Tag: Gudiga

Guddiga doorashada oo soo saaray illaa 7 qaab oo ay u dhici karto doorashada 2021 (Akhriso)

Guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka ayaa todobaadkan soo saaray illaa 7 qaab ama hab oo doorashooyinka caalamka u dhacaan, kaas oo midkood la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya sanadka 2021-ka.

Guddiga xalinta khilaafaadka oo sheegay in xaaladooda ammaan ay halis ku jirto

Guddiga Xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka ayaa sheegay in xaaladooda ammaan ay halis ku jirto, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11 kursi oo ahaa kuwo doorashadooda muran iyo dacwado laga keenay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada oo ka hadlay tirada xubnaha aqalka sare iyo hoose ee ilaa iyo hadda la doortay

Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaal Cumar Max'uud C/dulle [Cumar Dhagey] oo shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay tirada xubnaha aqalka sare iyo hoose ilaa iyo hadda hadda la doortay, isaga oo intaa ku darray in tirada dhiman uu rajeynayo in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo dhameystiro.

Guddiga Doorashooyinka dadban oo ka hadlay doorashada xubnaha Dir-ta Waqooyi

Guddiga Doorashooyinka Dadban ayaa maanta si rasmi ah u  shaaciyay goobta lagu dooranayo Xubnaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in la guda galay doorashooyinka Aqalka hoose

 Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in la guda galay doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo dhowaan la xareyn doono ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose.

Guddiga doorashooyinka dadban oo ku baaqay in la xaliyo cabashada siyaasiyiinta Somaliland

 Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in la xaliyo cabashada ka imaanaysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Guddiga Amniga Doorashooyinka oo Muqdisho ku kulmay

Guddiga Amiga doorashooyinka qaran ayaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal.

Guddiga hirgelinta doorashada oo qorshahooda u gudbinaya Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal ayaa lagu wadaa in qorshahooda ugu dambeeya ee doorashada u gudbiyaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran, kuwaasoo 2-da bisha Agosto shir isugu imaanaya.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo sheegay in aan wali la ansixin sharciga doorashooyinka

Iyadoo muddo 8-bilood ka harsan tahay xilliga la filayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan, ayaa waxaa soo baxaya in aan wali la heyn sharcigii doorashooyinka, kaasoo qeexaya qaabka loo marayo doorashada 2016.

Sawirro: Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo su’aallo ka weydiiyay Taliska AMISOM tacadiyadii ay geysteen

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aallo lagu weydiinayay Taliska AMISOM kula yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo Guddigu u yeeray Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou, Kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jeneraal Jonathan Ronu, kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale.

Xaliimo Yarey “Madaxda dowladda waa inay cadeeyaan nooca ay noqon doonto doorashada sanadka 2016-ka”

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxa banaan Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay cadeyso nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonto sanadka 2016.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo u doortay guddoomiye Xaliimo Yarey (Sawiro)

Guddiga doorashooyinka qaranka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa u doortay guddoomiye Xaliimo Ibraahim Ismaaciil(Sawiro)
Valid XHTML 1.0 Valid CSS