Tag: Itoobiya

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo dib u furaya xadkii dhulka la isaga tallaabayay labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqanaya aagga Bure oo ka mid ahaa deegaan horay labada dal ugu muransanaayeen, kana mid ahaa goobihii dagaalada ba’an ka dhaceen 20-sano ka hor. 

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay qoondada Soomaalida ku leeyihiin Shidaalka Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas. 

Dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya oo deegaano hor leh ku fiday

Xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ayaa ku fidaya deegaano hor leh oo ka tirsan Itoobiya, iyadoo dagaaladan dib u soo cusboonaaday ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan. 

Qarax ka dhacay isu soo bax uu ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Qarax ayaa laga maqlay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ka socday banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galayeen kumanaan ruux, kuwaasoo ku taageerayay is bedelada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. 

Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya oo xukuntay laba Nin oo lala xiriiriyay Al Shabaab

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay 6 sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo ay ku eedeysay in ay doonayeen in gudaha dalka Itoobiya ka aas-aasaan koox xiriir la leh Al Shabaab.

Dawlada Itoobiya oo sheegtay inay aad ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay aad ula shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Maxamed C/Laahi Farmaajo.

Dowladda Itoobiya oo soo dhaweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

owladda Itoobiya ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ay ammaan u jeedisay sida ay doorashada u dhacday.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka A. Dibadda iyo wasiiro kale

 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shaqada ka eryay xubno muhiim oo aad ugu dhowaa, kuwaasoo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyada Xukuumadda Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya oo xabsiyada ka sii daysay Kumanaan qof oo dhawaan xabsiga loo Taxaabay

Xoogagga Amniga Itoobiya ayaa xabsiga kasii daayay illaa 2,000 oo qof oo Todobaadyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay baahisay Warbaahinta Fana oo xiriir la leh Xukuumadda Itoobiya.

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan dalka Itoobiya oo qalalaaso iyo kacdoono looga soo horjeedo dowladda ay ka socdaan.

Itoobiya oo ku eedeysay Masar iyo Eritrea inay qeyb ka yihiin rabshadaha dalkeeda ka socda

Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay dowladaha Masar iyo Eritrea inay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda Gobolada ay degaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah qowmiyadaha ugu badan dalka Itoobiya.

Dad Fara Badan oo ku dhintay rabshado ka dhacay Itoobiya (Sawirro)

Waxaa sii kor dhaya Dadka ku dhintay Rabshadaha ka socda Itoobiya, gaar ahaan gobolada Oromada, kadib markii kumanaan ruux oo dhigayay mudaaharaad ka dhacay goob ka socday isu soo bax diimeed ay booliska rasaas ku kala eriyeen.

Booliska Itoobiya oo rasaas ku kala eryay dad dibad bax ka dhigayay Gobolka Oromada

Booliska Itoobiya ayaa sunta ilmaha ka ilmeysiisa iyo rasaas digniin ku riday kumanaan ruux oo dibad bax ka dhan ah dowladda ka dhigay magaalada Bishoftu ee Gobolka Qowmiyada Oromada, kaasoo 40km u jira Caasimada Addis Ababa.

Dibad baxyada ka socda magaalada Gondar ee Itoobiya oo dad lagu dilay

 Dibad baxyada ka socda magaalada Gondar ee ay degaan Qowmiyada Amxaarada ayaa la soo warinayaa in lagu dilay dad dhowr ah, markii isku dhacyo dhex mareen dibad baxayaasha iyo ciidamada booliska.

Xiisad colaadeed oo ka taagan xuduuda ay wadaan Itoobiya iyo Eritrea

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan xuduuda ay wadaagaan dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, halkaasoo laga soo sheegayo abaabul dagaal iyo mid ciidan, iyadoo labada dhinac uu dagaal kooban dhex maray Axadii iyo Isniintii.

Tiro dad ah oo ku dhintay rabshado ka dhacay Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya

Rabshado ayaa ka dhacay Gobolka ay degan yihiin Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, iyadoo rabshadahan uu xoogeystay markii ciidamada booliska iyo dad dibad baxayay ay gacanta isula tageen.

Dadka Itoobiya oo maanta u dareeraya doorashada Guud ee dalkaas

Dadka Itoobiya ayaa maanta oo Axad ah u dareerayaa doorashada guud ee dalkaas, iyadoo Xisbiga talada haya loo saadaalinayo inuu mar kale ku guuleysan doono inuu talada dalka sii hogaamiyo.

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay isaga baxeen deegaanada Ceel garas iyo Ceel la helay, halkaasoo bilooyinkii la soo dhaafay ku sugnaayeen.

Qaramada Midoobay iyo Ethiopia oo kawada hadlay xaaladda amni ee Somalia

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia, Tedros Adhanom iyo ku xigeenka siyaasadda ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Jeffrey D. Feltman ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada New York kaga hadlay arrimo ay ku jirto Soomaaliya.

Daawo Sawiro:Kulankii looga hadlayay Arrimaha Qoxootiga Somalia oo la soo Gabagabeeyay

Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo waftigii uu hogaaminayo oo Addis Ababa uga qaybgalaya shir looga hadlayo xal-u-helidda qaxootiga Soomeeliyeed ee ku nool daafaha caalamka ayaa shirkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Ciidamada Itoobiya oo Garbahaarey ku Xiray Xubno ku eedeysan kicin Dagaal

Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aya la sheegay inay xabsiga dhigeen lix qof oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweyne Xasan oo la kulmay raysul wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah xalay magaalada Addis Ababa kula yeeshay raysul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS