Tag: HIRSHABELLE

Waare “Mooshinka wuxuu ii ahaa Canaan, waxaa diyaar u ahay inaan dhageysto dhaliilaha Xildhibaanada”

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay canaan u aheyd mooshinkii laga keenay labo cisho ka hor, isagoo ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu dhageysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan Xildhibaanada Hirshabeelle. 

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo goordhow aqbalay Mooshin ka dhan Madaxweyne Waare

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka HIrshabelle ayaa caawa u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle  mooshin  ka dhan ah Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. 

Maamulka Hirshabeelle oo walaac ka muujiyay in Balcad lagu daro Muqdisho

Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa walaac ka muujiyay qorshaha ballaarinta Caasimadda Muqdisho, taasoo la doonayo in la gaarsiiyo Labada Wabi ee Afgooye iyo Balcad. 

Waare “Walaalaheena Jabuuti wax alla wixii dhib ku ah annagana dhibaato ayay nagu yihiin..”

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay booqashadii Madaxweyne Farmaajo todobaadkii hore ku tagay dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran, taasoo ay ka carootay dowladda Jabuuti. 
Valid XHTML 1.0 Valid CSS