Tag: Hargeysa

Soomaali-land oo si kulul ugu hadashay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ee lagu wareejiyay Xukumadda Kheyre.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Soomaali-land Saleebaan Maxamuud Aadan oo wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u Canbaareeyay Mooshinkii Baarlamanka Soomaaliya ay shalay ku wareejiyeen Xukumadda Soomaaliya si ay faah faahin ugu bixiso.

Garabkii xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen oo si rasmiya ugu biiray xisbiga taladda haya ee KULMIYE

Garabkii xishiga UCID ee uu hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga taladda haya ee kulmiye, isla markaana sheegay in aqoon iyo kartiba ku biirin doonno.

Xukuumadda iyo Shirkadda TELESOM isku afgartay fulinta go’aamaddii madaxweynaha Soomaaliland

kulan ay ku kala garnaqsanayeen guddidii madaxweynuhu u magacaabay qiimo u yeelida shilingka Somaliland iyo madaxda shirkadda TELESOM ayaa saacaddo badan ku qaatay xarunta madaxtooyadda sida uga doodayeen fulinta go’aamaddii xukuumadda ka soo baxay.

AXMED SEED: Waxaan Maxkamadda ka Furayaa Dacwad ka Dhan ah Shirkii Xisbiga WADDANI

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, Axmed Mumin Seed ayaa maanta ku dhawaaqay garab la magac baxay Garabka Toosinta iyo Cadaaladda Xisbiga WADANI, waxaanu sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Shir-weynihii Golaha Dhexe ee lagu dooranayay musharaxiinta u gudbin doonno maxkamadda sare ee Somaliland.

Kulan magaalada Hargeysa ay ku Yesheen Ergayga QM u Qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxweyne Siilaanyo

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Micheal Keating oo shalay booqashadii u horeysay ku tagay magaalada Hargeysa, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay dhamaadkii sanadkii hore ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).  

MAAYARKA HARGEYSA: Guurtidu Xaq Bay u Leeyihiin Go’aankooda Cidii dood qabtana Wadahadalka ha timaado

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxman Maxamuud Caydiid Solteko iyo wefti uu hogaaminayey oo safar shaqo dalka dibaddiisa kaga maqnaa ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa.

Duqii degmada Hargeysa oo dhintay

Waxa Shalay cisbitaal ku yaala magaalada Dubai ee dalka isugu tagga Imaaraadka Carabta ku geeriyoodey Rabbi Naxariistiisa Janno ha siiyee duqii degmada Hargeysa Yusuf Warsame Saciid.

Ciidamo gaar ah oo habeenkii Hargeysa ka sameeya howl-gallo amniga lagu sugayo

Ciidamo gaar ah oo loo yaqaan RRU iyo kuwa nabadsugidda Somaliland ayaa ka billaabay xilliyada magaalada Hargeysa xiliyada habeenkii ah howgallo lagu sugayo ammaanka, kuwaasoo ay ku qab-qabteen dad badan oo shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay doorashooyinkii dowladaha hoose ee Soomaaliland

Goobjoogayaashii Caalamiga ahaa ee u kuurgaliyey qaabka doorashooyinka golaha deegaanku uga dhaceen Somaliland ayaa sheegay inay si nabadgalyo ah uga dhacday doorashaddu Somaliland, isla markaana dadku si weyn ugu soo baxeen codeynta, taas oo keentay inay ka bataan dadkii doorashooyinkii hore codeen jiray,kuwaas oo dadweynaha somaliland ku tilmaamay qaar u bislaaday dimuqraadiyada iyo usoo bixitaanka doorashooyinka.

Hoggaamiyihii mucaaradka ee jabhadda SSC oo wasiir ka noqday maamulka Somaliland

War laga soo saaray xalay xafiiska madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu sheegay in madaxweynuhuu uu xil wasiir u magacaabay hoggaamiyihii jabhadda SSC ee ka soo horjeedday maamulalada Somaliland iyo Puntland ee Saleybaan Ciise (Xagla-toosiye).
Valid XHTML 1.0 Valid CSS