Tag: Kulan

Madaxweynaha oo la kulmay Guddiga Bad-baadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga Bad-baadinta iyo samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray howlo loogu gurmayo dadka ka soo cararaya colaadaha Yemen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo xilligan ka qeyb galaya shir ka socda Garoonka diyaaradaha (Sawirro)

Shir looga hadlayo arrimaha New Deal ayaa xilligan ka socda hoolka shirarka ee garoonka diyaaradaha, iyadoo shirkan uu gogol xaar u yahay shirka ka dhici doona dhowaan magaalada Copenhagen ee dalka denmark.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabbaan kula kulmay xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Yokohama xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, iyagoo kawada hadlay xafiiska cusub ee ay Qaramada ay ka furayso Muqdisho, ergayga cusub Nicholas Kay oo imaan doona Muqdisho, arrimaha ammaanka iyo sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis dhinaca ciidamada ah wada gaaray (Sawirro)

Dowladda Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca ciidamada, kaasoo dowladda Sudan uga qeyb qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda.

Rw Saacid oo qaabilay wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayo wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maxamed Saalax Anaadif iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee Amisom.

Midowga Yurub iyo Puntland oo wada hadlay

Agaasimaha iskaashiga iyo horumarinta midowga Yurub u qaabilsanFrancesco Mosca, ayaa magaalada Garoowe maanta kulan kula qaadatay madax ka tirsan maamulka Puntland, kuwaas oo ka arrinsaday arrimaha deegaannada Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Burundi oo Soomaaliya u ballan qaadday inay ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya

Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay xoojinayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayna sii joogayaan inta looga soo Soomaaliya oo dhan laga nabadeynayo, kaddib kulan xarunta dalkaas ee Bujumbura ku dhexmaray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Kenya ee Kenyatta (Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay aqalka madaxtooyada Kenya kula kulmay madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa cusub William Ruto.

Wasiiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay danjiraha Libya ee Soomaaliya

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga. Jamaal Moxamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya Danjire Daahir Saciid Cabdijaliil Dacluub oo ay ka wada –hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadankaasi .

Danjire Ameeriko oo la kulmay madaxweynaha dooran ee Kenya, Kenyatta

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa maanta ku booqday xafiiskiisa madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay danjire Annadif

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta (Talaado) magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif.

Wafdi ka socda dalka Masar oo Muqdisho booqday

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibbadda dalka Masar Maxamed Kamaal Caamir , ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay amiirka Qadar (Video)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Qadar ayaa maanta kulan la qaatay Boqorka Dalka Qadar iyadoo kulankaasina ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Qadar ay uga qeybqaadan lahey dib u dhiska Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Britain oo kulmay

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada London ee dalka Ingriiska kula kulmay maanta raysal wasaaraha dalkaasi Britain David Camerion.

Raysal wasaare Saacid, oo agaasimayaasha wasaaradaha la kulmay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda, isaga oo kala hadlay sidii loo dardargeli lahaa howlaha Dowladda iyo sidii isbedel cusub oo deg deg ah kuna dhisan Horumar loo sameyn lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Brussels kula kulmay madax midowga Yurub ka mid ah

Madaxweynaha Jamhurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Brussels  ee xarrunta dalka Belgium kula kulmay madaxweynaha golaha midowga Yurub ee Herman Van Rompuy.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shirka madaxda dalalka Midowga Afrika ee Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda dalalka midowga Afrika ee Addis Ababa ka dhacay dhawaantan.

Xukuumadda oo ka doodday qorshaha dib-u xasilinta dalka

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya ayaa shalay isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana shirka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ugu horeysay qorshaha dib-u-xasilinta dalka, Dhismaha maamulada gobolada iyo dagmooyinka, dhulka iyo hantida Dowladda ee lahaysto.

Xukuummadda oo ka dooddey in barakacayaasha deggan Muqdisho loo raro meelo kale

Moqdisho, 11, Jan, 2013…Shirr ay xalay  isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin , Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.

Xukuumadda oo ka doodday amniga iyo dhismaha waddooyinka gala dalalka dariska ah

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda maaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha  Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiggiisa Sudan la kulmay, lana hadlay ardada Soomaaliyeed ee Sudan wax ku barta

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Khartoum ee xarrunta dalka Sudan kula kulmay dhiggiisa Cumar Xasan Al-Bashiir shalay.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka arrinsaday arrimo badan

Dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, ayaa ka wada arrinsaday xaaladaha dalka Soomaaliya iyo isbadalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay waddanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Nayroobi kula kulmay dhiggiisa Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka Kiinya, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Kiinya Kibaki.

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha India u jooga Kenya oo Muqdisho maanta tagay

WAR-SAXAAFADEED__Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Kenya oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulan looga hadlaayay dhowridda deegaanka oo Burco lagu qabtay

Kulan lagaga hadlaayay dhowridda iyo ilaalinta deegaanka, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Burco ee xarrunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Xasan Sheekh"Ma soo noqon doonaan isbaarooyinka, ciidamadana waa la xareynaya"

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u sheegay dadka wali ku haminaaya inay dib u soo noqdaan isbaarooyinkii Muqdisho inay taasi maskaxdooda ka saaraan, oo ay ka fakaaraan wax kale oo ka wanaagsan jidgooyo meel la dhigto.

Raysal wasaare Gaas oo madax kala gaddisan NY kula kulmay

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xarunta QM ee magaalada New York kulamo kula qaatatay madax kala duwan oo ka qayb galaysa kulanka sanad laha ah,  waxaana madaxdaas ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Xooghayaha Guud ee QM Ban-ki-Moon, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, Ra’iiusl wasaaraha Australiya Julia Gillard, iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu.

Baarlamaanka Soomaaliya oo kulmay

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey yeeshay tan iyo markii ay u doorteen 2 toddobaad ka hor madaxweynaha jamhuurriyadda Soomaaliya in uu noqdo Md. Xasan Sheekh Maxamuud.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS