Tag: Hanti

Hanti dhowrka Guud oo ku gacan seyray xil ka qaadistii Golaha Wasiirada

Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo caawa Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada.

Hantidhowrka Qaranka oo sheegay in aysan jirin cid ku takri fali karta hantida Qaranka

Hantidhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ka hadlayay eedeymo waayadii ugu danbeeyayba loo jeedinayay madaxda ugu sareysa dalka, aya sheegay in aysan jirin cid ku takri fali karta sida uu hadalka u dhigay hantida Qaranka.

Nuur Jimcaale “Doorashooyinka socda waxaa hareeyay musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed”

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in musuq maasuq iyo ku tagri fal awoodeed ay hareeyeen doorashooyinka Labada aqal ee ka kala dhacay deegaanada maamul goboleedyada, isagoo xusay in cabasho badan ay soo gaartay xafiiskiisa.

Hanti-dhowrka Guud “Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak waa diideen in lala xisaabtamo

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo.

Cabdikaafi Hilowle "85% Hantdii lakala heystay waannu kala celinnay"

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in 85% hantidii iyo guriyihii lakala heystay ay dib ugu celiyeen dadkii lahaa, kadib markii sidaasi ay ku amartay dowladda dhexe.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS