Tag: IGAD

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Muqdisho

Madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii. 

Shir Madaxeedkii IGAD oo la sheegayo in maalmo uu dib u dhacay

 Shir Madaxeedka IGAD ee qorshihiisa ahaa in 10-ka bishan oo ku beegan Sabtida uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in maalmo uu dib u dhacay.  

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo si Adag uga Hadlay weerarkii shalay ka dhacay Baydhabo

Ergeyga Midowga Afrika ee Arrimaha dalka Somalia Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si adag u cambaareeyay Qaraxyadii Baydhabo ka dhashay shalay gellinkii dambe, kuwaasoo ay ku naf-waayeen in ka badan 30-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo badan.

IGAD oo soo dhoweysay doorashada Axmed Madoobe, kana digtay cid kasta oo carqaladeyneysa

 Ergeyga Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo shalay ka qeyb galay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in IGAD ay soo dhoweyneyso doorashadaas.

IGAD oo soo dhoweeysay magacaabista Xukuumada cusub, uguna baaqay Baarlamaanka inay ansixiyaan

Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay magacaabista Xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, iyagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan Xukuumada u dhalatay Soomaaliya.

Wejiga koowaad ee shrika Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD oo la soo gabo gabeeyay

Wajiga koowaad ee shirka Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo iminka ay leeyihiin shir Albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa ka furmay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho Shirkii 53aad ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka si rasmi ah u furay, isagoo haatana khudbad ka jeedinaya shirka.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdigii u horeeyay ee Wasiirada A. Dibada IGAD oo ka socota garoonka diyaaradaha

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Wafdigii u horeeyay ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka wadada dheer ee isku xirta garoonka ilaa Madaxtooyada si aad ah loo adkeeyay.

IGAD”M/weynaha & Ra’iisul Wasaaraha Khilaafkooda ha xaliyaan

 Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo maanta hadal ka jeediyay Shir ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka ka dalbaday in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya islamarkaana si hoose loo xaliyo.

IGAD iyo maamulka Jubba oo ka hadlay dadaalladii nabadeed ee Jubooyinka

Wafdigii ka socday dowlad goboleedka IGAD iyo maamulka Jubba ayaa ka warbixiyay dadaallo nabadeed oo maalmihii u danbeeyay ka soconayay degmada Kismaayo, iyadoo ay ugu muhiimsanayd soo xareynta ciidamadii uu hogaaminayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugnaa deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo.

IGAD oo iska fogeysay War lagu daabacay Warbaahinta Soomaalida qaarkeed

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wakiilka urur-goboleedka IGAD ee Muqdisho, Jamaal Axmed Ibraahim ayaa lagu beeniyay war qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay baahiyeen, kaasoo ku saabsanaa in xafiisku uu wado qorshe uu madaxtooyada Somalia ku geliyo hub sharci-darro ah.

IGAD oo soo Dhaweysay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo ka socda

Urur goboleedka IGAD ee dalalka Bariga Afrika ayaa soo dhaweeyay mowqifkii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay shirarka iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

President welcomes new IGAD Special Envoy’s support for Somalia

His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today welcomed the new IGAD Special Envoy to Somalia and expressed his gratitude for the organisation’s support in the country’s ongoing recovery.

Madaxda IGAD oo ku hanjabay in tallaabo ay qaadayaan haddii si dhaqso ah aan lagu joojin Colaadda Koonfurta Suudaan

Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo kulan ku yeeshay Nairobi Jimcihii shalay ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo aanay sheegin nooceeda haddii labada dhinac ee dagaalamaya aysan colaaddooda ku joojin muddo afar casho ah.

Madaxda IGAD oo ku kulmaya Nairobi

Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayo sidii xal loogu heli lahaa dagaallada ka socda dalka Koonfur-Sudan ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah ay magaalada Nairobi ku yeeshaan madaxda urur-goboleedka IGAD.

IGAD "Maamul u sameynta Soomaaliya, hallooga dambeeyo dowladda"

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go'aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

Wafdi IGAD ka socdey oo shalay Muqdisho madax kula kulmay, maanta Kismaayo aadaya

Wafdigii ka socday urur-goboleedka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ka billaabi doonaan howl ay ku indho-indheynayaan xaaladda ka jirta magaaladaas.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS