Tag: Madaxweynah

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo “Marxalada aan haatan ku sugannahay inooma saamaxeyso Kala qeybsanaan”

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu saxiixayay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in aan xilligan loo baahneyn kala qeybsanaan.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib uga soo laabtay, kana warbixiyay safarkii dalalka deriska

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaallo tacsi ka helay qaar ka mid ah Madaxda Caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha oo fariin u diray maamul goboleedyada, kuna baaqay midnimo iyo wada shaqeyn

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku baaqay midnimo iyo wadashaqeyn, kaddib war murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacay Kismaayo, kaasoo dhaliilo loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo “Inuu dhibka noo soo hormaro waa faa’ido, waana ku ad-adkaaneyna”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadda ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono.

Madexwayne Farmaajo “DFS waxaa ka go’an in ay joogteyso dadaallada lagu ciribtirayo cudurrada dilaaga ah oo ay dabeyshu kamid tahay”Sawiro”

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabaysha laga cirib tiray guud ahaan dalka muddadii sadexdii sano ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo oo amray in la weeraro saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Saakow

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada caalamiga ah ayaa weerar ku qaaday saldhig tababar oo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo dalka dib ugu soo laabtay

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii ay safaro ku tageen dhowr dal.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada London kaga qeyb galeen shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Farmaajo “Al-Shabaab waqtigooda waa dhamaaday, hal lug ayay ku taagan yihiin, lugtaasna waa u bixineynaa”

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay dowladdiisa ay xoogga saari doonto la dagaalanka Al-Shabaab iyo musuq maasuqa, kaasoo uu tilmaamay inay ka mid yihiin labo caqabad oo lid ku ah dowladnimada.

Madaxweynaha: Dano Siyaasadeed kama lihi dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanu dano siyaasadeed ka laheyn dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo magaalada Jowhar ay ka socoto shirka lagu dar dar gelinayo maamul u sameynta Labada Gobol.

Madaxweynaha oo soo saaray wareegto ku saabsan hab-raaca hawlaha dowladda ee waqtiyada doorashada 2016

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Bangiga Dhexe waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahan, ee waa Xatooyo”

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagtii laga xaday Bangiga Dhexe, isagoo caddeeyay inay jiraan dad Mas’uuliyiin loo xiray oo su’aalo ay weydiinayaan Hey’adaha kala duwan ee Amniga.

Danjirihii dalka Burundi General Nkurunziza oo loo sameeyay xaflad sagootin ah (Sawiro)

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatey Danjiraha Jamhuuriyadda Burundi u fadhiya Soomaaliya, General Joseph Nkurunziza oo waqtiga xilkiisa Soomaaliya uu dhammaadey.

Madaxweynaha oo xalay la kulmay Saraakiisha dowladda iyo AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. 

Madaxweynaha iyo xubnaha Beesha Caalamka oo ka wada hadlay taageerada Ciidamada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya. 
Valid XHTML 1.0 Valid CSS