Tag: Mareeb

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka ku wajahan Dhuusa Mareeb

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay maamulaan Culumaa’udiinka Ahluna Wal-jameeca.

Xaalada Dhuusa Mareeb oo saaka degan, kadib dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay

Xaalada magaalada Dhuusa Mareeb ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaal culus oo habeen hore illaa shalay ka dhacayay magaalada, iyadoo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna ay si buuxda gacanta ugu hayaan ammaanka magaalada.

Dagaal u dhaxeeya Ahlusuna iyo sarkaal horay ugu biiray oo ka socda Dhuusa Mareeb

Dagaal u dhaxeeya Xoogaga Ahlusuna iyo ciidamo taabacsan Sarkaal horay ugu biiray ayaa ka socda magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo dagaalka uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan magaalada.

Al-Shabaab oo gaari Ambalaas ah ka afduubtay duleedka degmada Dhuusa Mareeb

Wararka ka imaanaya degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in gaari kuwa gurmadka deg dega ah oo ay la socdeen kalaalkiye caafimaad iyo darawalkii waday lagu afduubtay meel duleedka bari kaga beegan.

Ciidammo Itoobiyaan ah oo saakay la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso-mareeb -

Wararka laga helayo magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in saakay ay ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuuso-mareeb.

Ahlusuna oo xabsiga dhigay nin sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe

Ciidamada Maamulka Ahlusuna ayaa xalay xabsiga dhigay nin sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Gobollada Dhexe, kaasoo shalay kaga dhawaaqay duleedka Dhuusa Mareeb.

Deegaanada Ahlusuna maamusho ee Gobollada Dhexe oo maalintii koowaad maanta laga ciidayo

Deegaano ka tirsan Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay maamusho Ahlusuna Wal-jameeca ayaa maalintii koowaad ee Ciidul Fidriga laga ciidayaa, iyadoo dadka isugu soo baxeen fagaarayaasha iyo masaajidada, si ay salaada ciida ugu dukadaan.

Wararkii ugu dambeeyay kulamada ka socda Dhuusa Mareeb iyo Ahlusuna oo shuruud ku xiray

 Iyadoo xalay degmada Dhuusa Mareeb uu ku hoyday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in kulamo u socda wafdiga uu hogaaminayo wasiirka iyo Ahlusuna Wal-jameeca wali la isku mari la’yahay.

Ciidamada Ahlusuna oo saaka dagaal kula wareegay degmada Dhuusa Mareeb

Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saaka la wareegay degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen

Madaxweynaha “Caasimadda waa Dhuusa Mareeb, Cadaado waa gogosha maamulka lagu dhisayo”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in caasimadda Maamulka Gobollada Dhexe ay noqon doonto magaalada Dhuusma Marreeb, shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgduudna uu ka furmi doono magaalada Cadaado 11-ka bishan April.

Madaxweynaha Somalia oo weli kulammo la leh Ergooyinka Shirka Dhuuso-mareeb

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli kulamo kula leh magaalada Dhuuso-mareeb ergooyinka ka qaybgalay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo la go’aamiyay in Dhuusa Mareeb lagu qabto (War murtiyeed)

War murtiyeed laga soo saaray shirkii dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb ayaa lagu go’aamiyay in shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee lagu qaban lahaa magaalada Cadaado loo weecinayo magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha oo saaka ka socota Dhuusa Mareeb

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo saacadaha soo socda lagu wado inay gaaraan degmada Dhuusa Mareeb ayaa saaka halkaas ka socota.  

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlusuna oo isku mari waayay qorshaha howl galada Galgaduud

Iyadoo shalay wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay gaareen magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa arrimaha wafdigan u tageen gobolka uu qeyb ka yahay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS