Tag: Kenya

Uhuru Kenyatta; ”Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajaaniib ah”

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.

Doorashada ku celiska ee Kenya oo berri dhaceysa iyo go’aankii Maxkamadda oo dib u dhacay

Doorashada ku celiska ee Madaxweynaha Kenya ayaa berri dhici doonta, iyadoo go’aan la filayay inay soo saaraan Maxkamadda sare ee dalka Kenya oo ahaa in doorashada berri dhici doonto iyo in kale uu dib u dhac ku yimid, kaddib markii tiro ku filan oo Garsoorayaashii go’aanka gaari lahaa ay soo xaadir waayeen.

Kenya oo sheegtay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dishay keymaha boni

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in howl gal ay ka sameeyeen keymaha Boni ee gudaha Kenya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Uhuru Kenyatta oo sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda sare ee Kenya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dib doorashadiisii bishii August waxba kama jiraan laga soo qaaday ayaa ka hadlay go’aanka Maxkamadda sare, isagoo sheegay inuu ixtiraamayo.

Al-Shabaab oo afduubatay Gaari loogu ololeynayay Xisbiga Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Gaari ay la socdeen Koox ka mid aheyd Guddiga ololaha doorashada Xisbiga Jubilee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu qafaashay magaalada Mandhera ee Gobolka waqooyi bari Kenya.

Musharax Doorashada dalka Kenya oo loo haysto dambi ah inuu doonayay inuu isdilo

Mid kamid ah Musharaxiinta doonaysay inay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maanta maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay inuu doonayay inuu isdilo kadib markii uu ku guuldareystey inuu soo buuxiyo shuruudaha uu ugaga mid noqon lahaa musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.

Uhuru “Ciidanka Kenya way joogayaan Somalia ilaa Kenya ay ka noqoneyso meel amni ah”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay u dhameystiraan ujeedka ay markii hore u soo galeen oo ah xaqiijinta ammaanka Kenya.

Sawirro: Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

 Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay

Kenya iyo QM oo ka wada hadlay xaalada amniga iyo abaarta ka jirta Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Nairobi ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo xasilinta nabadda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Guterres oo booqasho ku tegeya dalka Kenya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah booqasho ku tago magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi isagoo kala hadli doona hogaamiyaasha geeska Afrika arrimaha gobolka gaar ahaan abaaraha ka jira Soomaaliya iyo Koofurta Sudan.

Kenya oo sheegtay in 57 dagaalyahan ka dishay Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in illaa 57 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen weerar qorsheysan oo shalay ka dhacay Jubadda Hoose.

Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Joojisey Go’aankii Lagu Xirayey Xeryaha Dhadhaaab

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku dhowaaqday iney joojisey go’aankii horey ee dowladda dalkaasi ku xireysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Kenya oo qarka u saaran Inay Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Xisbiga Democrat-ga ah ee Kenya ayaa waxaa uu doonayaaa in Ciidamadda Kenya laga Soo saaro Soomaaliya taas Badelkeedaana la geeyo Meelo ay ka IlaaliyaanDalka Kenya.

Kenya oo ka cabsi qabta in dowladda Soomaaliya mar kale joojiso Qaadka

Iyadoo saddexd bilood ay ka soo wareegatay heshiiskii dhex maray Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay fasixidii Qaadkii oo dowladda Soomaaliya todobaadyo xayiraad gelisay ayaa waxaa muuqata in heshiiskaas aanu wali dhanka dowladda Kenya ka hirgelin.

Kenya: Darbiga xadka Somaliya 75 cisho ayaa lagu dhameystirayaa

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay si deg deg ah u dhameystiri doonto derbiga ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya , si looga baaqsado weerarada ay geysanayaan Xarakada Al-Shabaab.

Kenya oo markii ugu horreeysay shaacisay tirada ciidankii kaga dhintay Ceel Cadde

Dowladda Kenya ayaa shaacisay tirade Ciidankii kaga dhintay Weerarkii Ceel Cadde oo ay Al-shabaab ka geysteen Billowgii Sanadkan.

Koox hubeysan oo weerar iyo qaraxyo ka geysatay magaalada Mandhera ee dalka Kenya

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyootay tiro aan la shaacina waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay koox hubeysan xalay weerar ku qaadeen mid kamid ah xaafadaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo booqday qeybo ka tirsan xaafada Islii (Masawiro ayaa kujira)

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa xalay fiidkii hore soo booqday xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Islii ee caasimada Nairobi Kenya.

Hay’adda Human Rights Watch oo ku eedeysay dowlada Kenya xadgudub bani’aadanimo

Warbixin ay soo saartay maanta hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dalka Kenya ay mas’uul ka ahaayeen weynta dad gaaraya 34 ruux oo ku noolaa gobolada Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kenya oo sheegtay inay dishay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Booliska Kenya ayaa Isniintii ka hor-tagay weerar argagixiso, iyagoo dilay mid ka mid ah kooxo qorsheynayay weeraro inay ka geystaan magaalada Kwale.

Booliska Kenya oo ka digay weeraro Al-Shabaab ka geystaan saddex magaalo

Booliska Kenya ayaa soo saaray digniin cusub oo ku aadan weeraro argagixiso ay qorsheynayaan in Al-Shabaab ka geystaan magaalooyinka ku yaal dalkaas.

WAR-MURTIYEEDKII: Shirkii Madaxda Somalia iyo Kenya ku Dhex-maray Magaalada Nairobi

War-murtiyeed, ayaa laga soo saaray maanta kulan ay ku lahaayeen Maalmahan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya Madaxda Somalia iyo Kenya, oo ay kala Hoggaaminayeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo Dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

War murtiyeed laga soo saarayo wada hadalada u socda Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta mar kale ku kulmaya xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi, iyadoo kulankooda maanta laga soo saari doono war murtiyeed ku saabsan wada hadaladooda iyo wixii ay isla gaareen.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kulmaya

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Talaado ah ku kulmaya magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, iyagoo ka wada hadlaya arrinta Qaxootiga. 

Kenya oo Al-Shabaab darteed ku weysay dhuun shidaal la marin lahaa dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa ku guuldareysatay in dalkeeda la marsiiyo dhuun shidaal ah oo ka timaada magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, si loo dhoofiyo, iyadoo Madaxweynayaasha dalalka bariga Afrika ay heshiis ku gaareen inay sameystaan dhuun shidaalka qaada.

Kenya: Dhalinyaro Looga Shakisanaa Argagixisonimo oo La Xiray

2 dhalinyaro ah oo kasoo jeedda xaafadda isku raranta ah ee Kibra ee magaalada Nairobi oo ku jiray liiska dadka dambiileyaasha ah ee ay booliska sida weyn u doon doonayeen ayaa isasoo dhiibay iyagoo sidoo kalena gacanta laamaha ammaanka soo galiyay hub ay isticmaalayeen. 

Faah faahin: Sababihii Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha loogu xayiray Jomo Kenyatta Air Port

Faah faahin ayaa ka soo baxaya sababihii wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Air Port ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay uga sii gudbayeen dalka Turkiga.

Kenya oo sheegtay inay dishay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada

 Milateriga Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Kenya oo soo iibsatay gawaari gaashaaman (Sawirro)

Dowladda Kenya ayaa soo iibsatay gawaari gaashaaman oo ay ku howl geli doonaan Ciidamadeeda, si ay u sugaan ammaanka gudaha dalkeeda iyo xuduuda, iyadoo munaasabad lagu soo bandhigayay gawaaridaas uu ka qeyb galay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Dowlada Kenya oo ciidamo xoojin ah soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lixaad leh oo ah ciidamada Milatariga Kenya ay gudaha u soo galeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo iyagoo ka soo gudbay xadka labada dal.

Ciidamada Kenya oo weli baadigoobaya askar lagu waayay weerarkii Ceelcadde

Ciidamada Kenya ayaa duqeyn xoog leh oo ka imanaya diyaarado iyo madaafiicda dhulka waxa ay weli ka wadaan deegaanada ku dhowdhow tuulada Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Kenya oo bilowday howlgal Cir iyo Dhul ay ku baadigoobeyso askarta ka maqan

Dowladda Kenya ayaa bilowday howl gal ballaaran oo ay ku baadigoobeyso askar uga luntay weerarkii jimcihii la soo dhaafay Al-Shabaab ku qaaday saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

Kooxo Hubeysan oo Dil iyo Dhaawac u Geystay Rakaab isaga Gooshayay Nairobi iyo Mandheera

Ugu yaraan laba ruux oo rakaab ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii kooxo hubeysan ay ku qaadeen weerar saaka oo Isniin ah bas isaga gooshayay Magaalada Nairobi iyo degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya.

Kenya oo soo bandhigtay sawirada iyo magacyada 11-ruux oo weeraro qorshe

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baahiyay magacyada iyo sawirada 11 ruux oo aad loo doon doonayo, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dambiilayaal yihiin, ayna maleegayaan weeraro argagixiso.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Weerar ay ka geysteen Lamu-Kenya ku dilay darawal iyo kaaliyihiisii

Ugu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay inay dileen xoogaga Al-shabaab, kaddib markii ay weerar gaadmo ah la beegsadeen gaari kuwa xamuulka ah oo marayay deegaanka Mkunumbi oo qiyaastii 10-m u jirta Mpeketoni oo ka tirsan Lamu oo ka tirsan dalka Kenya.

Daawo Sawirro: Booqashda Wafdigii dowladda ay ku tageen xuduuda iyo wixii ay ku soo arkeen

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo kormeeray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Madaxweynaha Kenya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta aqalka Madaxtooyada ee Harambii House ee magaalada Nairobi.

Ciidamada Kenya oo sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku dileen deegaanka Yoontoy

Ciidamada Kenya ayaa sheegtay in ay weerar ku qaaday deegaanka Yoontoy ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay 15 ka mid ah dagaalyahanada ururka Alshabaab ayna burburiyeen 2 doon. Afhayeenka ciidamada Kenya Col David Obonyo ayaa sheegay in subaxnimadii Axada ay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo doonayay inay ka soo gudbaan wabiga Jubba.

Mid ka mid ah macalimiinta xeryaha qaxootiga dalka Kenya oo la afduubtay

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegay in dabley hubeysan ay ka afduubteen Xerada qaxooriga ee Xagardheer oo ku taal Dhadhaab, iyadoo lagu tuhunsan yahay in dadka afduubtay ay ahaayeen Alshabaab.

Shaqo joojinta Macalimiinta Kenya oo muddo bil gashay

Shaqo joojinta Macalimiinta kenya ayaa gashay muddo bil ah, iyadoo Maxkamada sare ee dalka Kenya ay amar ku bixisay inay soo afjaraan shaqo joojinta.

Kenya oo dooneysa in Amina Mohamed ay noqoto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Xukuumada Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii Wasiirka Arrimaha Dibada Amina Mohammed ay u noqon lahaye haweeneydii ugu horeysay ee noqoto Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kadib markii ay dhamaato mudada uu xilka hayo Ban Ki-Moon oo ku eg dhamaadka sanadka 2016.

Kenya oo Mombasa ka raadineysa Sargaal Al-shabaab ah

Taliyaha waaxda Dambi Baarista Magaalada Mombasa ee wadanka Kenya Henry Ondiek ayaa xaqiijiyay in 30 katirsan saraakiisha booliska dalkaasi iyo kooxda booliska iyana katirsan ee ladagaalanka argagixisada ay weerar ku qaadeenj guri uu daganyahay nin layiraahdo Fariid Cumar Cawad ,oo looga shaki qabo inuu katirsan yahay saraakiisha Al-shabab.

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in la qaadayo xayiraada saaran Xawaaladaha Soomaalida

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la qaadayo xayiraada saaran shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee ka howl gala dalkaas, kadib markii horay Hey’addaha Ammaanka Kenya ay xanibaad ugu soo rogeen.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo markii u horeysay mooshin ka keenay Darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda

Iyadoo dhowaan Xukuumadda Soomaaliya walaac xoogan ka muujisay darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xuduuda ay Soomaaliya la wadaago ayaa markii u horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka waxay ka keeneen mooshin ka dhan ah darbigaas, kaasoo lagu wado in looga doodo kulanka soo socda ee Baarlamaanka.

Shan ruux oo loo Maxkamadeynayo weerarkii Jaamacadda Gaarisa

 Ilaa shan ruux ayaa Maxkamad ku taal magaalada Nairobi la soo taagay, kuwaasoo loo heysto eedeymo la xiriira inay ku lug lahaayeen weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday bishii April.

Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagayo Xuska Madaraka ee Daaqiliga dalka Kenya

 Wadanka Kenya ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa munaasabada  Maalintii Kenya ay heshey Xukunkeedii Daakhiliga ahaa, ee ay ugu diyaar-garoobeysay Xorriyadeeda rasmiga aheyd.

Booliska Kenya oo sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Al-Shabaab ka taageerayay dhaqaalaha

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca dhaqaalaha iyo qorista dhalinyara ku soo biiraya.

Madaxweynaha Kenya oo sheegay in aan si qasab ah dib loogu celinayn qaxootiga Soomaalida

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aan si qasab ah dib loogu celin doonin qaxootiga Soomaalid ah ee ku nool dalka Kenya.

Sirdoonka Kenya oo sheegay in ay qabteen qof qorsheynayay in uu weeraro Baarlamaanka Kenya

Dowlada Kenya ayaa su’aalo weydiinaysa mid ka mid ah shaqaalaha xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya iyadoo loo haysto abaabulida weeraro lagu qaadi lahaa xarunta Baarlamaanka Kenya ee Nairobi sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Kenya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Xukuumadda Kenya oo Sheegtay in aysan Ciidamadeeda kala bixi doonin Soomaaliya

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inaysan marnaba kala baxayn ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay Al-shabaab dhawaan ka dalbatay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo gudaha Somalia.

Kenya oo 3 bilood ah u qabatay Qaramada Midoobay inay ugaga rarto xeryaha qaxootiga Soomaalida

Dowlada Kenya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay muddo saddex bilood ah ugaga rarto xeryaha qaxootiga ee ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin iyadoo ugaga jawaabaysa weerarkii dabley hubeysan ay ku galeen jaamacada Garissa.

Kenya”Weerarkii Jaamacada Gaarissa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamo Soomaali ah”

Saraakiisha amaanka magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa tuhun-galinaya in ciidamo Soomaali ah oo tababar kusoo qaatay dalka Kenya in ay ku lugleeyihiin weerarada Xarakada Al-Shabab ay kageystaan dalkaasi.

Xaalada magaalada Gaarisa oo saaka degan, kadib weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee Jaamacadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la soo afjaray howl galkii Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo shalay subixii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab gudaha u galay, kadibna ku dilay dad badan oo isugu jiray arday, macalimiin iyo dad kale oo shaqaale ka ahaa jaamacadan.

Baarlamaanka Kenya oo aqbalay danjire ay Kenya u soo magacowday Somalia

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ogolaaday danijre ay dowladda Kenya u soo magacowday Somalia, kaasoo lagu magacaabo, Lucas Tumbo, safiirkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo Kenya ay u soo magacowdo tan iyo markii ay Somalia burburka gashay.

Xildhibaan ka Tirsan Baarlmaaanka Dalka Kenya oo Lagu Dhaawacay Nairobi

Xildhibaanka laga soo doorto Nyatike, Edick Anyanga ayaa waxay kooxo hubeysan xalay ku dhaawaceen gurisiisa oo ku yaalla xarunta Kenya ee Nairobi.

Afar ruux oo lagu diley magaalada mandhera dalka Kenya

Dabley hubeysan ayaa ku dishey afar ruux saddex kalana ku dhaawacay magaalada Mandhera dalka Kenya.

Kenya oo heegan gelisay Ciidamadeeda, kadib hanjabaadii Al-Shabaab

Kenya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda, iyadoo ka cabsi qabta weeraro Al-Shabaab ka geysato gudaha dalkeeda, iyadoo ay kordhisay ciidankeeda ku sugan xuduuda Soomaaliya, kuwaasoo roondooyin sameynaya.  

Garoonka caalamiga ah ee Joma Kenyatta Air Port oo saacado u xayirnaa diyaarad cilad ku timid

Garoonka diyaaradaha ee ugu mashquulka badan dalka Kenya iyo guud ahaan geeska Afrika ayaa Shalay saacado dhowr ah la xirey kadib  markii diyaarad ay soo fariisatay oo xanibtay duulimaadyada.

Kenya oo baadi goobeeysa Saraakiil Shabaab ah oo Dalkeeda ku dhuumanaya

Booliska Kenya ayaa magacaabay labo ka tirsan saraakiisha Al-Shabaab ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya, kuwaas oo ay ku eedeeyeen weerarradii ka dhacay Mandera ee lagu dilay 64 qof.

Koox la Rumeeysan yahay in ay Al-shabab yihiin oo Kenya ku dilay 36 Ruux

Ugu yaraan 36 ruux ayaa geeriyootay kadib markii koox latuhunsanyahay in ay katirsanyihiin Alshabab ay weerar kuqaadeen duleedka magaalada Mandera .

Kenya:Wasiirka Arrimaha Gudaha & Taliyaha Booliska oo Iscasilaya

Sida ay qorayaan Wakaaladaha iyo wargeysyada dalka Kenya ,wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi Kenya ee cadaadiska uu haysto iyo taliyaha ciidamada booliska ayaa lagu wadaa maanta in ay iscasilaan.

Deg Deg:- Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaaday Kenya

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Al-shabaab Duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ay ku dileen  ugu yaraan 18 Ruux oo la sheegay in ay Saarnaayeen Gaari Bus ah.

Kenya oo beenisay in la sii daayay 5-ruux oo laga afduubtay Lamu

Ku-xigeenka taliyaha Booliska Kenya Samuel Arachi,ayaa beeniyay warka sheegaya in shan nin oo afduub u geysteen Al-shabaab,sida uu sheegay todobaadkii la soo dhaafay la sii daayay.

Kenya oo xubno lagu Tirinayo inay Al-shabaab yihiin ku Wareejisay Jarmalka

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay Axadii shalay inay dowladda Kenya ku wareejisay laba ruux oo looga shaki looga qabo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Somalia, kuwaasoo dalka Jarmalka kasoo jeeda.

Kenya's economy: Damaged but defiant a year after Westgate attack

A file image grab from AFP TV taken on September 21, 2013 in Nairobi shows Kenyan troops taking position inside the Westgate mall.

Dawladaha Uganda iyo Kenya oo ka cabsi qaba weeraro Al-Shabab ka geystaan

Taliyaha ciidamada dalka Uganda Gen Katumba Wamala oo u waramayay warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa uu ka digay weeraro Al-Shabab ka geystaan dalkiisa ayagoo uga aar gudaya hogaamiyahoodii Axmed oo  bilowgii bishaan lagu dilay Soomaaliya.

Soomaali ku eedeysan weerarkii Westgate oo ka cabanaya garaacis Joogto ah

Afar dhallinyaro Soomaali ah oo ku xiran xabsiga ku yaalla dalka Kenya loona haysto weerarkii Westgate Mall bishii September ee sannadkii hore ayaa sheegay in si xun loo garaacay kaddib markii ay diideen inay xirtaan dharka maxaabiist la xukumay.

Kenya oo sheegatay inay saldhig Shabab duqeeeyeen iyo Al-Shabab oo beeniyay

Saraakiil u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya ay ku bur buriyeen  xero ay Xarakadda Al-Shabab ku tababari jireen dagaalamayaashooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya oo wax laga naxo ku tilmaamay muuqaalkii ciidamada Kenya ee xadayay Westgate

 Raila Odinga oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii goobtaasi weeraray. 

Al shabaab oo la sheegay inay sirdoonkooda ku xoogan yihiin magaalada Gaarisa

War bixino ay soo saareen sirdoonka Kenya ayaa waxa ay walaac ku abuurtay shacabka iyo masuuliyinta magaalada Garisa ee gobolka waqooyi bari Kenya mida oo ku aadan in dhaq dhaqaqa Al-shabab ay ku bahayaan gobolkaasi.

Kenyatta: Ciidankeennu kama soo baxayo Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta sheegay in qorshaha Kenya ay ciidanka ugu dirtay Soomaaliya uu yahay mid iska cad, isla markaana aysan jirin xilligan go’aan dib looga soo saarayo.

In ka badan 15 oo siyaabo kala duwan loogu dilay Kenya

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhawacmeen degaanka Nyanya oo ka tirsan magaalada Kitui ee gobolka waqooiya ee dalka Kenya, kadib markii ay halkaasi weerareen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneynin.

Kenya oo cambaareysay afgambiga Maxamed Mursi xiriirkana u jartay Masar

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay afgambiga ay ciidamada Milatariga Masar ku sameeyeen madaxweyne Maxamed Mursi oo shacabka Masaarida ay si xor ah u doorteen sanad kahor.

Kenya oo qorsheyneysa in Al Shabaab ay u adeegsato diyaaradaha basaaska ee Drones-ka

Dowlada Kenya ayaa diyaar u ah in dhaqaalo badan ay ku bixiso qalab Milatari o ay ka mid yihiin diyaaradaha casriga ee wax duqeeyaa iyo kuwa wax Jaajuusa ee loo yaqaan Drones-ka

Go rebuild your country, Ruto urges Somalis

Deputy President William Ruto has asked Somali exiles and refugees to return and rebuild their country. 

MANDERA: Policeman killed, four injured after blast

A policeman was killed and four of his colleagues injured after an explosion at Border Point 4 in Mandera East Tuesday.

QM oo diidday in dhaqaalle la siiyo ciidammada badda Kenya ee jooga Soomaaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ku gacan seeyray codsi uga yimid ururka Midowga Afrika kaa oo ahaa in UN-ta ay maalgeliso ciidamada badda Kenya ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

North Eastern Province: Deputy speaker joins race for senator seat

Deputy Speaker and Lagdera MP Farah Maalim was cleared to run for Senate in Garissa County, setting off a bruising political battle with Defence Minister and Ijara MP, Yusuf Haji.  
Valid XHTML 1.0 Valid CSS