Tag: Mareykanka

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wadajir u marti gelinaya Koobka Adduunka 2026

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico ayaa si wadajir ah u marti gelinaya Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan. 

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku amray inay degdeg uga baxaan Muqdisho

Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si degdeg uga baxaan magaalada Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray Xafiiska Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Maraykanka oo sheegay in uu ka soo baxsaday dalkeeda nin weerar ka geystey dalka Canada

Dowlada Maraykanka ayaa  sheegtay in dalkeeda uu ka soo baxsaday muwaadin Soomaaliyeed oo qaxootinimo loogaga diiday wadanka Maraykanka sanadkii 2011 toddobaadkana weerar ay shan ruux ku dhaawacmeen ka geystay dalka Canada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay ku xigeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta Wasaaradda difaaca Mareykanka kula kulmay  Ku xiggeenka Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanaha, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada Amniga iyo gaashaandhigga ee ka dhexeeya labada dal.

Mareykanka oo ka hadlay dagaalka Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka dhex maray Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee ka dhacay bariga dalka Itoobiya.

Dowlada Maraykanka oo cambaareysay Dowlada Kuuriyada Waqooyi

Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku dartay cambaareynta loo soo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi taas oo tijaabisay wax ay ku sheegtay hub nukliyeer ah oo si fiican loo horumariyay.

Maraykanka oo ugu baaqay wadamada Khaliijka inay debciyaan xayiraada ay saareen dalka Qadar

Xoghayaha Arrimaha Dibbada dowlada Maraykanka Rex Tillerson ayaa ugu baaqay wadanka Sacudi Carabiya iyo wadamada kale ee Khaliijka inay qafiifiyaan xayiraadaha ay saareen dalka Qadar,sababtoo ah waxa ay saameeyn ku yeesheen arrimo aan la fileyn oo ay ka mid tahay la dagaalanka ururka IS.

Mareykanka oo ka hadlay dib u celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaali iyo Kenyan

Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.

Donald Trump oo ka hadlay askarigii Mareykanka ee lagu dilay Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay askari ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo lagu dilay Soomaaliya, xilli Ciidamada Mareykanka ka qeyb qaadanayeen howl gal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareykanka: Burcad-badeedda Waxaa Soo Celiyay Abaarta Iyo Gaajada Ka Jirta Soomaaliya

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa weeraro ka bilaabay xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii ay dhowr markab oo ganacsi qabsadeen, arrintaasi waa mid jirto, laakin weli khatar isku ma badalin, sidaasi waxaa axaddii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dalka Mareykanka.

Mareykanka iyo Midowga Africa oo isku raacaay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd amaankeeda

Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa isku waafaqay inuu soo dhawaaday waqtigii Soomaaliya ay la wareegi laheyd mas’uuliyaddeeda dhinaca amaanka.

Mareykanka oo ka mamnuucaya in diyaaradaha lala raaco Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad

 Mareykanka ayaa qorsheynaya in diyaaradaha lala raaco qalabyada korontada ku shaqeeya sida Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad, iyadoo si gaar ah looga mamnuucistan ay u saameyneyso diyaaradaha ka yimaada wadamada bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika.

Ciidamada Sirdoonka Mareykanka oo baaraya wax lagu soo tuuray gaariga Trump

Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa baaraya wax lagu soo tuuray gaariga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Dib u eegida barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka 2017

Bayaan shalay kasoo baxay dawlada Mareykanka ayaa looga dalbay wasiirka arimaha dibada ee dalkaa inuu kusoo afjaro barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka muddo 120 cisho ah gudaheed.

Trump oo dagaalkii Ciraaq khalad ku tilmaamay

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa khalad ku tilmaamay dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ee xukunka looga tuuray Saadaam Xuseen, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu ahaa go'aankii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Dowlada Maraykanka oo liiska argagaxisada ku dartay wiil uu dhalay Osama Bin Laden

Dowladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden,kadib markii lagu tilmaamay in wiilkaas uu halis ku yahay dalka Maraykanka.

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah.

Mareykanka oo beeniyey in askari uu uga dhintay Soomaaliya

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa beeniyey sheegasho ay ururka Al-Shabaab sheegteen in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo iska horimaad dhexmaraya maleeshiyadooda iyo ciidamada Kenya iyo Kuwa Maraykanka oo isla socday.

Labo wiil oo Soomaali ah oo midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka

Labo wiil oo Soomaali ah ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka.

Banaan baxyo lagu diidan yahay guusha Donald Trump oo ka dhacay magaalooyinka ku yaal Mareykanka

 Banaan baxyo ballaaran oo lagu diidan yahay doorashada Donald Trump loo doortay Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka dhacay dhowr magaalo, halkaasoo kumanaan ruux ay isugu soo baxeen, kuwaasoo watay halku dhigyo ka dhan ah Trump.

Donald Trump oo ku horeeya cododka illaa iyo hada la tiriyay ee doorashada Mareykanka

Donald Trump ayaa guulo aan la fileyn ka soo hoynaya Gobolada Mareykanka, isagoo ka hormaray Hillary Clinton, waxaana wali is bed bedelaya natiijooyinka cododka laga dhiibtay gobolada oo wali la sugayo gobolo badan.

Wararkii ugu dambeeyay Doorashada Madaxtinimada Mareykanka oo labo maalmood ka haray

 Labo maalmood ayaa ka haray doorashada Madaxtinimada Mareykanka, iyadoo diyaar garowgii u dambeeyay ee ololahooda ay ku jiraan Musharaxiinta kala ah Hillary Rodham Clinton iyo Donald Trump.

Ololaha Doorashada Mareykanka ee dhici doona Toddobaadka soo socda oo Marxalad cusub galay

Waxaa Dar-dar xoog leh yeesha Ololaha Doorashada ee dalka Mareykanka kaas oo ku sii dhowaanaya xilligii uu xirmi lahaa.

Mareykanka oo war-murtiyeed ka soo saaray dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta:

Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta war murtiyeed soo saartay kaasoo ay ku taageereyso maalinta caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo afjaro ha arkin ha maaqlinta dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

Mareykanka oo ka hadlay duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Gobolada Mudug iyo Jubadda Hoose, kaasoo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen Ururka Al-Shabaab.

Muslimiinta Mareykanka oo ku eedeeyay Trump Muslim naceyb abuurid

-Kadib dilkii maalin ka hor loo geystay nin imaam ka ahaa masaajid iyo ku xigeenkiisa ayaa Muslimiinta Mareykanku eedeyn dusha uga tuureen murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayagoo ku eedeeyay inuu nacayb ka dhan ah Muslimiinta abuuro.

Maraykanka oo duqeeyay fariisimo ay IS ku leedahay dalka Libya

Maraykanka ayaa duqeyn u geystay fariisimo ay ururka IS ku leedahay dalka Libya kadib markii ay ka codsadeen dowlada Libya ay taageerto Qaramada midoobay.

Nin isku dayay inuu dilo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Reagan oo la sii deynayo(Sawiro)

Ninkii isku dayay inuu toogasho ku dilo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan 1981kii John Hinckley Jr ayaa laga sii deynayaa isbitaal dhinaca dhimirka ah oo uu ku xirnaa.

Mareykanka oo iska fogeeyay inuu ku lug lahaa isku daygii Afgambiga ee Turkiga

Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa iska fogeeyay wararka dhinaca Turkiga ka soo duul duulayay ee ku saabsan in Mareykanka ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee jimcihii ka dhacay dalka Turkiga. 

Nin doonayay inuu dilo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo la xiray

 Nin u dhashay Britain oo doonayay inuu dilo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Las Vegas, iyadoo ninkan la soo taagay Maxkamad.

Weerar ka dhacay Mareykanka oo lagu dilay 20 ruux oo ku sugnaa goob lagu caweeyo

Ku dhowaad 20-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku yaal magaalada Orlando Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Faah Faahin: Duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen Koofurta Somaia

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaano ka tirsan Jubooyinka. 

Rasaas ka dhacday Aqalka Congresska Maraykanka US Capitol oo hal ruux ku dhaawacmay

Rasaas ayaa laga maqlay halka ay dadka martida ah ka fariistaan xarunta Maraykanka ee US Capitol magaalada Washington waxaana lagu amray shaqaalaha in aysan dibada iman.

Rabshado hareeyay isku soo bax uu Donald Trump u qabtay taageerayaashiisa (Sawirro)

Ninka ugu cad cad Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa baajiyay isu soo bax siyaasadeed oo uu ku qabtay magaalada Chicago, markii dibad baxayaal careysan ay ka banadeen isu soo baxaas inuu kula hadlo taageerayaashiisa.

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ku dileen 150 dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay weerar cirka ah oo habeen hore ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku dileen 150 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka oo beeniyay in Diyaarad Drone ah uga dhacday Koofurta Soomaaliya

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa beenisay wararka sheegaya in diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone ku dhacday Soomaaliya, iyadoo Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe sheegatay inay gacanta ku heyso diyaaradaas.

Maraykanka oo ka mahadceliyay sii deynta badmaaxiin Maraykan ah oo ay xireen ciidamada Iran(Sawiro)

Dowlada Maraykanka ayaa u mahadcelisay dowlada Iran sii deynta ay sii daayeen 10 ka tirsan ciidamada badda Maraykanka oo si qalad ah u galay biyaha dalka Iran.

Mareykanka oo joojiyay saldhigii uu u adeegsan jiray diyaaradaha Drones ee ku yaalay Itoobiya

Milateriga Mareykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay saldhigii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones ee ku yaallay Koofurta Itoobiya.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo digniin ka soo saaray safaaradaha reer galbeedka ee dalka Shiinaha

Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ah suurtagalnimada in la weeraro deegaanada ay ku yaalaan xarumaha reer Galbeedka ee magaalada Beijing dalka Shiinaha maalmaha ciidaha masiixiga.

Dowlada Maraykanka oo Arrime fuliye u soo magacowday Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa u soo magacowday arrimo fuliyaha cusub kaasoo u qaabilsanaaya arrimaha dalka Soomaaliya. Arrime fuliyahan cusub oo lagu magacaabo David H Kaeuper ayaa howlihiisiiba ka bilaabay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mareykanka oo walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dowladda Suuriya

 Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry ayaa walaac ka muujiyay qorshaha Ruushka uu ku hubeynayo dalka Suuriya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ruushka ciidamo ka joogaan Suuriya.

Mareykanka oo kordhinaya weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn uu ka wado Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegtay inuu kordhinayo weerarada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones ee uu ka wado Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha muhiimka ah ee Al-Shabaab.

Maraykanka oo Taangiyo Casri ah u Diraya Wadamo kuyaala Qaarada Yurub iyo Sababta oo la cadeeyay

Wasiirka Difaaca Maraykanka Ash Carter ayaa sheegay in Maraykanku uu 250 taangi u dirayo bariga iyo bartamaha Yurub, taasoo jawab u ah faragelinta uu Ruushku ka wado Ukraine.

Mareykanka oo ciidamo boqolaal ah u diraya Ciraaq

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa 450 askari oo isugu jira la taliyeyaal iyo tababarayaal loo dirayo dalka Ciraaq, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Xaalad deg deg iyo Bandow todobaad ah oo lagu soo rogay magaalo ku taal Mareykanka

Rabshadaha ka socda magaalada Baltimor ee Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa sii xoogeystay, iyadoo la gubay baabuur boolis, goobo ganacsi, lana bililaqeystay dukaamo ganacsi.

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye iyo Mahad Karate

Dowladda Mareykanka ayaa Liiska Argagixisada ku dartay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye iyo Mahad Karate, kadib warbixin ay goor dhow ka soo baxday, waxaana labadan xubnood la xayirayaa dhamaan hantidooda.

Hillary Clinton iyo Jeb Bush oo la filayo inay ku tartamaan doorashada Mareykanka ee sanadka 2016

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Florida Jeb Bush oo xisbigan jamhuuriga ka tirsan ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan musharaxiinta doorashada madaxtinimo ee sanadka 2016 ka dhici doonta Mareykanka.

Duufaano baraf wata oo ku dhuftay sagaal gobol oo ka tirsan dalka Mareykanka (Sawirro)

Duufaano baraf wata ayaa ku dhiftay sagaal gobol oo ku yaalla waqooyi bari dalka Mareykanka, iyadoo uu hakiyay isu socodkii gaadiidk, dadka iyo duulimaadyada, waxaana lagu amray dadweynaha inay guryahooda ku negaadaan.

QM iyo Mareykanka oo soo dhaweeyay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha Somalia

Warbixin kasoo baxday waaxda Arimaha Dibada Mareykanka ayey dowlada Mareykanku kusoo dhaweesay ansixintii xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay ku meel mariyeen Ra’iisul Wasaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali.

Kumanaan ruux oo dibad baxyo ka dhigaya magaalooyinka Mareykanka, kadib dilkii Nin Madow ahaa (Sawirro)

Kumanaan ruux ayaa habeenkii labaad banaan bax ka dhigaya magaalooyinka Mareykanka, kadib markii ay dadkan ka caroodeen dilka Nin madow ahaa oo uu dilay arbacadii askari Cadaan ah oo ku sugnaa magaalada New York.

Daawo Sawirada:Meela ka mid ah Wadanka Mareykanka uu saameeyay Baraf Xoogan

Magaalada Buffalo oo ka tirsan ama u dhaw New York ayaa maanta waxaa ka taagan kala carar iyo cabsi baahsan ka dib markii deegaankaas uu ka curtay Baraf wata Dabeeylo dadka indhaha ka galaya waliba xiligii loogu tala galay ka soo hor maray .

Dowlada Mareykanka oo sheegtay in Laamaha Amaanka ee Dowlada Soomaaliya ay qeeb ka yihiin Kooxda Shabaab.

Dowlada Somalia oo beesha caalamka labadii sano ee lasoo dhaafay ay tusayeen taageero dhan walba ah iney lagarab taaganbyihiin ayaa taageeradaasi haatan waxay umuuqata mid beesha caalmku si tar-tiib tartiib ah ay uga aamin baxayaa dowlada Somalia ,madama marar dhow dowlada ay kusoo baxeen eedeemo musuq iyo maamul xumo laxariira.

Maraykanka oo malaayiin doollar ku raadinaya saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab

Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar u ballan qaaday ciddii gacan ka geysata soo qabashada ama sidii loo xukumi lahaa saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Kenya

Warbixin kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta u dhalatay dalkaasi looga digay in ay u safaraan dalka Kenya oo dhaca Bariga Afrika.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS