Tag: Madoobe

Axmed Madoobe oo u yeeray xubnaha Jubbaland ugu jira Aqalka sare

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qeyb galaan shirka maamul goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe oo khudbad saameyn badan ka jeediyay calleemo saarkii madaxweynaha Galmudug Video

 Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay munaasabadii calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa halkaa ka jeediyay khubad saameyn badan oo dhinacyo kala duwan taabatay.

Axmed Madoobe Oo Ugu Baaqey Madaxweyne Farmaajo Wax Ka Qabashada Amniga Iyo Abaaraha Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed Cabadullaahi Maxamed Farmaajo.

Axmed Madoobe oo C/Welli Gaas iyo Guuleed ka dalbaday inay nabadda Gaalkacyo ka shaqeeyaan

Iyadoo dagaalada magaalada Gaalkacyo ka dhacaya maalmo badan qaateen, ayaa waxaa kordhaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe “Waa in arrinta Hiiraan si deg deg wax looga qabtaa, dagaalka socdana la joojiyaa”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka aloosan magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed.

Axmed Madoobe “Waxaan qaadi doonaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab” (Sawirro)

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay kormeeray xerooyin ciidan oo ku yaal magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku jiraan Ciidamada isku dhafka ah ee dhowaanahan tababarka u socday iyo Ciidamo ka tirsna Maamulkiisa.

Axmed Madoobe “Shirka ugu dambeeya ee go’aanka lagu gaarayo Kismaayo ayuu ka dhacayaa”

 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Kismaayo lagu gaari doono go’aanka ugu dambeeya ee shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe “Safarkeyga Cadaado waxay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisa Cadaado ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo ee lagu soo afjaray colaadii u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe “Fikirka ay Kenya Soomaaliya u soo gashay, ma ahan inay dhul qaataan, Amnigooda qatar ku jira”

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale difaacay qorshaha ay Ciidamada Kenya u soo galeen Soomaaliya, isagoo ka hadlay muranka ka taagan Darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.

Axmed Madoobe “Aan ka tagno Beesha Caalamka, anaga oo Soomaali kaligeen ah aan talo gaarno”

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Beesha Caalamka, isla markaana shaqada la qabanayo ay noqoto mid Soomaali kaligeed ay qabsato, Caalamkana uu gadaal ka joogo.

Axmed Madoobe oo Xil culus u magacaabay mid kamid ah Saraakiishii maamulkiisa Mucaaradka ku ahaa

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Mdaxaweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Jubbaland ee Gobolka Gedo, waxaana xilkaasi loo magacaabay Korneel Cabaas Ibraahim Gurey.

Axmed Madoobe “Anaga Soomaali midnimadeeda ka shaqeyneynaa ee ma noqoneyno kuwo…”.

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay khilaafka maamulkiisa iyo dowladda Federaalka u dhaxeeya, isagoo xusay in arrinta la isku hayay ay aheyd tan guddiyada ay magacawday dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe “Baarlamaanka waxay kala garan la’yihiin cida ay Mas’uulka ka yihiin iyo shaqadooda”

 Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku eedeeyay Baarlamaanka Federaalka inay shaqadooda ku soo koobantay mooshin iyo iska daba wareeg, isagoo ka digay meel marinta mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubba.

Axmed Madoobe oo taageeray Maamulka saddexda Gobol ee lagu dhisayo Baydhabo

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa taageeray Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee qorshihiisa yahay in saddex gobol lagu dhiso, iyadoo shir kale oo lagu dhisayo lix gobol uu ka socdo magaalada Baydhabo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS