Tag: Madasha

Hoggaamiyeyaasha Madasha oo dib u dhigay 18-kii xubnood ee lagu kordhigay Aqalka sare

 Madasha Hoggaanka Qaran ayaa war saxaafadeed xalay ka soo baxay ayaa waxay dib u dhigeen magacaabista 18-kii xubnood ee ay ku kordhiyeen Aqalka sare 24-kii bishan, iyagoo tixgelinaya howlaha culus ee u yaala Baarlamaanka cusub.

Madaxda Madasha oo go’aan ku gaaray in dib loogu celiyo doorashada 5-kursi

 Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka, iyadoo kulankan uu daba socday kulankii Madasha ee socday 15-kii illaa 24-kii bishan ayaa waxaa looga hadlay go’aan ka gaarista iyo dhameystirka arrimaha ka harsan doorashooyinka dadban ee golaha sharci dejinta qaranka

Akhirso: War murtiyeed ka soo baxay shirkii Madasha iyo 18 xubnood oo lagu kordhiyay Aqalka Sare

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay  15 – 24 Disembar 2016-ka ayaa ahaa kulankii ugu waqtiga dheeraa, waxaana kulanka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Madasha Wada-tashiga oo is mari waa adag uu ka jiro

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo la isku mari la’yahay qodobo ka mid ah kuwa looga hadlayo shirka.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii madasha-wadda-tashiga Qaran ee Muqdisho ku soo dhamaaday

Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, kaasoo uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka sanadka 2016.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maalintii labaad galay

 Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maalintii labaad galay, iyadoo laga sugayo in Madaxda isku raacaan waqtiga kama dambeysta ee ay la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo la qorsheynayo in bishan gudaheed ay dhacdo.

Maxaa looga hadlay Shirkii Madasha Qaran ee Maanta Muqdisho ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo maanta la filayo inuu la furmo Muqdisho

Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa maanta la filayaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo horay loogu balansanaa 7-da bishan.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo la soo hormariyay

Shirka Madasha Wada-tashiga ee Hoggaamiyeyaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday inuu dhaco 7-da bishan September ayaa la soo hormariyay.

Shirka Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Iyadoo uu jiro shaki ku aadan inay dib u dhacday doorashadii la filayay inay dalka ka dhacdo bisha September ee soo socota, isla markaana bishan Agosto gudaheed la soo xulo Baarlamaan cusub ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho shir uga furmo Hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Aqriso Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka Madasha Hoggaanka Qaran

Kulan ay ka soo qeybgaleen madaxda ugu sareysa ee dowlada Federalka iyo Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa kama dambeyntii lagu heshiiyay qoddobada soo socda kuwaasoo ay ka mid yihiin in guddi loo saaro maqaamka caasimada iyo in shir kale uu ka dhaco Baydhabo 20-22 June 2016.

Madaxweynaha oo u furay shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Muqdisho, 28 January 2016…..Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Shir loogaga hadlayo horumarina warbaahinta oo Muqdisho ka furmay(Sawiro)

Shirka Qaran ee Horumarinta Istiraatiijiyadda Warbaahinta Soomaaliya ayaa maanta si rasim ah uga furmay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo oo mar kale dib u dhacay

Shirka wada tashiga Kismaayo ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka ayaa lagu soo waramayaa inuu mar kale dib u dhac ku yimid, iyadoo wafuuda ka qeyb galeysa shirkaas ay wali ku qul qulayaan.

Faah Faahin: War murtiyeedkii shirka madasha wada tashiga qaran ee doorashada 2016

 Iyadoo shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka labaad ee madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayay hanaanka doorasho ee sanadka 2016 ka dhici doona shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban todobo qodob.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo Maanta lasoo Gunaanadayo Muqdisho -

Maanta ayaa la fiayaa in Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo shirka madasha wada-tashiga doorashada 2016-ka dalka ka dhici doonta, kaasoo labadii casho ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS