Tag: KGS

C/llaahi Sh. Xasan “Dowladda Federaalka wax ka quseyo ma jiraan doorashada Koofur Galbeed”

Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si kulul uga jawaabay war saxaafadeed maalmo ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayay xaalada maamul goboleedyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh, iyadoo looga digay muddo kororsi. 

Maamulka Koofur Galbeed oo ka hadlay abaabulada dagaal ee uu wado Mukhtaar Roobow

Maamul goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya abaabulka dagaal ee uu Mukhtaar Roobow ka wado deegaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Shir ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku soo gudbiyay warbixino la xiriirira maamulka Koofur Galbeed, iyagoo gogol u dhigay Siyaasiyiinta,  Odayaasha dhaqanka,bulshada rayidka, haweenka iyo dhalliyarada ka soo jeeda gobollada Koofur Galbeed, xildhibaanada waxay ka warrameen siyaasada guud ee Madaxweyne Shariif intii uu xilka hayay, iyo horumar la’aanta, waxay ka hadleen arrimaha bulshada, nabadgelyada, maamul xumada, musuq maasuqa baahsan iyo ku takri falka awoodaha xafiiska madaxweynaha.

Koofur Galbeed oo saanad ciidan ku wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow

Maamulka Koofur Galbeed ayaa gurmad u fidiyay Wadaadka gooni u goosadka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, iyagoo ku wareejiyay saanad hub iyo ciidamo la sheegay inay ka difaacayaan aaggaga Al-Shabaab ka soo weerarayaan.

Maamulka Koonfur Galbeed oo hawada ku lalisay Telefishan cusub

Markii ugu horeysay maanta ayuu hawada soo galay Telefishanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya “Southwest State Television” oo muddooyinkii dambe lagu howlanaa qoridda siyaasadda uu ku shaqeynayo iyo waxa uu kaga duwanaan karo Telefishannada kale ee Soomaalida.

Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Jubbaland oo maanta dooranaya xubnaha Aqalka sare

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulada Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta dooranaya xubnaha u sharaxan Aqalka sare ee ka imaanaya labada maamul.

Wafdi uu horkacayo Shariif Xasan Sh. Aadan oo Saaka u dhoofay Addis Ababa

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee ka kooban lixda gobol ayaa wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo shirkii looga dhawaaqay arrintan oo ka dhacay Baydhabo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS