Tag: Kismaayo

Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom oo uu wehliyay Wakiilka Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubadda Hoose. 

Taliyaha Xoogga dalka Jen. Indha Qarshe oo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubadda Hoose, iyadoo si diirran loo soo dhoweeyay. 

Mareykanka oo sheegtay in 18 Al-Shabaab ku dileen duqeyn ka dhacday duleedka Kismaayo

Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dudeedka magaalada Kismaayo. 

Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Gorod oo gaaray magaalada Kismaayo

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland. 

Mukhtaar Roobow oo galabta gaaray magaalada Kismaayo

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Qarax loo adeegsaday Gaari oo galabta ka dhacay Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay goob lagu qaxweeyo.

Shirka Golaha Wasiirada oo go’aamo muhiim ah laga soo saaray

Kismayo, 13 July 2017 – Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweynaha Jubbaland, lagana soo saaray awaamiir dhanka amniga ah, laguna ansixiyey Sharciyada Waxbarashada Guud ee dalka iyo kan Saxaafada.

Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray dufcadii 1aad ee Ciidamada Qaranka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray Ciidamo katirsan Xooga Dalka qaybta 43 ee Magaalada Kismaayo. 

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo booqday xeryaha AMISOM ee Jubaland

Saraakiil ka socday Midowga Yurub ayaa boqday Xeryaha Ciidanka AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubaland.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Badhaadhe

Ciidamada Jubaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo ka tirsan kuwa Mareeykanka ee ku sugan gobollada Jubooyinka ayaa saaka aroortii gacanta ku dhigay degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, kadib weerar qorsheeysan oo ay degmadaasi ku qaadeen.

Ciidamada Jubaland oo howlgallo ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose

Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgallo ciidan ka bilaabay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Ciidamada Jubaland oo howlgallo ka bilaabay deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose

Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgallo ciidan ka bilaabay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Musharax C/qaadir Cosoble oo ka mid noqday Musharaxiinta iska xaadiriyay Kismaayo

Musharaxa Madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo aheyd maalmihii la soo dhaafay tagayeen Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland oo hakad la geliyay, kaddib ku shubasho laga cabsi qabo

Doorashada dhowr kursi oo laga soo dooranayay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa hakad la geliyay, kaddib markii uu is qab qabsi ka dhashay ergooyinka qaar, iyadoo Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed uu ku lug yeeshay isku day ku shubasho kuraasta qaar.

Al-Shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad Drone ku dhacday duleedka Kismaayo

Al-Shabaab ayaa baahisay inay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone bilaa duuliye ah, kaasoo ay ku xiran yihiin Kaamirooyin wax duuba.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo Kismaayo ku kulmay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa maanta shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay magaalada Kismaayo, iyagoo uga hadlay arrimo dhowr ah, kadib kulan ay wada yeesheen.

Doon ay wateen badmaaxiin u dhalatay jasiirada Comoros oo ku soo caarisay Kismaayo(Sawiro)

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in doon ay saarnaayeen badmaaxiin ka soo jeeda jasiirada Comoros in ay ku soo caarisay xeebta Jasiira.

Midowga Yurub oo ka hirgelinaya xarun waxbarasho oo casri ah magaalada Kismaayo(Sawiro)

 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dhagax dhigey xarun waxbarasho oo casri ah kaasoo uu maalgelinayo Uruka Midowga Yurub.

Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo oo soo gaba gaboobay

Shirkii Madasha wada tashiga qaran ee Kismaayo ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016, iyadoo Madaxda Soomaalida ee shirka ka qeyb galayay ay isku afgarteen qodobadii la isku hayay.

Shirkii Kismaayo oo aan wali is-afgarad lagu gaarin iyo Madaxda oo lagu wado in maanta ka soo tagaan

Shirkii Madasha wada tashiga qaran ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada KIsmaayo ayaa soo xirmay, iyadoo Madaxdii Soomaalida ku gaarin is af-garad, kadib markii labadii cisho ee u dambeysay lahaayeen kulamo wada tashi ah oo looga hadlayay nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Shirka madasha wada tashiga Qaran oo saaka ka furmaya Kismaayo

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee geeddi socodka hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ayaa goor dhow la filayaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo, iyadoo shirkan afartii maalmood ee la soo dhaafay uu dib u dhac ku imaanayay.

Deg Deg:- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,halkaa oo lagu wado inuu ka furmo Shirka Madasha Qaran ee lagu Go’aaminayo  Nuuca Doorasho ee Soomaaliya ka dhaceysa Sanadkaan 2016.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dulaan ku ah Jubbada Dhexe

Talafishinka qaranka Ethiopia ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom oo ku sugan magaalada Kismaayo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,waxana ay ka wada hadleen diyaar garowga ugu dambeeya ee lagu doonayo in Xarakada Al-shabab looga saaro degaanada wali ay kaga harsan tahay Koonfurta Soomaaliya oo ay ugu horeeyso Jubbada dhexe.

Wafuud kala duwan oo ku qul qulaya magaalada Jowhar

Wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin, ergooyin ayaa ku qul qulaya magaalada Jowhar, iyadoo ay socoto qaban qaabada shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo gaaray Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo shirka wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ka dhacaya dalka.

Shirkii Magaalada Kismaayo ka Furmi lahaa oo dib u dhacay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu dib u dhacay Shirkii 10-ka Bishaan ka furmi lahaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee lagu Go’aamin lahaa Aayaha Soomaaliya 2016.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la geeyay magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, kuwaasoo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone oo horaantii sanadkan ka baxay Soomaaliya.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta barqadii uu dagaal ka bilowday agagaarka deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 30-KM u jira Kismaayo, halkaasoo fariisin u ah Ciidamo milateri.

siyaasiyiintii shalay gaaray Kismaayo oo ka warbixiyay u jeedka halkaas ay u tageen

Xilli shalay ay  gaareen Magaalada Kismaayo siyaasiyiin Ciidamada Ethiopia ay horay uga Masaafuriyeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa siyaasiyiintaas waxa ay uga warbixiyeen Warbaahinta safarkooda Kismaayo.

Xukuumadda iyo Maamulka Jubba oo isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo dhismaha Baarlamaanka Jubba

Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ayaa isku afgartay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka dhismha Baarlamaanka Jubbaland, kadib markii cabasho badan ay ka dhasheen habkii loo maray soo xulista Baarlamaanka.

Tirada ku dhimatay weerarkii Kismaayo oo korortay iyo dhaawacyo Muqdisho loo qaaday

Tirada ku dhimatay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa korortay, iyadoo dhaawacyada dadkii liitay ee weerarkaas ka dhashay loo qaaday magaalada Muqdisho.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo saaka ka dhaceysa magaalada Kismaayo

Waxaa goor dhow lagu wadaa in xarunta Caymiska magaalada Kismaayo ka bilaabato doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, iyadoo afar musharax ay ku tartamayaan doorashadaas.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya oo gaaray magaalada Kismaayo

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya Tedros Adhanom iyo Amina Mohamed ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Puntland ay ka socoto.

Diyaar garow ku aadan soo xulida Baarlamaan uu yeesho Maamulka Jubba oo ka socda Kismaayo

Diyaar garow ku aadan soo xulida Baarlamaan uu yeesho maamulka Jubbaland ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay ku qul qulayaan xubno ka kala socda wakiilada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya, wafdi ka socda dowladda, odayaal dhaqameedyo iyo salaadiin.

M/weyne Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Kismaayo tagay

Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ammaanka Kismaayo oo rag iyo dumar ku soo qabtay bambooyin iyo waxyaabaha qarxa

Wararka ka imaanaya magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo ayaa sheegaya in howl galo ciidamada ammaanka ka sameeyeen ay ku soo qabteen rag iyo dumar sitay waxyaabaha qarxa, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

XASAN SHEEKH: “Dowladdu waxay xoogga saaraysaa dhismaha maamullada”

 Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo furay wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dhismaha maamul goboleedyada dalka.

COL. BARRE HIIRAALE: oo aqbalay ka qeeb galka shirka Kismaayo.

Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ay shalay kula kulmay deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo wafdi ka socday dowladda Somalia iyo urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu tagayo Kismaayo, uuna ka qaybgalayo shir dib u heshiisiin ah kaga qaybgalayo.

Qaraxyo Siyaabo kala Duwan Xalay uga Dhacay Xaafado ka Tirsan Kismaayo

Qaraxyo kala duwan ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxyadani ahaayeen kuwo aad u xooggan islamarkaana laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Saddex qof oo ku dhaawacantay weerar ka dhacay Kismaayo

Saddex qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay xalay saqdii dhexe maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ku qaaday xarun ciidanka nabad sugidda ee maamulka KMG ah ee Jubba ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba oo dib kaga soo laabtay deegaano ay ALshabaab kala wareegeen, duuleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka KMG ee Jubba ay dib kaga soo laabteen deegaanka Cabdalla Biroole oo duuleedka magaalada ku yaalla.

Daawo Sawirada Sida loo qalabeeyay Ciidamo Xoog badan oo loo tababaray Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe

Waxaa Shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose tababar mudo socday loogu soo xiray Boqolaal askari oo loo tababaray Maamulka KMG ee Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Ugaas Cumar Xiireey oo sheegay in la xalliyay dagaalkii ka dhacay Kismaayo

Ugaas Cumar Xiireey oo ah afhayeenka odoyaasha dhaqanka Jubbooyinka isla markaana qeyb ka ahaa wada-hadallo lagu xallinayay shaqaaqo dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shaqaaqadaas xal laga gaaray.

Kismaayo:Taliyaha ciidanka Sierra Leone oo tegay Kismaayo

Taliyaha ciidamada qalabka-sida ee dalka Sierra Leone, sarreeye-guuto Samuel Omar Williams ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo 48-saac ee la soo dhaafay ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo inay ku lugleeyihiin falalka amni darro ee magaalada ka jirta.

Howlgallo tiro dad ah lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay magaalada Kismaayo

Ciidamada Ammaanka oo howlgallo 48-saac ee la soo dhaafay ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo inay ku lugleeyihiin falalka amni darro ee magaalada ka jirta.

R/wasaare C/weli Oo La Filayo Inuu Xarigga Ka Jaro Garoonka Cusub Ee Kubadda Cagta Kismaayo

R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa sii wada kulamo uu la qaadanayo qeybaha bulshada,  isagoo kormeeray xarumaha dowladda ee magaaladaasi.

Xaalada magaalada Kismaayo iyo Socdaalka Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Waxaa manta maalintii labaad ku sugan magaalada kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose Wafdi uu hogaaminaayo Raiisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Axmed oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano.

Jan. Darwiish: "Ammaanka Kismaayo wuxuu la mid yahay kan dalka oo dhan ka jira"

Jan. Maxamed Warsame Darwiish oo ah Wasiirka amniga maamulka KMG ah ee Jubaland ayaa ka hadlay xaaladda nabadgelyo xumo ee maalmahaan ka taagan magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in tan iyo markii la asaasay maamulka Jubaland ay soo hagaageyso nabadgelyada guud ahaan gobolada maamulku uu taliyo.

Weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday Jaamacadda Kismaayo

Dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM oo ka baxaya Kismaayo

Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la xaqiijiyay inay ka baxaan magaalada Kismaayo ee xarunt gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay 2012 ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada Maamulka Juba oo howl-galo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Kismaayo.

Ciidamada maamulka kumeelgaarka Juba ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen ugu yaraan 20 qof oo ay uga shakiyeen iney ka tirsan yihiin xarakada Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Dagaallada Kismaayo oo sii xoogeystay iyo qasaare soo gaaray dadka Shacabka ah

Waxaa magaalada Kismaayo kasoconayaa dagaaladii ugu xoogaaa ee xilliyadaan dambe ka dhaca Jubboyinka kuwaas oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya maamulka Kismaayo

Wasiirka gaashaandhiga oo ka hadlay arrinta Kismaayo

Wasaaradda difaaca ee dowladdaSoomaaliya ayaa ka war bixisay ujeeddada ay u tageen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Raaskaambooni oo diiddan in wafdiga dowladda ay Kismaayo gudaha u galaan

Waxaa maalintii sedexaad garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku xayiran wafdi ka kooban wasiirro iyo saraakiil ciidan oo ay dowladda Soomaaliya usoo dirtay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay in khilaafka Kismaayo ay ka faa'ideysato Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirkii Madaxweynayaasha IGAD oo xalay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay arrinta Kismaayo.

Wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaare Saacid oo Kismaayo gaaray

Wararka ay Sagal Radio ka heleyso Kismaayo, ayaa sheegaya in barkhadii maanta uu halkaasi gaaray raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaraha.

Howl-gallo lagu soo xirey dad laga shakisan yahay oo Kismaayo laga sameeyay

Ciidamada dowlada Federaal-ka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ay saaka ka sameeyeen magaalada Kismaayo waxay ku qabqabteen 50 qof oo lala xariirinayo inay ka tirsan yihiin maleeshiyada al-Shabaab iyo hub noocyo kala duwan leh.

Guddoomiyihii maxkamadda ciidamada ee Kismaayo oo is-rasaaseyn ku dhintay

Guddoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee degmada Kismaayo, ayaa ku dhintay shalay galinkii dambe is rasaaseyn dhex martay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda, oo isku rasaaseeyay gudaha Kismaayo.

Saacid "Kismaayo waxaannu ka shaqeyneynaa nabad-galyadeeda iyo horrumarkeeda"

Raysal wasaaraha Soomaaliya Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay qorshayaal lagu xasilinaayo Kismayao diyaarisay, ayna dhawaan Kismaayo gaari doonaan wafdi ka socda xukuumaddiisa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS