Tag: Jowhar

Musharax Madaxweyne C/naasir Shirwac oo gaaray magaalada Jowhar

Musharax Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxana uu musharaxu durba bilaabay inuu lakulmo qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabelle.

Ololaha Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo si xowli ah uga socota magaalada Jowhar

Iyadoo maalmo kooban ay ka harsan tahay mudada loo asteeyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa si xowli ah ugaga socda magaalada Jowhar ololaha doorashada  Madaxweynaha, iyadoo musharaxiinta iyo wakiilo ka socda musharaxiinta ay shirar kala gaar gaar ah la yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo shir deg deg ku leh Jowhar iyo wafuud ku wajahan

 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Hirshabeelle uu haatan shir deg deg ah uga socdo magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Madaxweyne Cosoble

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in goor dhow ay cod u qaadeen xildhibaanada baarlamanka Hirshabeelle inay kalsoonidii kala laabteen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble. 

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyay Jowhar (Sawiro)

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeele. 

Weerar xalay ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala Magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xalay ay dabley hubeysan weerar ku soo qaadeen bar kontarool oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen magaalada Jowhar.

DEG DEG: Doorasho farsameysan oo ku dhacday qaab boobsiis ah oo ku soo baxay Wasiir Nuux

Doorasho farsameysan oo ku dhacday qaab boobsiis ah ayaa goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar, kaasoo lagu doortay labo kursi oo uu tartankooda ka taagnaa Muran iyo is qab qabsi.

Doorashada Kursiga Beesha Daa’uud oo maanta dhaceysa iyo C/llaahi Sh. Xasan oo tartanka laga saaray

Doorashada Kursiga Beesha Daa’uud Abgaal oo maalmahan uu muran iyo jahwareer ka jiray cida ku tartameysa ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah inuu ka dhaco magaalada Jowhar, iyadoo ay isku soo hareen labo musharax oo ku tartami doona kursigan.

Askar ka tirsan ciidammada dowladda oo lagu dilay qarax ka dhacay deegaan hoostaga degmada Jowhar

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo lagu aasay deegaan lagu magacaabo Sabuun oo ka tirsan degmad Jowhar ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidammada dowladda.

Boqolaal ruux oo saaka isugu soo baxay Salaad Roobdoon ah magaalada Jowhar (Sawiro)

Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa saaka isugu soo baxay salaad roobdoon ah iyagoo Eebe ka baryay  roob raxmad leh. 

Boqolaal ruux oo saaka isugu soo baxay Salaad Roobdoon ah magaalada Jowhar (Sawiro)

Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa saaka isugu soo baxay salaad roobdoon ah iyagoo Eebe ka baryay  roob raxmad leh. 

Guddiga doorashada oo maanta go’aan ka gaaraya shaqaaqadii xalay ka dhacday Jowhar

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa maanta lagu wadaa in go’aan ka soo saaraan buuqii  iyo shaqaaqadii xalay ka dhalatay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jidle ee Gugundhabe.

Qaban qaabada Xaflada caleema saarka Madaxda Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

Qaban qaabada Xaflada caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Jowhar, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo maanta dhacaysa (Sawiro)

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen uu yeesho maamulkaas.

Ciidamadii la wareegay xarunta shirka Jowhar oo isaga baxay

Ciidamo Milatari ah oo saacado la wareegay ammaanka xarunta uu ka socdo shirka maamulka Hirshabeelle ayaa ka baxay goobihii ay ku sugnaayeen iyagoo muddo saacado ah u diiday ergada ka qeybgalaysa shirka inay galaan gudaha xarunta.

Cismaan Barre Maxamed oo ku guuleystey doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa ku guuleystey Xildhibaan Cismaan Barre Maxamed oo helay codad gaaraya 61   halka uu musharixii la tartamayay ee Abuukar Xasan Cali oo ka helay codad gaaraya 28cod . 

Baarlamaanka Hirshabeele oo doortay guddoomiye kumeel gaar ah

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeele oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horeyay ayaa u doortay guddoomiye ku meel gaar ah Maxamed Siyaad Barqadle oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Maamulka HIRSHABEELLE oo lagu wado in maanta la dhaariyo

Waxaa ka soconaya magaalada Jowhar diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xaflada dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka maamulka cusub ee HIRSHABEELLE.

Magaca iyo Calanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo la soo bandhigay

Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta isku raacay magaca uu yeelanayo maamulkan iyo astaanta calanka, iyadoo lagu wado in maalinta khamiista la ansixiyo dastuurka maamulka.

Ergada shirka Jowhar oo loo qeybiyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

 Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar ayaa loo qeybiyay qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Maamulka labada gobol.

Marwo Khadiijo”Waxaan ahay xildhibaan guriga uu ku dhashay ilmana ku dhalay uu Jowhar ku yaal”(Sawiro)

Xildhibaan Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo ah magaalada ay ka soo jeedo xildhibaanadan.

Banaan bax saaka ka dhacay Jowhar iyo Maamulka degmada oo dadka ugu baaqay inay is dejiyaan

Banaan bax looga soo horjeedo shaqaaqadii xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa saaka dhacay, iyadoo dadweyne careysan oo isugu soo baxay waddooyinka ay ka caroodeen falkii xalay ciidamo Boolis oo dhowaan laga keenay Muqdisho kula kaceen ciidamo deegaan ahaa.

Shirka Jowhar oo aan wali furmin iyo caqabad kale oo ku soo fool leh

 Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maanta lagu wado inuu furmayo ayaa la sheegayaa inuu baaqday, iyadoo uu soo baxayo khilaaf cusub oo ku aadan habka maamul u sameynta labada Gobol.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo Labo Wariye ku xiray Jowhar

 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabadsugida ay shalay gelinkii dambe xabsiga u taxaabeen Wariye C/shakuur Shaa-shaa oo ahaa Agaasimaha Idaacad lagu magacaabo City FM iyo C/raxmaan Xuseen Cumar oo ahaa wakiil wareedka Telefishinka Kalsan.

Howlgallo lagu raadinayo ninkii ka dambeeyay dilkii Taliyihii Nabadsugida oo ka socda Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo howl gal lagu baadigoobayo ninkii ka dambeeyay dil xalay loo geystay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo howl galka ka socdo tuulooyinka ku dhow dhow Jowhar.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado inuu dib uga bilowdo Jowhar

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa lagu wadaa inuu dib uga bilowdo magaalada Jowhar, kadib markii muddo labo bilood uu hakad ku jiray, iyadoo la sheegayo in qeyb ahaan lagu guuleystay xalinta cabashooyinka ka imaanaya beelaha qaar.

Beelaha gobolka Hiiraan oo mar kale qaadaceen shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobol Hiiraan ayaa si weyn uga soo horjeestay shirka maamulka loogu sameynaya gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda Jowhar.

Mid kamid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe oo kulan ku yeeshay degmada Balcad

Kulan ay ka soo qeybgaleen duubabka dhaqanka,siyaasiyiin,qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe loogana hadlay aayaha beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa lagu qabtay degmada Balcad.

Kulamo looga arinsanayo soo xulista Ergooyinka iyo qaabka loo qeybsanayo oo ka socda Jowhar

Kulamo looga arinsanayo soo xulista Ergooyinka ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo sida beelaha u qeybsanayaan ayaa ka socda magaalada Jowhar, iyadoo wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa ay shalay gelinkii dambe gaareen magaalada.

Wasiirka A. Gudaha oo saaka ku wajahan Jowhar iyo wajiga labaad ee shirka oo la guda galayo

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo goor dhow gaaray Jowhar (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo beeniyay in la mamnuucay indha shareerka

Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Abuukar Cali Maqaney ayaa beeniyay warar sheegaya in Maamulka Gobolka uu mamnuucay qaadashada Indha shareerka, xilli maamulka uu isu diyaarinayo marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ka mamnuucay indho shareerka iyo mootoyinka Bajaajta magaalada Jowhar

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka inay xirtaan indho shareerta iyo in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aysan socon karin xilliyada habeenkii.

Bam lagu weeraray caawa Taliska Qeybta Booliska magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in bam lagu weeraray Taliska Qeybta Booliska gobolka Sh/dhexe.

Haweeney si arxan darro ah ugu dishey magaalada Jowhar gabar 2 sano jir ah

Dhacdo naxdin leh oo aan hore u soo marin magaalada Jowhar ayaa haweeney ku dishay biyaha kanaalka Barwaaqo gabar yar oo 2 sano jir ah.

Sawirro: Jowhar oo diyaar garow ugu jirta marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guda jira diyaar garow ballaaran oo ku aadan marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dhowaan lagu wado inuu bilowdo.

Dad loo qabqabtay banaanbax ka dhacay Jowhar oo ay ku jiraan 2 weriye oo la sii daayay

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in la sii daayay labo weriye iyo dhalinyaro aan tiradooda la shaacin oo loo qabqabtay maanta banaanbax ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

DEG DEG: Banaan bax ka socda Jowhar iyo qeybo ka mid ah Ganacsiga magaalada oo xiran

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in banaan bax uu ka socdo Xaafada Hantiwadaag, iyadoo dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee xaafadaas uu yahay mid gebi ahaanba saaka xiran.

Bandow saaka la geliyay Jowhar, Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo howl gallo ka wada

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada uu saakay ku jiro hakad, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si guud ugu faafeen xaafadaha, waxaana magaalada ay gashay bandow aroor hore ah.

Wiil yar oo saaka Yaxaas ku qaaday Wabiga Shabeelle ee mara magaalada Jowhar

Wiil yar oo da’diisa ay u dhaxeyso 10-15 sano jir ayaa saakay waxaa uu Yaxaas dool ahaa ku qaaday wabiga Shabeelle ee mara magaalada Jowhar, xilli wiilkan uu Kalluun ama Malaay ka gaadayay Jiinka wabiga.

Xiisad ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ka jirta magaalada Jowhar

Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa saameyn culus ku yeelatay magaalada Jowhar kadib markii ay maanta shir jaraa’id ku qabteen magaalada Jowhar guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji Cabdulle.

Howl gallo tiro dad ah lagu qabtay oo laga sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Jowhar

Ciidamada Booliska ayaa xalay howl gallo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar waxay ku soo qab qbateen tiro dad ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaabnimo, iyadoo howl galkan ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada.

Qarax lagu weeraray Ciidanka Dowlada Somalia ee ku sugan degmada Jowhar

Afar ruux oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa ku dhaawacmay qarax xalay lagu weeraray ciidamo ku sugnaa koontaroolka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliska Ciidamada xooga dalka oo ciidamo kala dhex dhigay deegaanadii lagu dagaalamay ee Bariga Jowhar

Taliska Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ciidamadii u horeeyay geeyay deegaano ku yaal duleedka bari magaalada Jowhar, halkaasoo ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay labo beelood, kaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Qarax askari dilay oo Jowhar ka dhacay

Qarax waxyeello geystay ayaa shalay ka dhacay maanta agagaarka garoonka dayuuradaha ee magaalada Jowhar.

Askar iyo Shabaab lagu xakumay Jowhar

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa shan qof oo mid ka mid ah lagu helay inuu xubin ka yahay Al-shabaab ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Jowhar iyo Mahaddaay

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta la wareegay laba degmo oo dheeraad ah oo ku yaalla gobolka Shabellaha Dhexe, taas oo ay ka mid tahay xarrunta gobolka.

Ciidamada Dowladda oo 7 KM u jirsaday Jowhar

Xaaladda goobihii lagu dagaallamay ee duleedka Jowhar shalay galinkii dambe, ayaa maanta deggan, iyadoo saraakiil ciidanna ay sheegeen inay ka go'an tahay la wareegidda guud ahaanba degmada Jowhar, oo hadda kam id ah degmooyinka muhiimka ah ee fara ku tiriska ah ee Shabaab gacanta ugu jira.

AMISOM iyo ciidamada dowladda oo 20 KM u jirsaday Jowhar

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, ayaa la wareegay deegaanka Garsale, oo qiyaastii wax aan ka badneyn u jirta 20 KM magaalada Jowhar oo xarrun u ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Jowhar oo xaaladdeedu ay kacsan tahay

Dhaq-dhaqaaq ciidan, ayaa ka jira qeybo ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, ay doonayaan inay Shabaab kala wareegaan degmada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS