Tag: Hishiiskii

Heshiiskii Sharci jabinta iyo Cadaalad darada ee Ra'iul Wasaaraha Soomaaliya & Puntland kala saxiixdeen!

Raisul Wasaare Abdiweli oo hogaaminaya wafti ay kamid yihiin Wasiirada Qorsheynta iyo Tacliinta sare Saciid iyo Ducaale iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somalia Mahad Cawad ayaa la soo saxiixday maamulka Puntland heshiis ku salaysan cadaalad daro iyo jabin dastuurka dalka, Federaalka Somalia oo aan ku dhisneyn qabiil basle dastuurku qorayo in Labo gobol iyo wixii ka badan noqon karaan maamul goboleedyada soomaaliya laga hergelinayo ayaa masuuliyiinta uu hogaaminayo RW Abdiweli si sharci daro ah usoo saxiixeen oo Puntland ka ogolaadeen in Gobolka Mudug loo qeybiyo labo qeybood oo ah qaab qabiil, sidoo kalana ay soo saxiixeen in Maamulka Gobalada dhexe ee Soomaaliya uu noqdo Hal gobol iyo Bar, taas oo ah mid dastuurka Dalka Somalia aan ku qorneyn.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS