Tag: JAWAARI

Guddoomiye Jawaari oo si rasmi ah is casilaadiisa uga hor dhawaaqay Baarlamaanka (Akhriso Khubadda)

Guddoomiyaha xilka ka degaya ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow bilaabay khudbadiisa istiqaalada, isagoo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka.

Jawaari “Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casisho”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

Guddoomiye Jawaari oo aqbalay mooshinka, kuna baaqay in muddo 10 cisho gudahood cod loogu qaado

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlayay Warbaahinta ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo. 

Guddoomiye Jawaari “Xukuumadda ayaa weerar ku soo qaaday Baarlamaanka oo mooshinkan wado”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay weerar ku soo qaaday Baarlamaanka, isla markaana gaddaal ka riixeyso mooshinka laga wado.

Daawo: Jawaari “Mooshinkii ay keeneen Xildhibaanada waa buray, wixii hada ka dambeeya…”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay mooshinkii saaka ay ka keeneen Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, isagoo tilmaamay in mooshinkaas uu buray. 

Jawaari “Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gorgortan ka geli meyso lahaanshaha Qudus”

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Qudus ay tahay Caasimadda Israel.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS