Tag: Juba

Mareykanka oo Ciidamo u diray Caasimada Jubba ee Koofurta Sudan

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa 47 askari u diray magaalada Juba ee dalka Koofurta Sudan, si ay u ilaaliyaan Safaaradda Mareykanka iyo shaqaalaha ka howl gala.

Al-Shabaab oo illaa afar ruux shalay ku toogatay fagaare ku yaal degmada Bu’aale

 Al-Shabaab ayaa shalay galab fagaare ku yaal degmada Bu’aale ee Gobolka Jubadda Dhexe ku toogatay afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay qaarkood jaajuus ahaayeen, kuwana ka shaqeynayeen arrimo kale.

Puntland iyo Jubbaland oo aan ka qeyb geli doonin Shirka Hiigsiga ee maanta Muqdisho ka furmaya

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb gelin doonin shirka looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub ee New Deal-ka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdishokaasoo ay shir gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay.

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod u qaadaya Mooshinka ka dhanka ah Baarlamaanka

 Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado mooshinka ka dhanka ah dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay todobaadkii hore soo gaba gabeeyeen dooda ku saabsan mooshinkaas.

Maamulka Jubba oo ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku laayeen deegaanka Kudhaa

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay dad rayid ah ku xasuuqeen deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo maalin ka hor ay la wareegeen.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duqeymo ay geesteen Diyaarado Dagaal

Afhayeen u hadlay Maamulka KMG ee Jubba ayaa shaaciyay in Saraakiil katirsan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab lagu dilay Duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Kenya .

Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii Jubada Hoose

Dagaalo xoogan oo shalay dhowr jeer la isku noq-noqsaday ayaa ka dhacay deegaanka Cabdala Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo la soo sheegayo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Maamulka Jubba oo sheegay in ay fashiliyeen weerarro ay damacsanayd Al-shabaab

Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ika warbixiyay xaaladda ammaan ee magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka maamulka Jubba ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-shabaab damacsanayd in ay ka geysato magaalada Kismaayo.

Hogaamiyaha Maamulka Juba oo riyo ku tilmaamay shirka Lixda Gobal ee Baydhabo ka socda

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku tilmaamay Maamul goboleedka looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee lixda Gobol ahaa inuu yahay mid Riyo ku dhisan.

Maamulka Jubba oo soo bandhigay dhalinyaro ku eedeeysan in ay ka tirsanyihiin Xarakada Al-shabaab

Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo ayaa maanta lagu soo bandhigay ilaa afar dhalinyaro oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo weliba waxyaalo kale oo la sheegay in ay yihin walxaha qaraxyada loo isticmaalo.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyey Ergooyinkii Jubooyinka (Sawirro)

Ra’iiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay u sameeyey xaflad sagootin ah Ergooyinkii ka soo qayb galay shirka Jubooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho afratii maalmood ee la soo dhaafay iyadoo heshiis rasmi oo u gogol xaaraya dhamaystirka maamulka Juba dhinacyadu ay ku kala saxiixdeen xaflad sida weyn loo soo gaasimay oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Maamulka Juba iyo Dowlada oo ku hishiiyay in aysan soo laaban khilaafyada labada dhinac

Kulan saacado qaatay oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe oo uu wehlinaayay Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Gen Fartaag iyo Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin kale.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS