Tag: Jawaari

Jawaari iyo Shariif Xasan oo ku loolamaya Golaha Wasiirada (Warbixin)

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa culeysyo iyo cadaadis aan xad laheyn kala kulmaya Beellaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle oo ku saleysan xulidda xubnaha Wasiirada ka noqonaya Xukuumaddiisa, xilli Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku wada loolamayaan in shakhsiyaad saaxiibo iyo qaraabo la ah ay ku yeeshaan Golaha Wasiirada cusub.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isku qabtay qodobo ka mid ah Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isku qabtay qodobo ka mid ah Dastuurka, kaasoo dhigaya muddo xileedka Madaxweynaha, marka la gaaro 10 September.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in 10-ka bishan uu furmi doono Kalfadhiga 8aad

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in 10-ka bishan April uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waqtigiisa ka harsan yahay mudada afarta bilood.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland oo Cambaareeyay Socdaalka Guddoomiye Jawaari

Madaxweyneyaasha Maamulada Jubbaland iyo Galmudug  C/kariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa wada jir u Cambaareeyay socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka galgaduud.

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo markii hore loo asteeyey 21ka bishan October.

Qoraal laga soo saaray Xalinta Mooshinka 12kii August 2015 iyo Micneynta Ereyga Qiyaano Qaran

Waxaa la soo gebagabeeyay kulan maanta dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda iyo sidoo kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka kaas oo looga hadlayay mooshinka xildhibaanada qaar ay ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Guddoomiye Jawaari oo furay shirkii wada xaajoodka mooshinka Madaxweynaha

Shirkii looga hadlayay wada xaajoodka mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow furay, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu shirka si rasmi ah u furay, isla markaana ka hadlay muhiimada uu shirkan leeyahay.

Jawaari “Madaxda Maamul Goboleedyada waa in danta Guud ka shaqeeyaan”

Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shalay ka hadlayay shirkii wada tashiga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul goboleedyada inay dantooda gaarka ah ay ka hor-mariyaan danta Guud.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo baaq u diray Xukuumadda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay Baarlamaanka ku hor-keento sharciga Axsaabta Siyaasada.

Jawaari “Wax dowlad goboleed la yiraahdo ma jiraan, waa Maamul Goboleedyo KMG ah oo lagu dhisay…”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in aanu dalka ka jirin dowlad goboleedyo, isagoo ku tilmaamay maamul goboleedyadii dhowaan la sameeyay inay ahaayeen kuwo go’aan siyaasi ah oo aan sharci aheyn lagu dhisay.

Jawaari “2016 Agosto kadib dalka kama dhici karto doorasho qof iyo cod”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka hadlay filashada hiigsiga sanadka 2016, isagoo cadeeyay in aanay dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod.

Jawaari “Maamulada dhismaya ma ahan in loogu yeero dowlad goboleed ee Waa Maamulo KMG ah”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in aan maamulada dalka ka jira aan loogu yeerikarin dowlad goboleed, ilaa uu Baarlamaanka ka ansixiyo.

Jawaari oo ugu baaqay Xukuumadda inay dib u soo celiso furaha Taleefanka Soomaaliya ee 252

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sooamaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlay kulan-howleed uu la yeeshay Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka dalbaday inay gacanta dowlada dib ugu soo celiyaan furaha Tafeefoonnada Soomaaliya ee 252, oo ah hanti qaranka Soomaaliyeed leeyahay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Safar Caafimaad u aaday dalka Jarmalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta baaritaan caafimaad ugu ambabaxay dalka Jarmalka, halkaasoo todobaadkii hore uu Madaxweynaha u tagay arrimo caafimaad.

Gudoomiye Jawaari”R/wasaarahu wuxuu igu yiri Baarlamaanka ayaan ku kalsoonahay”

Gudoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya Mudane Maxamed Shikh Cismaan Jawaari oo maanta ka hadlayay Kulankii Baarlamaanka ee ay uga Doodayeen Mooshinka laga keenay Xukumadda Ra’iisul Wasaare C/wali Sheikh Axmed ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Warqad u qoray 29-kii Bishii November, taas oo ku aadaneeyd in Xukumadda uu Mooshin Kalsooni kala noqosho ah ka yaalo Baarlamaanka.

Gudoonka golaha shacabka oo go'aano kasoo saaray khilaafka Baarlamaanka

Guddoonka golaha shacabka ayaa manta go'aanno ka soo saaray khilaafka taagan, isgaoo xusay inuu khilaafka madaxda dalka saameyn xooggan ku yeeshay hay'adaha dowladda oo dhan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo la kulmay dhigiisa Jabuuti

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa la kulmay dhigiisa Jabuuti Mudane Idiris Arna’ud Cali, iyadoo ka wada hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo horumarinta sharci dajinta ee Baarlamaanka Federaalka.

Jawaari “Looma dulqaadan karo fowdo iyo Buuq, Mooshinka Isniinta ayaa Baarlamaanka la keenayaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti ayaa sheegay in maalinta Isniinta la horkeenayo Baarlamaaanka mooshinkii horay loogu soo gudbiyay.

Gudoomiye Jawaari oo sheegay in Baarlamaanka loo daayo xalinta khilaafka madaxda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in la dhameyn doono khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo cadeeyay in aan loo baahneyn fara gelin ka timaada Beesha Caalamka.

Gudoomiye Jaawari”Natiijadii ka soo baxda Shirka Baydhabo ma Aqoonsan doono”

Annagoo ka duuleyna qodobka 11aad ee heshiiskii laba dhinaclaha ahaa maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo qeexayey “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan”ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya 9kii bishan November si mideysan u go’aamiyeen hakinta iyo toosinta habraaca maamul dhisidda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayadoo qaadashada go’aankaasina uu ka dambeeyey tixgelinta cabashooyinka kasoo yeeraya Odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,bulshada rayidka iyo ergooyinka weli dibadda ka jooga howlaha geedi socodka maamul dhisidda gobollada Koonfur Galbeed.

Jawaari “Cid alla cidii ku geftay Xeer Hoosaadka Tallaabo laga qaadayaa, Baarlamaankana waa isku soo noqon doonaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan Xildhibaanadii shalay buuqa kiciyay, isagoo cadeeyay in lagu kala bixi doono xeer hoosaadka.

Ku Simaha Madaxweynaha Dalka Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Dhameysay Jaamacadda Soomaaliya

Munaasabadani ay ku qalinjabinayeen in ka badan 574 arday oo dhameysay kuliyadaha caafimaadka,waxbarashada,cilmiga bulshada,ganacsiga, maamulka,injineerinka,  iyo cilmiga computerka ee Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha madaxweynaha dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodi doona barnaamijka maamul u sameynta dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalmaha soo socda baarlamaanka la horkeenayo barnaamijka maamul u sameynta gobolada dalka, kaasoo horay Xukuumada u ansixisay.

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay madax ka tirsan dalka Turkiga

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Turkiga ayaa maanta kulammo gaar gaar ah la qaatay dhigiisa iyo Madaxweynaha dalka Turkiga ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyuhu booqday goobo ku yaala magaalada Ankara.

Guddoomiye Jawaari oo la kulmay madax ka tirsan dowladda Norway

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Norway ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka tagay xarunta baarlamaanka dalkaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo lagu soo dhaweeyay Oslo, Norway

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheeekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaallo madaxda dalka Norway ee Oslo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Guddoomiye Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Baydhabo ku sugan

Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarrnta gobolka Bay.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in Xuddur ay dowladda hadda u soo gacan gashay

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in degmada Xuddur oo xarrun u ah gobolka Bakool ay dib u la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, kadib toddobaad oo ay gacantooda ka maqneyd.

Jawaari oo sheegay in sharuuc loo sameyn doono saxaafadda & wasiiro la su'aalay

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay si loo ilaaliyo xaquuqda wariyayaasha ay iyaguna u dhowraan midda ay shacabku ku leeyihiin ay tahay in sharci kala naadaamiya la soo dajiyo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS