Tag: MUQDISHO

Wasiir Goodax oo ka laabtay hadalkiisii ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Puntland (Xog khaldan ayaa la isiiyay)

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo goordhow soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inuu ka xun yahay hadal shalay uu ka jeediyay magaalada Jowhar, oo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka maamulka Puntland. 

Kulankii Golaha Shacabka oo maanta lagu Ansixiyay hishiisyo muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku ansixiyay heshiiskii Baydhabo oo Guddiga Kheyraadka ee Golaha maanta hor keeneen.

Darawal Mooto Bajaaj oo haweeney fool ah Isbitaal u waday oo Muqdisho lagu dilay

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiligii Sallaada Subax ee saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah, kaasoo waday Moota Bajaaj, iyadoo askariga dilka geystayna uu goobta isaga cararay. 

Mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada oo loo xirey arrimo la xiriira imtixaanka fashilmay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Ciidanka Booliska ay xireen mid kamid ah shaqaalaha wasaarada Waxbarashada dowlada federalka kaasoo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay bixitaankii imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka. 

Madaxweyne Farmaajo oo u magaacabay Dr. Nuur Fuursade Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Imisa Agaasime ayaa soo martay Madaxtooyada Villa Somalia 2-dii sano ee la soo dhaafay ?

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa labadii sano ee la soo dhaafay aheyd meel aan lagu negaanoo marba Agaasime la bedelayay inta uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo. 

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin bambo ku tuuray Xarun ciidan

Ciidamada Booliska ayaa goor dhow gacanta ku dhigay nin bambo gacmeed ku tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamada oo ku taala degmada Yaaqshiid. 

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dil iyo qarax macmal oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa bac lagu qariyay walxo baaruud qaraxda iyo dil rag burcad ah ay caawa ka dhacday xaafado kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, xilli dadku ay ahaayeen kuwo Afurayay. 

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay Askarigii dilay darawalki Mooto bajaaj

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jenaraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Booliska ay soo xireen askari boolis ah, kaasoo saaka degmada Hodan ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj. 

Maxamed Cabdi Maareeye oo markii 3aad la wareegay xilka Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirki hore Daahir Maxamuud Geelle. 

Wararkii ugu dambeeyay Howlgallo baaritaano xalay laga sameeyay Xamar Weyne

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay. 

Sawirro: Xafladda Daah Furka Xisbiga Himilo Qaran (Shariif, Xasan Sheekh iyo Jawaari…)

Waxaa xilligan ka socota Hoolka Sahal ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 Xaflada Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed. 

Wasiirro Muqdisho ku soo dhaweeyay Shariif Sheekh Axmed

Xubno ka tirsan golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaaalada Muqdisho guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed.

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo “Waxaa na heysta faragelin shisheeye iyo in Beesha Caalamka nagula dacweeyo”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jira ay ka mid tahay dhaqan xumo siyaasadeed, isagoo ka dhawaajiyay inaan la kala garaneyn mucaarad iyo waxa loo yaqaano dumin. 

Maamulka G/Banaadir oo ku wareejiyay Muwaadin gurigiisa muddo 30 sano xoog looga deganaa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin lagu magacaabo Aweys Xaaji Muriidi, kaasoo gurigiisa oo ku yaal degmada Shingaani si xoog ah looga deganaa muddo 30 sano. 

Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo mar kale dib u dhac ku yimid [Maamul goboleedyada oo aan ka soo jawaabin…]

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta oo 19 April ka furmo magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib u dhac ku yimid. 

Daawo: Wasiir Ducaale “Ma aqbaleyno banaan baxyada Facebook laga abaabulayo”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow `ayaa sheegay in dowlada aysan aqbalaynin banaanbaxyada laga soo abaabulo baraha bulshada sida Facebook. 

Fahad Yaasiin oo ku hanjabay inuu dacwad ka gudbinayo Xildhibaan su’aal kulul weydiiyay

Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa ka carooday su’aal uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isagoo ugu hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo, sharcigana la tiigsanayo. 

Kusimaha Taliyaha NISA oo su’aalo adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka iyo jawaabo uu ka bixiyay

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa su’aalooyin adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood jawaabo layaab leh ka bixin. 

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulankii Amniga ee Todobaadki hore buuqa ku dhamaaday

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya kulankii Amniga ee todobaad ka hor ku dhamaaday buuqa iyo fowdada, kaddib muran ka dhashay in warbaahinta dibadda looga saaro kulanka. 

Ciidamo ka tirsan Booliska iyo Militariga Soomaaliya oo ku dagaalamay Degmada Shibis

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan militariga iyo booliiska Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska maana booliyo iyo Beexaani ee magaalada Muqdisho.

Eng. Yariisow oo cabasho ku saabsan faya-dhowrka Caasimadda u diray Hay’adaha Caalamiga ee ku sugan Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qoraal uu u diray Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho, waxa uu si kulul ugu cambaareeyey falalka ka dhanka ah faya dhawrka iyo badbaadada deegaanka oo Xafiisyadaas ay kula kaceen xeebaha Muqdisho. 

Sawirro: Ciidamada Amniga oo howlgal ku soo qabtay Miinooyin, Bambooyin iyo bastoolado

Ciidamada Amniga ayaa caawa howlgal qorsheysan ku galay guri ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaasoo lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa, bambooyin iyo bastoolado. 

Madaxa Aamin Ambulance “Booliska waxay nagu wargeliyeen inaan joojino shaqada”

Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa xaqiijiyay in amar ka soo baxay Booliska Gobolka Banaadir lagu amray inay joojiyaan shaqada, taasoo uu ku tilmaamay arrin aan wanaagsaneyn. 

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxda Maamul Goboleedyada ku marti-qaaday shir bishan ka dhacaya Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale martiqaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada inay bishan isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, si uu uga dhaco shir Golaha Amniga Qaranka. 

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxda Maamul Goboleedyada ku marti-qaaday shir bishan ka dhacaya Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale martiqaad u diray Madaxda Maamul Goboleedyada inay bishan isugu yimaadaan magaalada Muqdisho, si uu uga dhaco shir Golaha Amniga Qaranka. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo buuxiyay Wasiiro ka bannaanaa Xukuumaddiisa (Saddex Wasiir la magacaabay)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow buuxiyay Wasiiro ka banaanaa Xukuumaddiisa, isagoo magacaabay saddex Wasiir. 

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe. 

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhow oo fiidnimada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan. 

Taliska Booliska oo shaaciyay in gaadiid qarax laga soo buuxiyay uu ku jiro Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku jiro magaalada Muqdisho. 

Cadnaan Cismaan Boqore oo ku guuleystey doorasho ka dhacday Muqdisho

Wiil uu dhalay allaha unaxarisitee Cismaan Cilmi Boqore ayaa ku guuleystey doorasho ka dhacday maanta magaalada Muqdisho taasoo loogu tartamayay kursiga uu baneeyay Marxuum Boqore. 

Agaasimaha Xafiiska Wasiirka A. Dibadda oo xilka looga qaaday qoraal uu ku taageeray xiriir lala yeesho Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka eryay Agaasimihii Xafiiskiisa C/llaahi Axmed Dool, kaasoo qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil. 

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin hubeysan oo Askari ku dilay Dayniile

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan, kaasoo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga ee ka howlgala degmada Dayniile. 

Waalidiin ku banaanbaxay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda

Qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodayn Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska, ayaa maanta banaanbax ka dhigay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda.

Guddoomiye Mursal oo ugu baaqay Xukuumadda in si degdeg ah u soo gudbiso sharciga doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay iska xil saarto ka wada xaajoodka qodobada dastuurka faraya, si go’aan looga gaaro. 

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ee Wadada Maka Al-Mukarama oo korortay

Ku dhowaad labaatan ruux ayaa ku geeriyootay qarax xooggan oo maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Labo maqaayad oo ku dhow Hotelka Wehliye. 

Afar Xisbi oo war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada amniga ee dalka iyo gadoodka Ciidamada

Xisbiyada siyaasadda sida UPD, Wadajir, Himilo Qaran iyo Ilays ayaa war saxaafadeed wadajir ka soo saaray xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo maalmihii la soo dhaafay sii xumaaneysay xaaladeeda amniga. 

Qarax khasaare dhimasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxan uu ahaa hasse ahaatee goobta uu ka dhacay ayaa la sheegay in ay ku dhawdahay maqaaxi lagu magacaabo Al-Nasir oo ku taala xaafada Labo Dhagax.

Xildhibaan dhaliilay qaabka loo furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Federalka

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa dhaliilay qaabka loo furay Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo oo furay Kalfadhiggii Shanaad ee Golaha Shacabka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkadda SKA oo ku wareejisay Dowlada Soomaaliya xogta macdanka ku jirta dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay Xogta macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka,waxaana baarista xogtan sameeyay quburo kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda. 

Muqdisho, Qaraxyo goordhow ka dhacay Xarumo Wasaaradeed

Qaraxyo gawaari loo adeegsaday ayaa goordhow ka dhacay dhismaha Xarumo Wasaaradeed oo ku yaala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada gadoodsan ee ku sugan duleedka degmada Balcad

Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliyeed oo maalintii labaad ku jira gadood ay ku dhaqaaqeen ayaa sheegaya in kulamo ay la yeeshee wafdi ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ay isku afgaran waayeen in ay dib ugu laabtaan fariisamahooda. 

Kusimaha Taliyaha NISA oo ka soo muuqday kulankii u horeeyay oo Amniga looga hadlayay

Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ahna Taliye kuxieenka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa maanta ka soo muuqday kulankii u horeeyay oo looga hadlayay ammaanka, kaasoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska Saaldhigyada Muqdisho. 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo ka hadlay tirakoobka ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa ka hadlay tirakoobka ciidamada xoogga dalka isagoo sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee ciidanka, si loogu qorsheeyo hub, gaadiid, qalab iyo dhaqaale ku filan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq degdeg ka soo saartay dagaallo ka dhacay Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. 

Madaxweynaha Jabuuti oo qudbad u jeedinaya maanta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye. 

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo si weyn  loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ka mid ah wasiiro,xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo amar ku soo rogay Jaamacaddaha dalka

Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay magaalo madaxda Uganda ee Kampala

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. 

Qabanqaabada Aaska Meydka Cabdiraxmaan Xoosh oo ka socota Muqdisho

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la keeno magaalada Muqdisho Meydka marxuum C/maan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowlada Federalka. 

Saddex ruux oo siyaabo kala duwan loogu diley deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay 3 ruux siyaabo kala duwan loogu diley deegaanka Mukay-Dheere iyo Ceel-Macaan ee gobolka Sh/dhexe. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo safarkiisa Kismaayo u baajiyay aaska Wasiirkii Dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyay safar lagu waday in maanta oo Sabti ah ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, kaddib geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil. 

Qarax xooggan oo caawa ka dhacay Guri ku yaalla Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Qarax xooggan ayaa caawa laga maqlay guri ku yaalla degmada H/wadaag, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho. 

Xisbiga Wadajir oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federalka

Xisbiga Wadajir oo kamid ah xisbiyada dalka ka dhisan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Labo ruux oo si kala gaar gaar ah loogu diley Muqdisho

Labo ruux oo mid ka mid ah ay ahayd ruux dumar ah ayaa lagu diley maanta caasimada dalka ee magaalada Muqdisho. Dilka hore oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyadoo dilka uu geystey mid kamid ah ilaalada Hotel Shamo ee magaalada .

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmaya magaalada Kampala

Madaxtooyada Uganda ayaa qaban qaabineysa kulan fool ka fool ah oo ay isugu imanayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo u dhexeeya xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay shirkii Shidaalka Soomaaliya ee magaalada London. 

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. 

AMISOM oo si rasmi ah u wareejisay xarunta Kulliyadii Jaalle Siyaad

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo maanta ka qayb galay munaasab ciidanka xoogga dalku ay ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika AMISO kala wareegayeen xarunta Tababarka Meleteriga ee Jaalla Siyaad, ayaa sheegay in dawladdu ay tillaabo wax ku ool ah u qaaday qorshaha ay kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka.

Faahfaahin ka soo baxaysa qaraxyo ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax caawa qarax   ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan goobo ay ku yaalaan Huteelo iyo xarumo kale oo ganacsi. 

Xaalada magaalada Muqdisho oo caawa kacsan iyo rasaas laga maqlayo waddada Maka-Al-Mukarama

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caaw ah mid kacsan kaddib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay wadadda Maka Al-Mukaama oo lagu arko ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Wasiirka Amniga oo lagu wareejiyay warbixin ku saabsan tirada guud ee Ciidamada Soomaaliya

Koox ka socotay AMISOM oo qiimeyn ku sameeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan tirada Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo suura galnimada inay la wareegi karaan amniga guud ee dalka, marka ay isaga baxaan AMISOM. 

Shir looga hadlayo Dhismaha Dowlaha Hoose oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladdaha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasiirada Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir. 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. 

Mid ka mid ah Xabsiyada ugu ballaaran qaarada Africa oo maanta xariga laga jarayo magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in xariga laga jaro mid ka mid ah xabsiyada ugu ballaaran qaaradda Africa.

Safiirka cusub ee Ingiriiska u soo magacaabay Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacawday Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa si rasmi ah uga shaqa bilaabay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu todobaadkan soo gaaray caasimadda dalka. 

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed

War ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya taliyaha ururka 60-aad ayaa ku wargaliyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddi lagula kacay wariyeyaal Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey  ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu booqasho ku tegey dalalka Burundi iyo Jabuuti. 

Akhriso: Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed ku qornaa afka Soomaali ugu jawaabtay Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ku qornaa afka Soomaaliga ka soo saartay xiisada siyaasadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo war saxaafadeedkan uu ka duwan yahay warqad Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya u qortay dhiggeeda Kenya, kaasoo afka Ingiriiska ku qornaa. 

Mahad Salaad “Siyaasadda waa ku kala aragti duwanaan karnaa, laakiin difaaca dalka waa muqadas”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda lagu kala aragti duwanaan karo, balse difaaca dalka uu yahay muqadas, isagoo farriin u diray Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. 

Safiirkii Soomaaliya ee Kenya Amb. Tarsan oo saaka ka soo degay garoonka Muqdisho

Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda. 

Agaasime kuxigeenkii 6aad oo ay yeelatay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha [Akhriso]

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa magacaabay Agaasime kuxigeen cusub oo ay yeelaneyso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. 

C/qaadir Dhaqane “Madaxweyne Farmaajo wuu lumiyay taageeradii shacabka, sida la moodayay iyo sida…”

C/qaadir Xaaji Maxamuud (Dhaqane) oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan dowladdii KMG ayaa sheegay in waxyaabo badan oo laga filayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo sidii loo filayay aysan noqon, isagoo xusay inuu lumiyay taageeradii shacabka. 

Taliska Booliska oo war ka soo saaray dilal ay Ciidamo ka tirsan Booliska ka geysteen Muqdisho

Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Warbaahinta ee Ciidanka booliska ayaa ka hadlay toogasho Todobaadkii hore ay Muqdisho ka geysteen Ciidanka booliska. 

Horukac mise Gadaal u gurasho: labo sano kaddib doorashada Madaxweyne Farmaajo

Horukac mise Gadaal u gurasho: labo sano kaddib doorashada Madaxweyne FarmaajoLaba Gu’ ayaa u gaba-gabowday Dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee talada dalka ku guulaysatay 8-Febraayo 2017,  qammaamiir tirobeel ah ayaa ku rajo weynaa guul in uu soo hoyo geeddigan horta leh ee berigaas la doortay, goor musuqa iyo amni xumadu ahaayeen labada arrin ee Musharrax walba ajandihiisa ugu horraysiinayay.

Mahad Salaad oo maqaal ka qoray 2 sano kaddib Balanqaadkii Madaxweyne Farmaajo iyo mahadhooyinki laga dhaxlay

Tartankii loo galay xilka madaxtinnimada Soomaaliya 8 Feberaayo 2017 waxaa ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intii lagu jiray ololaha doorashada wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed, mid amni iyo mid maamul intaba. 

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir sanadeedka Garsoorka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho. 

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Saddex Geesoodka ee Hey’adaha Dastuurka

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir wadajir ah oo afar maalin ay lahaayeen seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka. 

Shir u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo maanta ka furmay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kaasoo socon doona muddo afar maalin ah.   

Madaxweyne Farmaajo oo Qaramada Midoobey uga mahad celiyay taageeradeeda Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo nabadeynta ee xafiiska xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.

Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo maanta ka dhacay meel aan ka fogeyn taallada Daljirka Dahsoon degmada Boodheere ee magaalada Muqdisho

Qarax lagu weeraray gaari ay saarnaayeen Injineero Soomaaliya iyo Ajnabi isugu jiray

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax lagu weeraray gaari ay la socdeen Injineero isugu jira Soomaaliya iyo Ajnabi oo ku safrayay dulleedka magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka jawaabay hadalkii Yoweri Museveni “Waa qof iska hadlay”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo ahaa in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad maamusha. 

Dhaqtar Siiriyaan oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay Muqdisho

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr. Muhanad Cali Axmed  oo u dhashay dalka Siiriya, kaasoo 21-kii bishan uu dhaawac ka soo gaaray qarax lagula eegtay degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho. 

Dhakhaatiir ajaaniib ah ku dhaawacantay waxyaalaha qarxa oo loogu xirey baabuur

Saddex dhakhtar oo labo ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir u dhalatay dalka Siiriya ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula qarxay magaalada Muqdisho. 

Buug laga qoray Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo maanta lagu soo bandhigay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Buug laga qoray Allaha u naxariistee Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ka mid ahaa haldoorada Soomaaliyeed ee qeyb qaatay hirgelinta Afka Soomaaliga. 

Ciidamada NISA oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Shabaab

Ciidamada NISA ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab, kaddib howlgal maaliniamdii shalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho. 

Dil toogasho ah oo lagu xukumay Askari qof shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa dil toogasho ku xukuntau labo xidigle Xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kaasoo si bareer ah dil ugu geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii September sanadkii 2018, dilkaasi oo ka dhacay agagaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho. 

Shir loogaga hadlayo ka hortagga qaraxyada oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta magaaladda Muqdisho ka furay Shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka Hortagga Qaraxyada gacan ku sameyska ah. 

Madaxweyne Farmaajo iyo Antonio Guterres oo Qadka taleefoonka ku wadahadlay.

Afhayeenka labaad ee QM Farhan Haq, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, uu kalsooni buuxdo ku qabay Mr Haysom, uuna aad uga xunyahay go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku ceyriday.

Dowladda Soomaaliya : Wakiilka Qaramada Midoobey dalka loogama baahna

Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay deg deg uga jawaabeyso qoraal ka soo baxay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Ncholas Haysom dalka looga baahneyn

Muran u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ku saabsan Ansixinta Miisaaniyadda 2019

Iyadoo shalay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, ayaa waxaa soo baxaya muran u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka mid ahaa meel marinta Miisaaniyadda in Aqalka Sare qeyb ka noqdo. 

Sidee loo qoondeeyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019

Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Miisaaniyadda Dowladdu ku shaqeyn doonto sannad  2019-ka oo berri ka bilaabanaya, kuna dhammaan doona 31 December. 

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2019 ee Dowladda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka cusub ee DFS ee 2019.

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo si rasmi ah Muqdisho uga furmay

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magalada Muqdisho si rasmi ah uga furay shir-weynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo doortay Guddoon cusub (Akhriso)

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta doortay Guddoon cusub, kaddib markii laga saaray xubnihii Guddoonka guddigaas. 

Meel marinta Miisaaniyadda sanadka 2019 oo u xayiran is qabqabsiga ka jira Guddiga Maaliyadda

Muddo saddex todobaad ka badan ayay hakad ku jiraan kulamadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay jirto hubaal la’aan ku aadan meel marinta Miisaaniyadda sanadka 2019 oo ay dhowaan soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, una soo gudbiyeen Baarlamaanka, si uu kama dambeys u meel mariyo. 

Dil toogasho oo lagu fuliyay ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa sahminta goobaha la qarxiyo ee Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed, kaasoo loo heystay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada iyo sahminta goobaha dadka isugu yimaadaan. 

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho shaqaale ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya. 

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Wariye Cawil Daahir Salaad oo ku dhintay Qaraxyadii saakay ka dhacay Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax-yo is xig xigay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya

Qaraxan oo ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo iyo diyaar garowga doorashada Madaxweynaha

Qaban qaabo iyo diyaar garow xooggan ayaa loogu jira doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo, iyadoo ammaanka magaalada Baydhabo si aad ah loo adkeeyay. 

Maxaa ka soo baxay Kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa Kuxigeen

Guddi isku xilqaamay xalinta khilaafka Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in is afgarad laga gaaray kala aragti duwanaanti ka dhex jirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen. 

Inta badan Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo Ciidamo la soo dhoobay

Waxaa saaka xiran inta badan Waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo saaka dadka ku waabariisteen Ciidamo ku sugan waddooyinka oo meelo badan ka xiray. 

Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan ka soo saartay dacwad musuq musuq loo heystay Wasiir kuxigeen

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saartay dacwad loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud oo ahaa Wasiir kuxigeenkii Arrimaha Dibadda ee shaqo joojinta lagu sameeyay, kaasoo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. 

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka, isla markaana xarun u ahaa Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa kuxigeen oo shir albaabada u xiran u socda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad C/weli Muudey iyo Mahad Cawad ayaa xilligan kulan albaabada u xiran uga socda Hotelka Paradise ee ku dhegan Hotelka Jazeera. 

DEG DEG: C/fataax Geesey oo iska casilay xilkii Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya

C/fataax Ibraahim Geesey oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Wasiir, isagoo ku eedeeyay Xukuumadda inay Faragelin, caburin iyo afduub ku heyso Maamulka Koofur Galbeed. 

Guddoomiye Mursal “Mukhtaar Roobow Waa in xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo” (Shir jaraa’id)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu degan yahay ee lagu magacaabo  Hotel Shabeel oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii daayaan Musharaxa xiran Mukhtaar Roobow Cali. 

Guddoomiye Mursal “Wixii qalad ee ku saabsan qabashadii Mukhtaar Roobow waa lagula xisaabtamaya cida leh”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed. 

Wafdiga Madaxweynaha Eritrea oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Hotel ku yaalla Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay Casha sharaf ugu sameeyay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho Wafdiga Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo xalay ku hoyday magaalada. 

Goodax “Mooshinka Madaxweynaha waa siyaasadeysan yahay, waxaa laga leeyahay saddex hadaf “

Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeeysay aamusnaanta ka baxay, iyagoo qaarkood bilaabay inay ka hadlaan mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo 9-kii bishan December. 

Madaxweynaha Eritrea oo goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo la sheegay inuu ka guuray Madaxtooyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa la sheegay inuu ka guuray Madaxtooyada, kaddib xayiraad saarneyd afar cisho, tan iyo markii uu qabtay Mooshinkii xil ka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo. 

Akhriso: Guddoomiye Mursal oo markii u horeysay go’aan ka soo saaray mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay hadal  ka soo saaray Mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo. 

Madaxweyne Farmaajo oo boggaadiyay sharci uu ansixiyay Aqalka Sare

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku boggaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. 

Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo ku soo fool leh Muqdisho

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in madaxda  dalalka Ethiopia Abiy Axmed iyo Eritrea Efewerki inay imanayaan caasimada dalka ee Muqdisho. 

Xildhibaano baaq culus u diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Xildhibaanada Mooshinka xil ka qaadista ka keenay Madaxweyne Farmaajo oo ku shiray Xarunta Villa Hargeysa ayaa baaq culus soo saaray. 

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha

Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo si weyn loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddooyinkan ugu maqnaa dalka Turkiga. 

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo booqasho lama filaan ku yimid Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen Thomas D. Waldhauser ayaa booqasho lama filaan ah shalay ku yimid magaalada Muqdisho, inkastoo booqashadaas aheyd mid qarsoodi ah oo aan la shaacin. 

Hanti dhowrka Guud oo qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii musuqa ee Guddiga Maaliyadda

Hanti dhowraha guud  ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa qoraal jawaab ah ka soo saaray eedeyntii Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka Baarlamaanka uu u jeediyay Wasaaradda maaliyadda iyo Hey’addaha dowladda inay ku kaceen wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka ee sanadkan, isla markaana dhaqaale fara badan ay maqan yihiin. 

Ciidamo cusub oo loo diyaarinayo qorshaha sugida Amniga Caasimadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, halkaasoo tababar uga socda ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasoo loo diyaarinayo sugida amniga Muqdisho. 

Faah faahin ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax miino ayaa maanta duhurkii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo lala eegtay gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga Xerada Xalane kaga guddoomay Safiirka Mareykanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo isku raacay dib u eegista Miisaaniyada dowladda

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dalka ee 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.

Tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay ee Muqdisho oo korortay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 40 ruux, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo madax banaan. 

Kulan Sanadeedka Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sanadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019. 

Guddiga Joogtada Aqalka Sare oo maanta shaacinaya xilliga uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku mudeynayaan xilliga uu hor-imaanayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. 

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, waxaa shirkan ka qeyb galaya illaa 15 dal oo xubin ka ah Kooxdan. 

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geysaneysay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayay Suuqa Bakaaraha. 

Xukuumadda Soomaaliya Iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis ku kacaya €100 Milyan oo Euro

Xukuumadda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midowga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. 

Mid ka mid ah raggii ka dambeeyay qaraxii Isgoyska Zoobe oo saaka la toogtay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah waxay dil toogasho ku fulisay mid ka mid ah raggii wax ka abaabulay qaraxii ugu weynaa ka dhaca magaalada Muqdisho. 

Gaari lagu soo xirey waxyaalaha qarxa oo ku qarxay Muqdisho

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhaawacmay gelinkii dambe ee maanta kadib markii gaari yar oo waxyaalaha qarxa lagu soo xirey uu ku qarxay agagaarka koontaroolkii hore ee Afgooye. 

Machadka Heritage oo warbixin ka soo saaray Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa ee sababay inuu hakad galo wada shaqeyntii labada dhinac. 

Fanaanad xalay ku geeryootay Muqdisho.

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ku geeryootay Fannaanadda Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid aheyd Fannaaniinta Hoboladda Waabari.

Sawirro: Dhoolatuska iyo Bandhigga Daah Furka Xisbiga uu hoggaaminayo Xasan Sheekh

Munaasabadda Daah furka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) iyo caleema saarka Guddoomiyaha KMG ee Xisbigaas Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Hoolka Sahal ee agagaarka Isgoyska KM4. 

Xisbi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Muqdisho (Akhriso)

Xisbi la magac baxay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo, kaasoo uu hoggaamiye u noqon doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab. 

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay ku qabteen xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigay dib u dhiska Xarunta Wasaaradda Qorsheynta

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska iyo dayactirka dhismaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Soomaaliya. 

Dowlada Talyaaniga oo dib u dhiseysa Xarunta Maxkamada Sare ee dalka

Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in ay dib u dhis ku samaynayaan xarunta Maxkamadda sare ee dalka ee magaalada Muqdisho. kadib kulan maanta ay ka wada qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Safiirka Talyaaniga. 

Faahfaahino ka soo baxaya qarax lagu diley guddoomiye waaxeedka tirsan degmada Yaaqshiid

Waxaa soo baxaya faahfaahino qarax gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay magaalada Muqdisho gaari uu la socday masuul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Qorshaha Sugidda Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka, kuwaasoo kaashanaya laamaha ammaanka. 

Al-Shabaab oo madaafiic ku gaaracay saldhigga Milateri ee Turkiga

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar madaafiic inay ku qaadeen saldhiga Milateri ee Turkiga ku tababaraan Ciidamada Soomaaliya ee ku yaalla deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho. 

Qarax labaad oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Qarax labaad ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Daarta Sey Biyaano oo ku dhow Isgoyska Banaadir, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Faah Faahin: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Sayidka oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamada Madaxtooyada.

Waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maalintii saddexaad xiran

Waxaa maalintii saddexaad xiran Waddada ka baxda KM4 ee gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib iska horimaad habeennimadii Jimcaha ku dhaxmaray halkaa ciidamo ka kala tirsan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

11 ruux oo ka mid ahaa Tahriibayaashii ku dhibanaa Liibiya oo saaka laga soo dejiyay Muqdisho

11 ruux oo ka mid ahaa Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanayaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay shaqo joojin iyo Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo la xirayo

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin iyo in wixii hada ka dambeeya la xirayo Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaddib markii ay cabasho ka keenen canshuur ay dowladda ku soo rogtay. 

Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkii labaad baaqday (Akhriso)

Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha oo saaka dhici lahaa ayaa baaqday, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan dib u dhaca maanta ku yimid shirka oo ay ajandayaal dhowr ah looga hadli lahaa.

Shir looga hadlayo arrimaha socdaalka dalalka ku mideysan IGAD oo ka furmay Muqdisho

Shir wadatashi ah oo looga hadlayo arrimaha socdaalka bulshooyinka dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobey

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kala hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Shir Dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa dhawaan uu shir uga furmo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka kaa oo looga wada hadli doono arrimo dhowr ah.

DHAGEYSO: Cabdi Qeybdiid “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga waxaa la rabay in la igu khaarijiyo”

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Gole ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay kaga hadlay dhacdadii Ciidamo ka tirsan dowladda ku weerareen gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore 2017.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Hay'adda Socdaalka ee QM oo xafiis ka furatay Soomaaliya

Hay'adda Socdaalka ee QM ayaa sheegtay Jimcihii in ay xafiis ka furatay Dollow ee gobolka Gedo ee Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysa barakac ballaaran oo ay sababeen abaaro iyo amni daro.

Taliye ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan ciidanka Badda Soomaaliya ayaa maanta Dekeda Muqdisho ku dhex dilay Taliyihiisa oo lagu magacaabayay Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino). 

Taliye Boolis oo ka bad baaday qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Dayniile Macalin Faarax ayaa maanta barqadii ka bad baaday qarax miino oo gaari uu la socday lagu sigay, kaasoo ka dhacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada aabihiis oo goor dhow lagu diley Muqdisho

Waxaa goordhow lagu diley gurigiisa oo ku yiil degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho Cali Nuur oo ahaa aabaha guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

Daawo Sawirro: Madaxweynaha oo si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Maamulka Hawada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo markii u horeysay muddo 27 sano kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho. 

War deg deg ah-:Wariye Ka tirsan Telefishinka Kalsan oo u dhintay Qarax loogu xiray Gaari uu watay.

Alle ha u naxariistii waxaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Maxamed Ibaarhim Gaabow oo ka tirsan Shaqaalaha Telefishinka kalsan Xarunta magaalada Muqdisho kadib qarax loogu xiray Gaari uu watay sida ay KNN u shageyn Wariyiyaal kale oo ka tirsan Kalsan TV.

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada oo la qabtay

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad goboleedyada, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyo Guddiyo ay Wasaaradda Dhalinyarada u saartay howlaha Tartanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Jabuuti oo 1 malyan oo dollar ugu deeqday dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii Zobbe (Sawiro)

Dowlada Jabuuti ayaa ku wareejisay deeq lacageed oo gaareysa hal malyan oo dollar gudiga qaran ee gurmadka iyadoo lacagtaana ay tahay mid lagu gargaarayo dadkii waxyeeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Muqdisho 14kii Oktoobar ee sanadkan.

Wasiirka Qorsheynta oo baarlamaanka hortagay

Wasiirka Wasaarada qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal  Maxamed Xasan ayaa Maata hortagay Xildhibaanada golaha Shacabka.

DEG DEG: Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska

Shir aan caadi aheyn oo Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo gaar ahaan qaraxii shalay ay kooxaha argagaxisadu ka fuliyeen Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo goordhow Muqdisho ka furmaya

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta oo Sabti ah ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Tababarada Howl galka Midowga Yurub

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Taliyaha Tababarada howl galka Midowga Yurub ee Soomaaliua Addis Pietro.

Dibadbaxyo ka dhacay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybgallayaan dadweyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Muqdisho ayaa waqtigan ka soconaya magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo iclaamiyay banaanbax weyn oo berri ka dhici doona Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa iclaamiyay banaan bax weyn oo maalinta berri ka dhici doona Garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium.

Xildhibaanada Horusocod oo baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

Xildhibaanada ku bahoobay Kudlada Horusocod ayaa markii u horeysay baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya u jeediyay tallooyin kala duwan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo heshiis la saxiixday Hey’adda UNHCR

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta xarunta dowladda Hoose heshiis iskaashi kula saxiixday Wakiilka Hey’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya.

Meydka wiil ay soo tuftay Badda oo saaka lagu arkay Xeebaha Muqdisho

 Meydka Wiil yar oo aan qaan-gaarin ayaa saaka ay soo tuftay Badda, iyadoo lagu arkay Xeebaha Muqdisho.

Wasiirka Amniga oo soo bandhigay baaritaanka kiiskii Xamar weyne, Taliyeyaal iyo askar loo xiray

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo bandhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo watay gaari ay ku rasaaseeyeen gaari kale.

Saldhigga Milateriga ee Turkiga ka dhistay Muqdisho oo maanta xarigga laga jarayo

Saldhigga Milateri ee uu Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah xarigga looga jaro, iyadoo munaasabad lagu furayo saldhigga ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa dalka.

Shir looga hadlayo xasilinta dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho Sawirro

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmy shirka bilaha ee xasilinta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana shirkan daah furay oo shir guddoominayay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoomiyay shir looga hadlayay dib u eegista Dastuurka (Sawirro)

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista Arrimaha dastuurka dalka, kaasoo lagu wado in dhowaan loo soo bandhigo dadweynaha.

Guddoomiye Taabid oo ku guuleystay in la soo afjaro banaanbaxa bajaajleyda (Sawiro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta goob ay isugu soo bax darawaliinta bajaajta magaalada Muqdisho kula hadlay una muujiyey inuu garab taagan yahay dhallintaasi.

Imisa qof ayaa ku geeryootay saddexdii Qarax ee bishan June ka dhacay Muqdisho?

 Saddex Qarax ayaa sagaal maalmood gudahooda ka dhacay magaalladda Muqdishu, oo intooda badan ay ku dhinteen dad shacab ah.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay la kulmay Wafdiga Ahlusuna

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir iyo Wafdigiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Koox hubeysan oo caawa dilay sarkaal ka tirsan ciidanka Canshuurta qaada ee Minashiibiyada

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Canshuurta qaada ee loo yaqaano minashiibiyada, ayaa caawa lagu dilay degmadda, Dharkenleey, kadib markii gaarigiisa lagu hor gooyay gaari kale, kadibna rasaas lagu furay.

Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho oo maalintii labaad galay (Sawirro)

Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa maalintii labaad galay, iyadoo qorayaasha martida ku ahaa bandhigan ay dadweynaha la wadaageen waxyaabaha ku kalifay buugaagta ay qoreen iyo waxa uu xambaarsan yahay.

Qarax xoogan oo ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba oo ah meel aad u mashquulsan iyadoo qaraxana uu ahaa qarax ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay. 
Valid XHTML 1.0 Valid CSS