Tag: Madax

Madax uu ku jiro kan Soomaaliya oo Addis Ababa ku sugan

Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ee ku bahoobay ururka IGAD ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaasoo ay kaga hadli doonaan arrinta ka taagan gobollada Jubbooyinka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo wasiirada oo ka arrinsaday xalay xaaladda dalka

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada ayaa xalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada dalka, iyadoo kulankan diirada lagu saaray tallaabada  xigta ee ay dowladdu qaadeyso kadib markii dhowaan laga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka ee saarneyd mudada dheer.

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo abaanduulaha ciidanka oo la dhaariyay

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo abaanduulihiisa cusub, ayaa maanta galinkii dambe xaflad ka dhacday xarrunta villa Soomaaliya ee Muqdisho lagu dhaariyay labadaasi sarkaal, kuwas oo maanta horena sidoo kale xilalkii kala wareegay saraakiishii iyaga ka horreeyay.

Dhageyso dowladda oo ka dhiidhisay in raali galin ka bixiso Kenya hadalkii Ongeri, iyo Ongeri oo mar kale hadlay

Arrinta sida aadka ah warbaahinta u hadal heysay waxay aheyd warbixintii wargeyska Daily Nation ee Nairobi ka soo baxa uu Isniinti daabacay, markaas oo wasiirkii arrimaha dibadda Kenya Sam Ongeri ku eedeyay Sheekh Shariif madaxweynihii hore qaraxyadii ka dhacay hotelkii Jaziira ee Muqdisho 12-kii bishan, markaas oo halkaasi lagu dili rabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sam Ongeri laf ahaantiisa.
Hadallada madaxda

Madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Jawaari oo shiray

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xalay kulan ku yeeshay hoyga guddoomiyaha baarlamaanka ee Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS