Tag: IMARAADKA

Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya ka sugeysa inay raalli gelin ka bixiso dhacdadii Garoonka Muqdisho

Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dhex dhexaadin laga dhex wado iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo dalbaday in marka hore raalli gelin laga bixiyo dhacdadii bishii April ee sanadkan, xilligaasoo garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xanibay diyaarad laga lahaa Imaaraadka. 

Imaaraadka Carabta oo alaabtiisa ka raranaya Muqdisho (Markab taagan Dekeda oo lagu daabulayo)

Imaaraadka Carabta ayaa alaabtiisa ka raranaya magaalada Muqdisho, iyadoo Markab taagan Dekeda Muqdisho lagu daabulayo agabyo u badan kunteenaro, gaadiidka caadiga iyo kuwa qafilan ee ciidamada. 

Saldhigyadda ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku leedahay soomaaliya oo la dalbaday in la xiro

Hay’ad arimaha xaquuqda aadamaha u dooda oo magaceda loosoo gaabiyo Ifrid fadhigeeduna yahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in la xiro dhaman saldhigyada dowladda Isku taga Imaaradka Carabta ay ku leedahay Somalia waxaana hay’adu ay tilmaamtay in ay handadayaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya oo saldhigtay Nairobi

Safiirkii Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi  ayaa saldhig KMG ah ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu si dhow ugala socdo xaalada Doorashooyinka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS