Tag: KENYA

Kenya oo ka hadashay sababta ka dambeysa joojinta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi

Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay sababta ka dambeysa go’aankii ay ku joojisay duulimaadyadii sida tooska ahaa uga tagi jiray magaalada Muqdisho ee ka degayay Nairobi, kuwaasoo loo leexiyay Garoonka Wajeer. 

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka Mandhera

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari. 

Darbiga ay Kenya ka dhisayso Beledxaawo oo bur burin lagu bilaabay

Sida ay qorayaan warbaahinta qaar ee dalka Kenya dadwayne careysan oo kusugan degmada Beled xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay burburiyeen qaybo kamid ah darbiga ay Kenya ka dhistay xadka kala qaybiyo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray Nairobi (Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo shir ku leh)

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku biiray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo horay uga sugnaa. 

Ciidamada Kenya oo bilaabay howlgal lagu soo furanayo dhaqaatiir Ajnabi lala soo galay gudaha Somalia

Ciidamada Kenya ayaa bilaabay howlgal ballaaran oo lagu baadigoobayo dhaqaatiir u dhalatay dalka Cubay, kuwaasoo laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari. 

Dowlada Kenya oo u yeertay safiirkeedii Soomaaliya kuna amartay Safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkeeda

Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya. 

Hubkii ay wateen dalbeydii weerartay Hotel DusitD2 oo noqday kuwo Dowlada Soomaaliya soo iibsatay

Dowlada Kenya oo wada baaritaano dhinacyo badan ah oo la xiriira weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in saddex ka mid ah qoryihii ay isticmaalayeen dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo ay dowlada federalka Soomaaliya ka soo iibsatay dibadda. 

Omamo;”Waxaad tihiin gaashaan adag oo shacabka Kenya ka difaacaya Cadowga.”

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo iyo taliyaha ciidamada Kenya General Samson Mwathethe oo booqasho kedis ah ku tegey qaar ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ciidamadaas inay yihiin gaashaan adag oo ilaalinaya shacabka Kenya. 

Shan askari oo Kenyan oo lagu diley weerar ka dhacay magaalada Lamu

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in shan askari lagu diley halka toban kale ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay la socdeen ay miino la qaraxday saaka xilli ay marayeen magaalada Lamu, 

Kenya oo Bilowday Inay Dhalinyarada Ka Wacyigeliso Ku Biirista Alshabaab.

Laamaha ammaanka dalka Kenya oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka ka shaqeeya ayaa bilaabay qorshe cusub oo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan shirkadda Qantas oo isla meel dhigey garoomada diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya

Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin. 

Al-shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradii ku soo dhacday SH.Hoose.

Wararka laga helayo  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  sheegaya in diyaardii laba maalin ka hor ku soo dhacday tuulada Aaybuutey ee hoostimaada deegaanka Owdhiigle ay gacanta ku dhigeen diyaaradaas dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kenya oo baarayso Xarumo caafimaad oo looga shakiyay inay Daaweeyeen Shabaab ku dhaawacma Dagaalada.

Ciidamad wadanka kenya gaar ahaan kuwa ka howl galo gobolka waqooyi bari ee dalka kenya ayaa sheegay in ey jiraan xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolkaasi kuwaa oo daweeya xubnaha xarkada Alshabaab oo ku dhawaacma weerarada Garabka Alshabaab ee kenya ey ku qaadaan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Soomaalida ku nool Kenya oo qabtay kulan lagu uruuriyay 250 kun oo dollar

 Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa xalay qabtay kulan dhaqaale loogu uruurinayay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii todobaad ka hor ka dhacay isgoyska Zoobe, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux.

Shabaab oo weerar khasaare gaystay ku qaaday ciidanka Kenya

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Kenya, xilli ciidamadan ay ku sugnaayeen meel aanan ka fogeyn deegaanka Dhamase ee ku yaalo nawaaxiga Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Kenya oo xayiraad ku soo rogtay 13-xawaaladood iyo akoonada bangiyada 86 ruux

Dowladda Kenya ayaa xayiraad ku soo rogtay 13 xawaaladood iyo akoonada 86 ruux oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Al-Shabaab, iyadoo tallaabadan ay tahay mid looga jawaabayo weerarkii u dambeeyay Al-Shabaab ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa.

Sirdoonka dalka Kenya oo sheegay in ururka Alshabaab uu qorsheynayo inuu weeraro xarunta Baarlamaanka Kenya

Guud ahaan ammaanka xarunta baarlamaanka dalka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa sare loo qaaday kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ururka Alshabaab uu qorsheynayo inuu weerar ku soo qaado.

Booliska dalka Kenya oo shaaciyay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen weerarkii Nairobi

Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirka wiil Soomaali ah oo ay la xiriiriyeen inuu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo Soomaali u badnaa.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS