkuusta ee Duleedka Muqdisho loo dhigay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Qarax Miino.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galaya Munaasabada 12-ka April

 Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo xiran dareyska ciidanka Milateriga ayaa ka qeyb galaya munaasabada 12-ka April ee sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamo Kumaandoos ay tababaray Imaaraadka Carabta oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa maanta Tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Kumaandooska Ciidanka xoogga dalka oo lagu tababaray xero ciidan ay maamulaan dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta oo ku taal Muqdisho.

Taliyihii saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne oo shaqada laga joojiyay

Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), ayaa xalay shaqadii ka joojiyay taliyaha saldhigga Booliiska degmadda Xamar-weyne G/dhexe Cabdulqaadir Axmed Shire.

War Deg-deg ah :Hoobiyayaal ku dhacay qeybo ka mid ah degmda Wadajir

Tira hoobiyaal ah ayaa goor dhaw oo manta ah ku soo dhacay nawaaxiga isgooyga danwadaagaha ee magaalladda Muqdisho, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

DEG DEG: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Nabadsugida oo la magacaabay

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay magacaabista Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozda ayaa iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha oo xilka kala wareegay Wasiirkii hore

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kaddib munaasabad ka dhacday maanta dhacday.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Mousa Faki ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qaar kamida Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran

Qaar kamida Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran,waxaana Wadooyinka lagu jaray Gaadiidka Dagaalka,iyadoo Ciidamo badan la keenay Isgoysyada waawayen ee Magaalada gaar ahaan Wadada Maka Al-mukarama.

Ku dhawaaqista Magacyada Golaha Wasiirada Soomaaliya oo dib u dhacday iyo sababta

Ku dhawaaqista Liiska Magacyada Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu waday in la shaaciyo fiidnimadii caawa ayaa dib u dhacday illaa iyo dabayaaqada todobaadka soo aadan , gaar ahaan mid ka mid ah Maalmaha ay taariikhdu ku beegan tahay March 21, 22 iyo 23 .

Faah faahin ka soo baxaya iska hor imaad xalay ka dhacay Suuqa Xoolaha

 Dagaal u dhaxeeyay ciidamada ammaanka dowladda iyo dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.

Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka ka musaafurisay Labo Muwaadin Kenyan ah (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka ka musaafurisay labo muwaadin Kenyan ah oo dalka ku jooga sharci darro ku joogay, kuna shaqeysanayay.

Ra’iisal Wasaaraha oo shacabka kala qeyb galay Salaad Roob doon iyo Duco ah

 Iyadoo uu horay u iclaamiyay madaxweynaha dalka Salaad Roob doon ah maalinta Taladaada oo maanta ku beegan, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Xasan Cali Kheyre waxa uu shacabka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Salaad Roob doon iyo duco ah, in Abaarta alle ka dulqaado umadda.

Ciidamo gadoodsan oo xirey qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamo gadoodsan ayaa la sheegay inay xireen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Zobbe, KM4 iyo wadooyinka ku dhow dhow.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay dilalka ku soo badanaya magaalada Muqdisho

 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilalka habeenadii la soo dhaafay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka ay walaac ka qabaan dilalka sii kordhaya ee kooxaha hubeysan ka geysanayaan Xaafadaha

Ciidanka Dowladda oo qof rayid ah ku dhaawacay Taree Biyaano

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay goordhow xaafadda Tareebiyaano ku dhaawaceen qof Rayid ah oo ka shaqeynayay dhisme ay leedahay Sharikadda Dahabshiil.

Dowladda Soomaaliya oo 22-ka bishan hakisay duulimaadyada garoonka diyaaradaha Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 22-ka bishan oo ku beegan Arbacada soo socota la hakiyay dhamaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo oo kulankiisii ugu horeeyay la yeeshay danjirayaasha Jaamacada Carabta

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay magaalada Muqdisho danjirayaasha Jaamacada Carabta u qaabilsan Soomaaliya.

WARBIXIN : wararkii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha ee maalinta beri ah dhaceysa

Saacado oo kaliya ayaa ka harsan waqtiga loo balamay doorashada madaxweynaha Soomaaliya hogaamin doona afarta sanno ee soo socta oo 22 musharax isugu soo hareen kadib markii labo musharax ay sheegeen in ay isaga hareen tartanka doorashada.

Ololihii ugu xoogganaa habeen iyo maalin oo bilowday, Musharaxiinta oo aan seexan doonin (Warbixin)

 Iyadoo labo maalin ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya olole aad u xooggan oo Musharaxiinta ugu jiraan in loo doorto xilka Madaxweynaha, waxaana la galay xilli mashquul ah oo ay adkaan doonto in musharax walba waqti u helo inuu cunno raashin ama uu seexdo.

Qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha oo qaadacay dooddii maanta loo ballansanaa

Musharaxiinta ka qayb-galaya doorashada Somalia ayaa gabi –ahaanba diiday in ay ka qayb-qaataan dood dhex-maraysay musharaxiinta oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka war-heleen in dood-dooda kaliya laga sii dayn doono TV-ga Qaranka Somalia.

Dhalinyarada laga soo masaafuriyay Maraykanka oo eedeeyay safaarada Soomaaliya

Dhalinyaro laga masaafuriyay wadanka Maraykanka ayaa waxa ay ku eedeeyeen safaarada Maraykanka ay ku leedahay Maraykanka inay mas’uul ka ahayd in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya.

Wararkii ugu danbeeyay dab xalay ka dhacay suuqa degmada Dherkeenley

Dabkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaan ilaa iyo hada la ogeyn sababaha rasmiga ah ee uu ka dhashay, hasse ahaatee waxaa uu gabi ahaanba baabi’iyay qeybo badan oo ka mid ah suuqa oo ay ku bur bureen qeybo ka mid ah hantidii ay lahaayeen ganacsatada suuqa.

Diyaar garowga doorashada guddoonka baarlamaanka oo Muqdisho ka socoto

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan ilaa afar musharax.

Askarigii dilay taliye ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo gacanta lagu dhigay

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyay dilka taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. 

War deg deg ah’’ Qaraxyo waaweyn oo goor dhaw ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho

Warar hada na soo gaaraya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn goor dhaw ka dhaceen naxaawiga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir oo qaadaya dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay howlgal lagu qaadayo dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho, taasoo dhibaato ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada.

Sawirro: Xildhibaanada labada Aqal ee Hirshabeelle oo xalay shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Muqdisho

Munaasabad lagu guddoonsiinayay shahaadooyin Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadan ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Hirshabeelle, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada labada Aqal.

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka ee ka soo hor-jeeda Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Tirada Dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Agagaarka Dekedda oo Korortay

Ugu yaraan 30 Qof oo isugu jira Shacab iyo Ciidan ayaa ku dhintay Qaraxii Saakay  ka dhacay Agagaarka Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho sida aan ka helnay Goobjoogeyaal iyo Saraakiisha Goobaha Caafimaadka.

Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo dib u dhac ku yimid

Doorashadii Aqalka Sare ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maanta lagu waday inay ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.

Shimbir kasoo Ambabaxay Waaqooyiga Shiinaha oo soo Gaartay Xeebaha Muqdisho ee Somalia

Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad kusoo gaaray Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hey’addaha ammaanka oo xalay ka shiray Amniga doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho

Hey’addaha ammaanka ayaa xalay ka shiray amniga doorashooyinka, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo la soo saaray awaamiir ku aadan sugida amniga Muqdisho.

Gaadiidleyda Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay, kadib markii lagu soo rogay Ceymis qasab ah

Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ee ka howl gala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa saaka shaqo joojin sameeyay, kaddib markii lagu soo rogay bixinta Lacago Ceymiska gawaarida.

Xasan Sheekh “Muqdisho waxaa ka dhici doono shir weyne la yiraahdo Talo Qaran”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay in magaalada Muqdisho uu ka dhici doono shir weyn oo uu ugu magac daray Talo Qaran, kaasoo lagu soo uruurinayo talooyinka dadka Soomaaliyeed ee dal iyo dibad.

Isu soo bax roob doon ah oo maanta ka dhacaya Muqdisho iyo gobolada dalka

 Banaan bax Roob Doon Alle ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, kaasoo Alle looga baryayo inuu nimcadiisa iyo in uu ka dulqaado abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Ammaanka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo la adkeeyay iyo banaanbax ka dhan ah oo laga cabsi qabo

 Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ammaanka Safaaradda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, xilli la sheegayo in banaanbax ka dhan ah dowladdaasi uu abaabulkiisa ka socdo qeybo ka mid ah Magaalada. 

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Afar ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaartay shil gaari oo ka dhacay Waddada Daaru Salaam, degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Meydka wariye C/Casiis Maxamed Xaaji oo maanta Muqdisho lagu aasay (Sawiro)

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay wariye C/Casiis Maxamed Cali Xaaji oo shalay gelinkii dambe lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. 

Ciidamada ammaanka oo soo gaba gabeeyay howl gallo ka socday Suuqa Bakaaraha

Howl gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda oo ay wehliyeen Ciidamada AMISOM saaka waabarigii ka bilaabeen Suuqa Bakaaraha ayaa soo gaba gabeeyay, waxaana howl galkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Suuqa.

Banaan bax looga soo horjeedo muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

Doorka Jabuuti Shirkii IGAD ee Muqdisho iyo Xagal daacin toobiya ku waday

Dowladda Jabuuti ayaa kaalinta ugu weyn ka qaadatay qabsoomida Shir madaxeedkii IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle aanu ka qeyb galin shirka, hadana waxaa uu lahaa doorka ugu weyn qaban qaabinta shirka.

Madaxweynaha oo boqolaal ruux salaadii ciida kula dukaday masaajidka Isbaheysiga (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale ayaa boqolaal ka mid ah dadweynaha  Muqdisho kala qeybgalay dukashada  salaadda ciidul Adxa oo lagu qabtay Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ka hadlay shir Madaxeedka IGAD iyo Xirnaanshaha Waddooyinka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan ka dhacaya Muqdisho iyo tallaabooyinka la xiriira amniga ee ay dowladdu qaaday.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga oo xalay lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga ayaa xalay lagu dilay Xaafada agagaarka Ex Koontarool Afgooye, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilkiisa.  

UN iyo AU oo isku khilaafsan qorshe lagu xirayo wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho

 Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa isku khilaafsan qorshe la doonayo in lagu xiro wadada muhiimka ah ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4, iyadoo ay sii kordhayaan werarada qaraxyada ah ee ururka Al-Shabaab ka geysanayo magaalada Muqdisho.

SAWIRRO: Mas'uuliyiin ka tirsan DF oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

Ugu yaraan 25-qof ayaa ku dhintay, 43-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo barqonimadii maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hoteelka SYL oo Villa Somalia kasoo hor-jeeda.

Faah Faahin: Dhisme labo dabaq ah oo ku soo dumay degmada Shingaani

Labo ruux ayaa ku geeriyootay dhisme labo dabaq ah oo xalay ku soo dumay degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, kaasoo ay degenaayeen dad shacab ah.

Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saaka shaqo joojin sameeyay

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax  ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Favori ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha.

Meydka Marxuum Maxamed Cali Samatar oo maanta la keenayo Muqdisho

 Waxaa saaka lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno Meydka Allaha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Madaafiic ku dhacday Xarunta Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee Muqdisho

Dhowr madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay xarunta Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo ku taal degmada Shingaani, iyadoo madaafiicdan ay sababeen khasaare kala duwan.

Tartan lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduunka oo shalay ka dhacay Muqdisho

Ciyaar Kubada Kolayga oo lagu maamuusayay Maalinta Dhalinyarada Adduunka ee 12-ka Agosto ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Kubada Kolayga ee EX Luujino degmada C/casiis. 

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda oo ku baaqay in la dhiso Xukuumad xilka sii heysa

 Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo maanta dood cilmiyeed ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo mowqifkooda ku aadan dhamaanshaha mudada dastuuriga ah ee Barlamaanka iyo madaxweynaha.

Shirka Madasha Wada-tashiga oo maanta laga soo saarayo Jadwalka Doorashada

 Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo, iyadoo go’aan laga gaari doono xilliga ay dhaceyso doorashada.

Wasaarada Amniga oo ka warbixisay howl gallo lagu soo qabtay dad iyo hub

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa ka warbixisay howl gallo wada jir ah oo saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ciidamo wada-jir ah. 

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxyadii nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha (Sawirro)

Ugu yaraan 13 ruux oo u badan askar ayaa ku geeriyootay qaraxyo saaka ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo Taliska Booliska Gobolka Banaadir uu xaqiijiyay in qaraxyada ay geysteen labo baabuur.

NISA oo xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa xalay qabatay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay oo la dhigay wado dhinaceeda ah. 

Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay howl gallo dad fara badan lagu soo qabtay

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa faah faahin ka bixiso howl gallo ciidamada ammaanka ka sameeyeen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay dad ka badan 200 ruux.

Ra’iisul Wasaaraha oo Tababar u soo xiray Ciidamada Danab (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah ciidanka xooga dalka Soomaliyeed,  gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda.

SAWIRRO: Diyaar-garow Xooggan oo loogu jiro Ciidul-Fidriga oo ka socda Magaalada Muqdisho

Muqdisho ayaa waxaa ka socda diyaar-garow xooggan oo ay shacabku ugu jiraan maalinta ciidda oo nagu soo fool leh. Waxaana Mashquul xooggan laga dareemayaa Suuqyada Muqdisho sida Bakaaraha, Xamar-weyne iyo Suuq Bacaad.

Ciidamada NISA oo xalay gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa iyo hub

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay ku qabtay degmada Hodan gaari ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa iyo hub.

Faah faahin ka soo baxaya khasaaraha weerarkii Hotel Naasa Hablood

 Faah faahin ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay galab dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Naasa-Hablood 1 oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Burci Xamza oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii Hotelka Naasa-Hablood

Waxaa goor dhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday Wasiiru dowlihii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee dhinaca Bey’adda Xildhibaan Burci Maxamed Xamza, kaasoo ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka Naasa-Hablood, xilligii uu qaraxa weyn dhacay. 

Wasaradda Amniga Soomaaliya oo Sheegtay in la Fashiliyay Qarax laga soo buuxiyay Mooto Bajaaj

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in la Fashiliyay Xalay Mooto Bajaaj laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, lana doonaayay in lagu Qalqal-geliyo Xasilloonida Caasimadda Soomaaliya.

Roobab saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka dhulka iyo hawada oo ka da’aya Muqdisho

 Roobab xooggan oo mahiigaan ah ayaa ka da’aya magaalada Muqdisho, iyadoo roobabkan ay saameyn ku yeesheen isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Muqdishadii maqneyd maanta waa muuqataa

Toban sanno ka hor Marka magaalada Muqdishu la soo hadal qaato qofka waxaa indhahiisa hor imaanayey magaalo burbursan oo qeyrkeed ka hartay xilli kastana magan u ah dhiig ku daaada oo dillkana ka ahaa mid dhaca xilli kasta balse,

Guddi lagula xisaabtamayo Amniga Muqdisho oo la sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa magacaabay Guddi heer degmo ah, kuwaasoo lagula xisaabtamayo Amniga Caasimadda.

Xildhibaan ka badbaaday weerarki Hotel Ambassador oo ka sheekeynaya wixi uu indhihiisa ku arkay

Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaaka federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadki ka badbaaday weerarka hotel Ambassador ayaa ka warbixiyey sidi uu u dhacay weerarka.

Maxaa ka soo kordhay weerarkii Hotel Ambassador, rasaas wali la maqlayo(Sawiro)

Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotelka Ambassador, halkaasoo galabta dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen.

Dhibaatada Shacabka Muqdisho ku qabaan gaadiidka dagaalka ee waddooyinka mara oo sii kordhaya

 Waxaa sii kordhaya dhibaatada shacabka ku qabaan isticmaalka waddooyinka Muqdisho, iyadoo ay joogto noqotay in ciidamada hubeysan ee saaran gaadiidka dagaalka iyo kuwa lagu ilaaliyo Mas’uuliyiinta ay rasaas aan loo meel dayin ku furaan  dadka rayidka ah ee wata gaadiidka iyo kuwa saaranba, marka ay wadada marayaan.

Dadkii loo haystay weerarkii diyaaradda Daallo oo markale la horkeenay Maxkamadda Ciidamada (Daawo Sawirada)..

13 qof oo lala xiriirinaayo inay fududeeyeen weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee 2-dii bishii February lagu weeraray mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines, ayaa markii labaad ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka, kana dalbaday inay ansixiyaan hanaanka doorashooyinka

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa gaaray xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo uu shir uga socdo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Xildhibaanada ay kaga doodayaan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka ee uu bishii hore u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Sawirro: Dibad bax ballaaran oo lagu dalbanayo xuquuqda Gobolka Banaadir oo ka dhacay Muqdisho

 Banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galaan boqolaal shacab oo ay hogaaminayaan Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa saaka ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana banaan baxan lagu dalbanayay in Gobolka Banaadir ay hesho xuquuqda ay ku leedahay Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo Kormeeray Garoonka Stadium Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Maxamed C/llaahi Xuseen “Nuux” ayaa maanta kormeeray Garoonka Cayaaraha ee Stadium oo ay dagan yihiin Ciidamada Midawga Afroka ee AMISOM.

Ciidamada ammaanka oo saaka Muqdisho ku qabtay gaari walxaha qarxa lagu soo raray

 Ciidamada ammaanka ayaa saaka oo Talaado ah ku qabtay agagaarka Isgoyska Sayidka gaari walxaha qarxa lagu soo raray, maalin kadib markii qarax xoogan lagu weeraray Xarun ay leeyihiin Ciidamada Nabadgalyada wadooyinka ee Taraafiko.

Faah Faahin Qarixii Xarunta ciidanka Taraafikada iyo Al-Shabaab oo sheegatay (Sawirro)

 Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday xarunta Ciidanka Ilaalada wadooyinka ee Taraafiko, iyadoo weerarkan ay mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Banaanbax lagu Taageerayo Xilka qaadistii Ilka-xanaf oo Muqdisho ka dhacay”Sawiro”

Banaanbax uu  soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana looga soo horjeedo Xilka qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka Abuukaate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Daljirka daahsoon.

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in dad loo qabtay weerar lagu qaaday Xildhibaan

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegtay in la qabtay dad looga shakisan yahay weerarkii habeen hore lagu qaaday guri uu deganaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo lagu magacaabo Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow.

Mooshinkii laga keenay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la xaliyay

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaliyay mooshinkii muranka dhaliyay ee laga keenay shirka Jowhar ee maamul u sameynta Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamo ka tirsan Milateriga oo xalay dad rayid ah ku dilay degmada Hodan

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa xalay fiidkii saddex ruux ku dilay xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in la qabto askartii dilalka geystay.

Wafdi ka socda dowladda Hoose ee Istanbul oo qiimeyn ku sameeyay wadada 30-ka (Sawirro)

Wafdiga ka socday dowladda hoose ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho isuguna jiray Mas’uuliyiin iyo Engineero ayaa qiimeyn ku sameeyay qorshaha dib u dhiska wadada 30-ka oo ka mid ah wadooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Muqdisho.

Haween saacadihii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho

 Illaa labo haween ah ayaa saakay iyo xalay lagu dilay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo dilalkaas ay geysteen kooxo hubeysan, kuwaasoo baxsaday.

Howl galo boqolaal ruux lagu soo qabtay oo xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Ciidamada Ammaanka ayaa howl gallo ballaaran xalay ilaa saaka waabarigii ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, iyadoo howl galkan lagu qab-qabtay boqolaal ruux.

Faah faahin ka soo baxaya weerarkii lagu dilay Muwaadiniinta Turkiga ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii lagu dilay shaqaalihii Turkiga ee ka howl galayay magaalada Muqdisho, markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen.

Ciidamada Nabadsugida oo saaka degmada Hodan ku qabatay gaari qarax laga soo buuxiyay

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ee NISA ayaa saaka gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ee degmada Hodan.

Yuusuf Jimcaale “Gobol kasta amnigiisa ayuu sugtaa, annagana wax saameyn ah naguma yeelaneyso”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay tallaabadii dhowaan Amniga Caasimada loogu wareejiyay maamulka gobolka, isagoo rajo ka muujiyay in iyagoo kaashanaya shacabka inay ku guuleysan karaan sugida amniga guud ee Caasimadda.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose ee Mushaarka u qaata Shiling Soomaaliga

Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la kulmay Shaqaalaha dowladda Hoose qeybta mushaarka ku qaata lacagta Shiling Soomaaliga, kuwaasoo uu ugu baaqay inay laba-laabaan howlahooda.

Daawo Sawirro: Saameyntii uu reebay Qaraxii xalay gil gilay magaalada Muqdisho

Qaraxyo xoogan oo xalay gil gilay magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare aad u xoogan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo bur bur dhismayaal ka ag dhowaa halka qaraxa ka dhacay ee agagaarka Taaladii SYL.

Madaafiic sababay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Maanta ka Dhacay MUQDISHO

Ugu yaraan shan ruux  oo Qaarkood ay isku Qoys kasoo jeedeen ayaa ku geeriyooday, Toddoba qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray Madaafiic maanta ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hawlwadaag iyo Wardhiigley oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Banaan bax lagu dalbanayo in Maqaamkii ay laheyd Caasimadda oo Muqdisho ka socdo

Dibad bax ballaaran oo lagu dalbanayo xuquuqda bulshada degan Gobolka Banaadir iyo in la sameeyo maqaamkii ay laheyd Caasimadda ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Nuur Cadde oo lagu dilay qarax+Sawirro

Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa goor dhow ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. 

Diyaaradda Turkish Airlines oo maanta Muqdisho ka soo degatay

Diyaaradda Turkish Airlines oo Maalmihii la soo dhaafay aan ka soo degan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay maanta  ka soo degatay Garoonka Muqdisho.

Duqa Muqdisho “Qorshayaal wax looga qabanayo Amniga ayaa wadnaa”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay qorshayaal wax looga qabanayo ammaanka Caasimadda, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu soo kordhiyay eeyo baaraya Laptop-yada

Iyadoo 2-dii bishan qarax uu ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo la rumeysan yahay inuu ka dhashay Laptop ku jiray waxyaabaha qarxa oo uu qof ka mid ah rakaabka diyaarada watay, ayaa waxaa si xoogan loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanada Diyaaradii la qarxiyay ee Daallo (Sawirro)

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradii ka badbaaday qarax ka dhex dhacay toddobaadkii hore, waxayna shirkada Daallo ku eedeysay shirkada Turkish Airlines inay lahayd rakaabkii saarnaa diyaaradii Daallo ee qaraxu ka dhacay. 

Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ku kulmay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa ka dhacay xeebta Liido

Wararka ka imanaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegaya in  qaraxa kadib koox hubeysan ay gudaha u galeen baararka ku yaal xeebta Liido.

Banaan bax lagu taageerayo Nabadda iyo howl galada amniga lagu sugayo oo Muqdisho ka dhacay

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay degmada Warta Nabadda ee ka tirsan gobolka Banaadir, iyagoo dhigay bannaanbaxyo ay ku taageerayaan nabadda magaalada Muqdisho iyo cirib tirka kooxda Al-Shabaab, iyagoona watay boorar ay ku muujinayaan shucuurtooda.

Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha wada tashiga iyo khudbadaha Madaxda ka jeediyeen

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shirka labaad ee Madasha wada tashiga heerka qaran ee looga hadlayo hanaanka geedi socodka doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo shirkan uu soconayo muddo labo cisho ah. 

Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo fuliyay mashruuc si bilaash ah indhaha loogu fiiqay kun ruux (Sawirro)

 Mashruuc samafal ah oo isugu jiray, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameeyey kumanaan qof oo ka mid ah dadka taagta daran ayaa saaka lagu soo gebagebeeyey Xarunta Isbitaalka Indhaha Al-Nuur ee magaalada Muqdisho.

Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka lagu dilay Muqdisho

 War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay saaka ku dileen degmada Wadajir Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada dowladda oo howl gallo balaaran ka wada degmada Kaxda

 Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa saaka howl gal ballaaran ka wada xaafadaha degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirka wadatashiga doorashada oo maanta la soo gabagabeynayo

Shirka wada tashiga ah ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirka looga hadlayo Hiigsiga sanadka 2016 oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa maanta si wadajir ah u guddoomin doona shirkii heerka sare ee Hiigsiga, kaasoo ah kii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabadsugida oo bar koontaroolo cusub ka sameystay wadooyin laga soo galo Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa fariisimo ka sameystay bar koontaroolo laga soo galo magaalada Muqdisho, kuwaasoo aanay horay u joogin, iyadoo saraakiisha laamaha ammaanka ku tilmaameen mid qeyb ka ah sugida ammaanka Caasimada Muqdisho.

Deg Deg:- Sargaal la sheegay in uu ka tirsan yahay Nabad Sugidda Soomaaliya oo Qarax lagu dhaawacay

Sargaal la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu dhaawacay Qarax Miino oo loogu xiray Gaari Nooha ah oo uu watay,xili uu marayay Barxada Shaleemo Afrika ee Degmada Xamar Jajab.

FAAHFAAHIN: Weerar ay Al-shabaab ku Qaaday xero lagu Tababaro Sirdoonka DF Soomaaliya

Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku Dhintay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saakay xarunta ay ku tababartaan ciidamada sirdoonka dowladda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir.

Ciidamo dheeraad ah oo la dhigay Isgoysyada magaalada Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la kordhiyay ciidamada ammaanka ee ka qeyb qaadanaya sugida Caasimada Muqdisho, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Ciidamo la dhigay wadooyinka iyo Isgoysyada.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo dil ku fulisay labo ruux oo horay u dilay Xildhibaano

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, kuwaasoo horay uga soo muuqday muuqaal ay ku qiranayaan inay ka dambeeyeen dilalka Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Sirdoonka oo xalay saqdii dhexe howl gallo ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa xalay 2-dii habeenimo waxay howl gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, iyagoo ka baadi-goobayay kooxo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyay dilal iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha Booliska oo ka hadlay howl gal lagu soo bad baadiyay gabar 14 bilood jir lagu afduubtay Muqdisho

Saraakiisha Booliska degmada H/wadaag ayaa faah faahin ka bixiyay howl gall ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida ay ku soo bad baadiyeen gabar 14-bilood jir aheyd oo 24-saac afduub loo heystay.

Guddoomiye kuxigeenkii degmada Wadajir oo saaka lagu dilay Muqdisho

Dabley hubeysan oo gaari wadatay ayaa saaka abaarihii 8-dii subaxnimo ku dishay xaafada Nasteexa Guddoomiye kuxigeenkii degmada Wadajir iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa.

Kooxo hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Sarkaal horay uga tirsanaa Ahlusuna

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dilay Suuqa Bakaaraha Sarkaaal horay uga tirsanaa Ahlusuna, kaasoo dhowaan ka yimid dalka Koofur Afrika.

Wadooyin badan oo halbowle u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo ciidamada dowladda ay dadka iyo gaadiidka u diideen jidad badan oo magaalada ku yaal, xilli saaka dadka u kalahayeen goobahooda shaqo.

Wadooyin badan oo halbowle u ah isu socodka magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo ciidamada dowladda ay dadka iyo gaadiidka u diideen jidad badan oo magaalada ku yaal, xilli saaka dadka u kalahayeen goobahooda shaqo.

Shacabka Muqdisho oo Muujiyay Aragtidooda ku Aadan Xayiraada Xawaaladaha Dalka Kenya

Shacabka Muqdisho ku nool ayaa si adag u cambareeyay go’aanka ay Kenya ku xirtay xawaaladaha iyo xayiraddii ay saartay shaqsiyaad Soomaali u badan, iyadoo sheegtay inay maal-geliyaan Al-shabaab.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Xuseen Maxamuud Muuse oo ku magac dheeraa Xuseen Baantuu ayaa  ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib markii mudooyinkii u dambeeyay uu xanuunsanayay Xildhibaanka.

Sawirro: Weerarkii Hotel Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

Ku dhowaad toban ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo galabta lagu qaaday Hotelka caanka ah ee Maka Al-Mukarama.

Nin la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo xalay lagu dhaawacay Muqdisho

Nin la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen magaalada Muqdisho.  

Dabka kacay Kaalin shidaal oo ku taal Isgoyska Black Sea

Dab khasaare hantiyad geystay ayaa goor dhoweyd ka kacay kaalin shidaal ku taal agagaarka Isgoyska Black Sea ee degmada H/wadaag ee Gobolka Banaadir, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha dabkan uu ku bilowday.

Duullimaadyadii Qaadkii Muqdisho la Keeni Jiray oo Maanta dib loo billaabay

Duulimaadyadii diyaaradaha Qaadka ee Soomaaliya ayaa dib u soo billowday manta oo Arbaco ah, kaddib dhowr casho oo uu hakad ku yimid dhoofinta Jaadka Soomaaliya looga keeni jiray dalka Kenya.

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa oo xilalka laga qaaday

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa xilalkii laga qaaday, iyadoo lagu bedelay shaqsiyaad cusub oo horay xilal amni u soo qabtay. 

Ciidamada Ammaanka oo saaka howl gallo dad lagu qab qabtay ka wada degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saaka howl gallo ka wada degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar Jajab, iyadoo ilaa iyo hada howl galka lagu soo qabtay dad fara badan oo dhalinyaro u badan.  

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo goor-dhow lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goor-dhow ku dilay Muqdisho Xildhibaan Cabdullaahi Khayraad Barre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, xilli maanta lagu waday in codaka kalsoonida ah loo qaado xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Diyaar garowgii u dambeeyay oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Turkiga oo socda (Sawirro)

Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Turkiga ayaa ka socda garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu wado inuu goor dhow ka soo dego Madaxweyne Erdogan iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo.

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalintii saddexaad xiran iyo dadka oo lugeynaya

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran, iyadoo dadweynaha ay yihiin kuwo lugeynaya oo cagtooda maalaya, waxaana dhinacyada wadooyinka taagan ciidamo ka tirsan dowladda oo la garwaaxsan qoryaha AK47.

Calamada Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu xardhay wadooyinka Muqdisho

Iyadoo maalinta berri oo jimco ah la filayo in magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa waxaa socda diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweynaha Turkiga.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo maanta xiran

Waxaa xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka soo gala madaxtooyada Soomaaliya iyadoo wararka ay sheegayaan in loo xirey soo dhoweynta wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo lagu wado in dhowaan uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Sidee Shacabka Muqdisho u dareemeen Xukuumada uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ?

Ugu dambeyn waa ay soo ban baxday wixii la hadal haayay Hashii Mudaba Foosheedii la Saadaalinaayey waa ay Curatay Allow Mid Caafimaad qab ah ka dhig.

Madaafiic hoobiyeyaal ah oo sababay dhaawacyo oo ku soo dhacay xaafado ku dhow Madaxtooyada

Ilaa afar madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa saaka barqadii ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada, xilli shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD uu ka socday Hotelka SYL, iyadoo shirkan aanu wax carqalad ah ku yeelan madaafiicda soo dhacay.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa ka furmay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho Shirkii 53aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka si rasmi ah u furay, isagoo haatana khudbad ka jeedinaya shirka.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo loo adkeeyay shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa geli doonaan maalmo loo xiri doono imaanshaha wafuud caalami ah, si loo sugo ammaanka, iyadoo ciidamada kala duwan ee booliska iyo Nabadsugida ay sii bilaabeen howlahooda sugida amniga Caasimada.

Hay’adaha amniga oo amaro ku soo rogay ganacsatada kireeysa gaadiidka magaalada Muqdisho

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa waxa ay ku soo rogeen amaro cusub shirkadaha kireeya gaadiidka ee magaalada Muqdisho. Shirkadaha ayaa la amray inaysan ka kireyn kirin gaadiidkooda shaqsi,hay’ad iyo weliba shirkado illaa ay ka haystaan fasax hay’adaha amniga. Amarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan ay magaalada Muqdisho ku soo badanayeen dilalka lagu geysto gaadiidka, kuwaasoo ay intooda badan mas’uuliyaddooda sheegato Xarakada Al-shabaab.

Kulankii Baarlamaanka oo furmay iyo dooda Mooshinka oo la dhameystirayo, kadibna codeynta

Kulanka Baarlamaanka ayaa goor dhow furmay, iyadoo durba Gudoonka uu ku dhawaaqay in la guda galo dooda mooshinka oo ah intii ka hartay Xildhibaanadii Khamiistii is qortay ee ka doodayay Mooshinka.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu dhaawacay Xamar weyne iyo Xildhibaan hore oo la dilay

Kooxo hubeysan oo gaari wadatay ayaa saakay ku dhaawacay degmada Xamar weyne Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Mayow Mustaf, iyadoo dhaawiciisa loola cararay isbitaalka.

Qarax xoogan oo ka dhacay ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho (Sawirro)

Qarax xoogan oo loo maleynayo inuu ahaa mid ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo wali aan kala cadeyn qasaaraha ka dhashay.

Injineer la shaqeynayay Shirkadaha Turkiga oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray

Nin Injirneer ahaa oo u shaqeynayay mid ka mid ah shirkadaha Turkiga ee dhismaha ka wada magaalada Muqdisho ayaa Shalay lagu dilay qarax loogu xiray gaari uu watay, kaasoo ka dhacay nawaaxiga Maxfalka ee degmada Shibis.

Amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya Xili lagu Mashquulsan yahay Khilaafka Madaxda sare ee Dowlada

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid sii xumaanaya maalmihii lasoo dhaafay , waxaana Magaalada siyaabo kala duwan uga dhacay Qaraxyo iyo dilal qorsheesan oo loo geestay dad rayid ah iyo kuwa Dowlada u shaqeeya.

Daawo Sawirada Foodadii maanta ka dhacday Kulankii Baarlamaanka iyo Xildhibaano Firimbi soo qaatay

Waxaa Maanta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay foodo iyo buuq ay sameeyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya , arintan ayaana sababtay in uu baaqdo kulankii ay maanta ku balansanayaaeen Xildhibaanada Baarlamaanka .

Wariye Caawa ku dhaawacmay Muqdisho iyo Ruux Shacabka ah oo la Toogtay

Nuurre Maxamed Cali oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho ayaa ku dhaawacmay Xalay qarax gaari uu watay loogu xiray, iyadoo xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir ay koox hubeysan isla Xalay  ku toogteen qof rayid ah.

Ciidamada Nabad Sugida oo Muqdisho ku Dileen Wadaad Caan ah

Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Xalay Xaafada Ceel-dhanaanoow ee Degmada Dharkeynley ku toogtay Wadaad Caan ahaa oo Xaafadaasi Xer Kitaab ugu aqrin jiray,waxaana Marxuunka la dilay lagu sheegay Magaciisa Sheikh Xasan Sheikh Axmed.

Dekedda Muqdisho oo lagu Qabtay Konteenar ay ku Jireen Waxyaabaha Qarxa

Ciidanka booliiska dekedda Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa iyo qalabka ciidamada sida dhar iyo kabo ciidan, iyadoo la qabtay xilli la doonayay in laga bixiyo dekedda Muqdisho.

Faafaahin ku aadan Iska-horimaad xalay askar ka tirsan kuwa dowladda ku dhexmaray dekedda Muqdisho iyo xaalada oo saakay ah mid dagan.

Ugu yaraan ilaa iyo 4 ruux oo sadax ka mid ah ay ahaayeen Ciidankii Dagaalamay iyo hal qof oo Rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad albaabka hore ee dekedda Muqdisho ku dhex-maray gellinkii dambe ee maanta cidiammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

War Deg Deg ah:Munaasabad ay xilka kula wareygeyso shirkad Turkish ah oo ka socota Dakada Muqdisho.

Wararka laga helaayo Dakada Wey nee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay ka socoto munaasabad ay xilka kula wareygeyso Shirkada laga leeyahay wadanka Turkiga taasi oo maal mahaanba aheed mid si aad ah loo hadal hayay.

Faah Faahin kasoo baxaya Weerar Qorsheesan oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saakay kooxo hubeesan ay ku qaadeen gaari uu la socday Maareeyihii Guud ee Hay'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho Cali Maxamed Madoobe.

Nabadsugidda oo Albabbaada isugu dhuftay Idaacadaha Kulmiye iyo Simba

Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo shaqaalihii idaacadahaasna qaarkood xabsiga loo taxaabay.

Daawo Sawiro Hordhac ah : Godka Jilacow oo Qiiq uu ka baxayo iyo Rasaas iyo Qaraxyo Xoogan oo wali ka dhax socota

Waxaa Wali Rasaas xoogan ay is dhaafsanayaan Ciidamada Nabada Sugida Qaranka iyo dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay ka dhaceyssa Gudaha Xabsiga Godka Jilacow oo hada ah xarunta ay ku hool gasho Hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Daawo sawirada:Banaan bax manta ka dhacay Muqdisho laguna tageeraayay Nabada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax xoogan oo lagu taageerayo nabadda iyo ammaanka Muqdisho, waxaana ka qaybgalay boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay waddooyinka waaweyn kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir. 

Guddiga dib uu eegista qorshe howleedka wasaaradaha ayaa galabta saxaafada la hadlay

Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed u xilsaaray in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshe howleedka Wasaaradaha lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa galabta saxaafada uga warbixiyey halka uu marayo dib u eegista wax qabadka wasaaradaha.

Madaxda Qaranka Dalka iyo Xubnaha Golaha amaanka ee Q.Midoobey oo kulan ku leh Muqdisho

xunbnaha joogta ah ee  golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulankoodu waxa uu ku saabsanyahay Soomaaliya iyadoo ay goobjoog ka yihiin kulankaasi madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’isuwlasaaraha xukuumadda federaalka ah mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed,

Ciidamada Dowlada oo Maanta Muqdisho ku dilay Nin hubeesan oo dilay Askari katirsan Ciidanka Dowlada

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maanta agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu hubeesnaa uuna dil u geestay askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Gaari ku qarxay Muqdisho iyo Ilaalada Ra’iisul waasaraha oo dilay Qof rayid ah

Gaari waxyaabaha qarxa a ku xirnaayeen ayaa xalay ku qarxay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska Dabka ee Muqdisho, isagoo aan geysan wax khasaare nafeed ah. Iyadoo ilaalada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ay isla xalay toogteen qof rayid ah.

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Haween badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho(Daawo Sawirada)

Waxaa Saakay Qarax Miino ay ku dhinteen Haween ka shaqeenayay ololaha Nadaafada Gobolka Baaadir uu ka dhacay Xaafada Taleex gaar ahaan agagaarka Carwadii hore ee Degmada Hodan.

Faah-faahin Dilka Xildhibaan Madeeroo manta kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen

Warar Dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxaysaa Dil Salaadii Jimcaha maanta ka dib Degmada Xamar weyne Ee Gobolka Banaadir loogu Geestay Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Madeer  oo ahaa Mudane Baarlamaanka ka tirsan sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Somalia .

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo baaritaan ka wada Bakaaraha

 Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa saaka howlgal baaritaan ah ka bilaabay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.

Barnaamijkii Ahaa Nabad ku Anfura ee Xiliga bisha Ramadaan oo Muqdisho lagu dilay in ka badan 70 Ruux?

Tan iyo markii ay dhalatay bisha Ramadaan oo gabo-gabo ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay ugu yaraan 71-qof oo ay ku jireen laba ka mid ah xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya, askar, dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Iska-horimaadyo ka dhacay Degmada Huriwaa iyo Askar Toogasho lagu dilay

Iska-horimaad inta la ogyahay ay ku dhinteen saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan ayaa xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Ciidamo katirsan Dowlada oo ay ilaalinayaan Ciidamo kale oo lagu arkay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho!!

Waxaa Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho lagu arkay Ciidamo katirsan kuwa Nabadgalyada Wadooyinka Taraafikada ay kor ka ilaalinayaan Ciidamo kale oo katirsan Dowlada oo isugu jira Booliis iyo Nabad Sugid.

Ciidamada dowladda oo howl galo ka wada qeybo ka mid ah Jidka Maka Al-Mukarama -

Ciidamada dowladda ayaamanta howl galo ka wada qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo isgoys walba ay ciidamada ku sugan yihiin, waxaana howl galkan ka qeyb qaadanayay ciidamo Boolis iyo Nabadsugid.

War Deg Deg Ah Qarax gaari lagu soo xiray oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay ayaa sheegaaya in gaari uu lahaa Masuul katirsan Dowlada Soomaaliya uu ku qarxay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari meel yaalay uu leeyahay sida aan Wararka ku helnay Maareeye kuxigeenka qeynta Canshuuraha ee Dakada Muqdisho , mana jiraan ...

Kooxo hubeysan oo Askar ka tirsan Ciidamada Taraafikada ku dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay gaari kuwa raaxada ah ayaa maanta ku toogtay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir laba askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada.

Kooxo hubeysan oo Xildhibaan ku dilay Muqdisho mid kalena Dhaawacay

Kooxo hubeysan ayaa goor-dhow ku toogtay Muqdisho Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya halka ay dhaawaceen xildhibaan, Cabdullaahi Axmed Coonka.

Roobab Saameyn ku yeeshay Barakacayaasha oo illaa xalay ka da’ayay Muqdisho

Illaa xalay fiidkii waxaa magaalada Muqdisho ka da’ayay roobab xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay barakacayaasha ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo markii horeba ay xaaladoodu aad u liidatay.

Masiibo ku soo fooleh Bulshada Muqdisho Degan hadaan laga Hor tagin

War la yaab leh oo Qofka damiirka leh Ee Soomaaliga ah uu Marka uu Dhageysto ama uu daawado aad uga Xumaanayo ayaa Radiokulmiye Akhristaashiisa ku xiran uu Halkaan ugu soo Gudbinayaa Iyadoo Dhacdadaan ay u Baahantahay in QOf Kasta oo Mawaadin ah uu ka qayb qaato ka hortagisteeda.

Mid kamid ah Shaqaalaha Turkiga ee kusugan Magaalada Muqdishooo goordhaw la toogtay

Kooxo hubeesan oo gaari watay ayaa goordhaw Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdissho waxa ay ku toogteen mid kamid ah Shaqaalaha Turkida ee ka howlgala Caasimada Muqdisho xili uu gaari uu watay.

Ciimada Gaar ah oo lagu wado in Muqdisho laga dajiyo kuwaasi oo ilaalin doona Xarumaha UNka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo gaar ah oo ka socda Uganda ayaa maanta lagu wadaa in la geeyo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kuwaasoo ilaalin doona shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobey.

Faa faahin dheeri ah ayaa ka soo baxeyso Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 12 Ruux ayaa ku Geeriyooday Qaraxii Duhurkii ka dhacay agagaarka Kuliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo wada jir ah oo howl-gal amniga lagu sugayo Muqdisho ka sameeyay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo  xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

Howl-gallo Amniga lagu sugayo oo Muqdisho ka socda

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidanka booliska ayaa saaka hawlgallo ballaaran ka wada xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ,Ciidanka ayaa saaka aroortii lagu arkay iyaga oo ku sugan gudaha xaafadaha degmadaas isla markaane qab-qabanaya dadka ku dhaqan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir  gaar ahaan dhalinyarada.

Dowladda Britain oo ka digtey weeraro argagixisnima oo ka dhici kara Muqdisho

Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin cusub oo ay uga digayso muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo ay ka mid yihiin qaraxyo.

Xarun cusub oo loogu tala galay hooyada iyo dhallaanka oo Muqdisho laga furey

Xarrun cusub oo loogu tala galay hooyada iyo dhallaanka, ayaa maanta laga furey degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo munaasbaaddii xarriga looga jaraayay xarruntaasina ay ka dhacday isla gudaha degmada Shibis.

Madaxweyne Xasan oo ammaanay nabad-sugidda iyo AMISOM oo sheegtay in amniga Muqdisho uu yahay mid la isku halleyn karo

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aaden Xumad, ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho hadda uu yahay mid aad u wanaagsan la iskuna haleyn karayo.

Isbaarooyin laga qaaday Muqdisho

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayaa manta ku guuleystay inay ka qaadaan degmadaasi laba jidgooyo oo gaadiidka dadweynaha lacago looga qaaday jirey.

Ammaanka caasimadda Soomaaliya oo la adkeeyay

Hay'adda nabad sugidda qaranka, ayaa shaaca ka qaadday in ammaanka caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay wax badan iska badaleen, markanna la isku haleyn karo, kadib howl gallo amniga lagu sugayo oo si isdaba joog ah ay ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho.

Nabad sugidda oo soo bandhigtay caruur miino dhigeysay (Daawo sawirada)

Hay’adda nadad sugida qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta soo bandhigtay sedex ruux iyo miinoyin xili ay doonayeen in ay ku aasaan xaafad katirsan degmada  Yaaqshiid kadib howlgal ay ka sameeyeen halkaasi.

Qamri, xashiishad iyo dadkii watay oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada booliska, ayaa maanta soo bandhigay dhalooyin qamri ah iyo xashiishad oo aad u fara badan, kuwaas oo ay xalay ciidamada howl gal ku soo qabteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi EU ka socda la kulmay & tiro badan oo Shabaab ah oo dowladda isku dhiibay

Waxa maanta Magaalada Muqdisho ku kulmay ergeyga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dhageyso Madaxweyne Shariif oo iska fogeeyay eedeynta Sam Ongeri

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd Md. Sheekh Shariif, oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii ka soo  yeeray wasiirkii arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri, oo dhawaan si maldahan u sheegay in Sheekh Shariif uu ka dambeeyay qaraxii 12-kii September Muqdisho ka dhacay ee lagu dili rabay Md. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Ongeri laf ahaantiisa.
Shirka Jaraa'id

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la caleema saaray

  Madaxweynaha Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hogaaminta dalka, ka dib markii xafladdii lagu caleema saarayay ay ka dhacday magaalada Muqdisho maanta.

Madaxweyne Shariif oo ku wareejiyay madaxweynaha cusub haddiyado u badan dahab iyo agabyo kale (Sawiro+Dhageyso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxweynihii DKMGa aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed kala wareegay Madaxtooyada Qaranka iyo hadiyado markii hore Madaxweyne Shariif si gaar ah loogusoo hadiyadeeyey kuwaasi oo dahab u badan.
Hadalada madaxda

Qarax afar ruux ku dilay Muqdisho

Afar ruux, ayaa la sheegay inay ku dhinteen qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib markii gaari ay la socdeen dad rakaab ah miino kula qaraxday meel u dhow saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS