Tag: Jabuuti

C/raxmaan Ceynte oo dowladda Soomaaliya u soo jeediyay in raalli gelin iyo magdhow ay siiso C/kariin Qalbi Dhagax

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore C/raxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanadii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. 

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika oo ka hadlay Xiisada Jabuuti iyo Eritrea

Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa ka hadlay xiisada ka soo cusboonaatay dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kaddib markii Ciidamada Eritrea ay qabsadeen dhulka lagu muransan yahay ee xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada Madaxtinimada dalkaas

Shacabka Jabuuti ayaa maanta oo jimco ah u dareeray cod bixinta doorashada Madaxtinimada dalkaas ee sanakda 2016, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen gobolada Jabuuti ololaha doorasho ee ay wadeen musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada.

Ololaha doorashada Madaxweynaha Jabuuti oo ka bilowday magaalooyinka dalkaas

Ololaha Tartanka doorashada Madaxweynaha Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah uga bilowday magaalooyinka dalkaas, iyadoo illaa lix musharax ay ku loolamayaan doorashada Madaxtinimada.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa oo loogu baaqay in ay il gaar ah ku eegaan qalalaasaha siyaasadeed ee Jabuti

Midowga Africa iyo Qarmada midoobay ayaa loogu baaqay in ay ku cadaadiyaan dowlada Jabuti in ay ka joojiso caburinta iyo gacanta birta ah ee ay kala hortageyso mucaaradka, xilli wadankaas uu u diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtinimada ee dhici doonta bisha April.

Dowladda Jabuuti oo sheegtay in 7 ruux ku dhinteen shaqaaqadii maalin ka hor

 Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in 7 ruux ku dhinteen shaqaaqadii ka dhacday goob lagu xusayay xaflada mowliidka ee dhalashada Nabi Muxamed NNKH, iyadoo dowladdu ku eedeysay in dabley hubeysan ay soo weerareen Ciidamada ammaanka.

Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqo ka dhacday caasimada dalka Djibouti

Wararka ka imanaya wadanka Djibouti ayaa sheegaya in dad ka badan toban ruux ay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada Booliska iyo dad ka qeybgalayay munaasabad xuska Mowliidka ay isku dhaceen.

Jabuuti oo ciidan dheeraad ah u soo direysa Somalia iyo Midowga Afrika oo soo dhoweeyay

Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ciidan dheeraad ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM u soo direyso Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta tirada ciidan ee ka jooga Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo arrimo amni loo xiray

Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa albaabada loo laabay, iyadoo arrimaha loo xiray lagu sheegay mid amni.

Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay hanjabaadii Al-Shabaab

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay hanjabaadii ka soo baxday Al-Shabaab oo ahaa inay weerarayaan suuqyada ganacasi ee dalalka reer galbeedka, isagoo ku tilmaamay hanjabadaas mid waxba kama jiraan ah.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo xalay gaaray dalka Jabuuti, Axadana ku soo fool leh Muqdisho

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa dib u sii watay safarkiisa Afrika, kadib markii uu u hakiyay geeridii ku timid Boqorkii Sacuudiga Boqor Cabdalla, isagoo shalay oo jimco aheyd ka qeyb galay aaska iyo salaadii janaasada Meydka Boqorka ee ka dhacday magaalada Riyadh.

Madaxweyne Geelle “Dastuurka KMG ah inay wax ka qaldan yihiin ayay igula muuqataa, in mar loo fariisto oo la saxo”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku baaqay in meelaha ay ka qaldan yihiin Dastuurka KMG ee Soomaaliya wax laga bedelo, si meesha looga saaro khilaafka iyo is qab qabsiga madaxda dowladda.

Deg Deg:- Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland oo lagu kala tagay

Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Wadahadalkii u socday Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka  Soomaaliland lagu kala kacay islamarkaana Madaxweynaha Soomaaliland uu Shirka ka baxay.

Madaxweyne Xasan Sheikh & Axmed Siilaanyo oo Kulan Fool ka Fool ah yeeshay”Sawiro”

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Axmed maxamed Silaanyo ayaa Maanta isku Arkay markii labaad wadanka Jabuuti kadib safaro aan horay loo Shaacin ay ugu ambabaxeen saka dalkaasi.

JABUUTI: Ciidamadeennu kama bixi doonaan Somalia Illaa inta ay ka Xasilayso

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti oo safar ku jooga dalka Turkiga ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay la bixi doonin illaa inta ay Soomaaliya cagaheeda isaga taagayso.

Madaxweynaha Jabuuti oo ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa in aanay diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa ku eedeeyay mucaaradka dalkiisa in aanay diyaar u aheyn in xal laga gaaro khilaafka kala dhaxeeya dowladda.

Culummo Taageeray Mucaaradka Jabuuti oo Xabsiga laga sii Daayay

Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa kasii daysay xabsiga dhexe saddex ka mid ah culumada dalkaas oo horay u taageeray isbahaysiga USN ee mucaaradka ah oo diiday natiijadii kasoo baxday doorashadii sannadkii lasoo dhaafay ka dhacday Jabuuti ee lagu soo dooranayay xildhibaannada baarlamaanka.

Madaxtooyada wadanka Jabuuti ayaa beensay rasaas ka dhacday Garoonka Jabuuti in uula danlahaa Madaxweynaha Wadankaasi Geele.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaa shalay Gelinkii dambe ka dhacay toogasho Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti, ka gadaal markii uu rasaas furay mid ka mid ah Ciidanka Ilaalada Garoonka.

Jabuuti oo soo dhaweysay raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Dowladda Jabuuti, ayaa soo dhaweysay magacaabidda raysal wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya ee dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud, uu u igmaday booskaasi in uu buuxiyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Valid XHTML 1.0 Valid CSS