Tag: Maamulka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Guddi daba gala Agaasimayaasha Waaxyaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo ay Guddoomiye u tahay Dumar, kuwaasoo daba gal ku sameynaya sida ay u shaqeeyaan Agaasimayaasha Waaxyaha ee dowladda Hoose.

Dabageed “Madaxweynuhu gacan dhaaf ayuu ku sameeyay Maamulkii Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axned Hagar “Dabageed”oo wareysi dheer siiyay Radio Jowhar ayaa ka hadlay arrimo kala duwan, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan maamulkooda uu u gacan dhaafay isla markaana aysan tixgelin ka helin dowlada.  

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isagoo xusay in dhowaan la dhisi doono maamulka labada gobol. 

Guddi ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo ka soo tala bixinaya dhismaha Gole deegaan uu yeesho Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xalay casho sharaf u sameeyay ciyaartoydii 11-jirada(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay aqalka dowladda Hoose Ciyaartoydii 11-jirada ee ka qeyb galay Tartankii Jeem Cup ee lagu qabtay dalka Qadar. 

Shirkadda Diyaaradda Daallo oo sheegtay in aanay saameyn doonin Qarixii Diyaaradda ka dhacay

Shirkadda Diyaaradda Daallo Airlines ayaa sheegtay in aanay saameyn ku yeelan doonin, qaraxii 2-dii bishan ka dhex dhacay gudaha diyaarada, xilli ay ka kacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqasho ku jooga Magaalada London

Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa booqasho ku jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Maamulka Galmudug oo Maamul cusub u sameeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Maamulka Galmudug ayaa maamul KMG ah u magacaabay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Galgaduud, kaasoo noqonaya maamulkii u horeeyay ee heer degmo oo ay soo magacawdo, tan iyo markii Maamulka Galmudug lagu dhisay Cadaado .

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka soo horjeestey Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aankiisa ku aaday sida uu u arko gudiga farsamo ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe qoraanlka hoos ka aqriso.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in dhowaan la dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan la guda geli doono howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo horay loogu heshiiyay in maamul loo sameeyo.

Khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa oo soo shaac-baxay

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya inuu soo if baxay khilaaf u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo qaar ka mid ah kuxigeenadiisa, kaasoo ku saabsan awooda xaga maamulka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo is bedelo iyo isku shaandheyn ku sameeyay Guddoomiyeyaal degmo

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa isku shaandheyn iyo is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo tallaabadan ay tahay tii u horeysay ee uu Guddoomiyuhu uu isugu shaandheeyo Guddoomiyeyaal degmo.

Dowladda Federaalka & Maamulka Soomaaliland oo Heshiis wada gaaray

Wadahadaladii u dhexeeyay  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ee ka socday Magaalada Jabuuti ayaa la soo Gaba gabeeyay,iyadoona Labada Dhinac ay soo saareen Qodobo ay ku Heshiiyeen.

Maamulka Jubba oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku laayeen deegaanka Kudhaa

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo maalin ka hor ay la wareegeen.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duqeymo ay geesteen Diyaarado Dagaal

Afhayeen u hadlay Maamulka KMG ee Jubba ayaa shaaciyay in Saraakiil katirsan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab lagu dilay Duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya .

Khilaafka Madaxda Somalia oo dib u dhigay Kulamadii Somalia iyo Somaliland

Khilaafka soo dhexgalay madaxda Soomaaliya ayaa sababay inuu dib u dhac ku yimaado wadahadalladii u socday Somalia iyo Somaliland oo lagu waday inay toddobaadkan ka dhacaan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay Madaxweynaha inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo fara geliyo khilaafka iyaga iyo Wasaarada Maaliyada u dhaxeeya ee ku saabsan qaadista canshuuraha magaalada Muqdisho,iyadoo Maamulka ku doodayo in la duudsiiyay xaqii ay u lahaayeen inay qaadaan canshuuraha gudaha.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol ayaa wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo shirkii looga dhawaaqay arrintan oo ka dhacay Baydhabo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka.

Maamulka Jubba oo sheegay in ay fashiliyeen weerarro ay damacsanayd Al-shabaab

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ika warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay ka geysato magaalada Kismaayo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS