Tag: Howl

Ciidamada dowladda oo dad u badan dhalin yaro ku xirey Baydhabo

Howl gallo sagaal qof lagu soo xirey, ayay ciidamada dowladda Soomaaliya xalay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay.

AMISOM oo sheegatay inay shan Shabaab ah dishay

War ay soo saareen ciidamada AMISOM, ayay ku sheegeen in howl gallo ay ciidamada AMISOM ka sameeyeen dhawaan waddada isku xirta Kismaayo iyo Buula-Xaaji ee gobolka Jubada Hoose, ay ku dileen shan ka mid ah dagaal yahannada al-Shabaab.

Kenyaanka Kismaayo jooga oo sheegay in 72 Shabaab ah ay xireen

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwii Kismaayo ka qabsaday kooxdii al-Shabaab, ayaa waxay sheegeen in howl gallo amniga lagu sugaayo oo ay illaa iyo 21kii bishan October ka sameynayeen magaaladaasi Kismaayo ku soo qabteen dad aad u fara badan oo ay ku jirto haweeney hoggaamiye al-Shabaab aheyd, sida ay saraakiisha ciidamada Kenya warka u dhigeen.

Dekadda Kismaayo oo shaqo bilowday

Howsha shaqo ee dekadda Kismaayo, ayaa bilaabantay, kadib markii muddo bil ku dhow ay xirneyd dekaddaasi Kismaayo.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS