Tag: Masar

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Sheekhul Azharka Masar (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib. 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kigali kula kulmay dhigiisa Masar

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kula kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi.

Diyaaradda EgyptAir oo la afduubtay, laguna qasbay inay ku degto Qubrus

Diyaaradda EgyptAir ayaa la afduubtay, iyadoo lagu qasbay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Larnaca ee Jaziirada Qubrus.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo Qaahira kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamada Masar

 Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira Taliyaha guud ee Ciidanka Masar S/Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dalkaas, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka Ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo deeq gaadiid kala wareegtay dowladda Masar (Sawirro)

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim.

Daawo Sawiro:Wasiirka Amniga Somalia oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar iyo Taliyaha Booliska

Wasiirka Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Magdy Abdel Ghaafar, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Wararkii ugu dambeeyay Baaritaanka diyaaradii Ruushka ee ku bur burtay Masar

Kooxaha baarayaasha ee diyaaradii ku bur burtay Gacanka Sinai ayaa wali ku guda jira baaritaankoodii ku aadanaa waxa sababay in diyaarada ay dhacdo, xilli ay jawi degan ku duuleysay.

Qarax weyn oo ruxay dhismaha xarunta Ammaanka Qaranka Masar ee Qaahira

Qarax weyn ayaa lala eegtay dhisma Xarunta ammaanka Qaranka ee waqooyiga magaalada Qaahira, kadib markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay dhismaha agagaarkiisa uu ku qarxay.

Maraykanka oo siinaya dowlada Masar diyaaradaha dagaalka ee F-16

 Dowlada Maraykanka ayaa geynaya 8 diyaaradaha dagaalka ee F-16 Block 52 labada maalmood ee soo socota sida lagu sheegay war ka soo baxay safaarada Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Qahira.

Ururka IS oo weeraray saldhigyada ciidamada Masar ee gacanka Sinay

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegaya in weeraro silsilado ah ay maleeshiyaadka ka tirsan ururka IS ku qaadeen saldhiyo ay ciidamada Masar ku lahaayeen gacanka Siinaay.

Meydka Wariye Soomaaliyeed oo laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar+ Sawirkiisa

Wararka laga helaayo Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka Wariye Soomaaliyeed laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar , waxaana Wariyahan iyo dad kale oo la socday la sheegay in ay ka dhaceen Dooni yar ay saarnaayeen.

Itoobiya, Masar iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybsiga biyaha Wabiga Niil (Sawirro)

Dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa maanta kala saxiixday heshiis horudhac ah oo ku saabsan qeybsiga biyaha wabiga Niil, iyadoo tani ay soo afjareyso murankii ka taagnaa biyo xireenka ay Itoobiya dhisaneyso, kaasoo dowladda Masar aad u dhaliilsaneyd.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga qeybgalaya dalka Masar (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar, halkaasoo uu kaga qeybgalayo shir madaxeed looga hadli doono horumarinta dhaqaalaha Masar.

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay magaalada Qaahira (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo dhaweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyay xarunta madaxtooyada dalka Masar ee magaalada Qaahira kadib markii casuumaad rasmi ah uu ku yimid.

Akhwaan Muslimiinka Masar oo ku diiday xilal Wasiiro oo loo ballan qaaday

Xiisadaha kajira dalka Masar oo sii xoogeysanaya iyadoona ururka Ikhwanul Muslimiin ay ku baaqeen in ay sii xoojinayaan mudaaharaadyada ay ka wadaan dalkaasi.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS