Tag: Gudaha

Wasiirka A. Gudaha oo ugu baaqay maamulka Hirshabeelle inuu dedejiyo xubnaha Aqalka sare

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka la doortay ee Maamulka Hirshabeelle inay dedejiyaan xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya maamulkaas.

Wasiir Odawaa “Dowladdu diyaar ayay u tahay dhameystirka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ku howlan tahay dhameystirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in 90-cisho gudahood lagu dhiso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Sh/Dhexe iyo Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiyiint, Waxgaradka, aqoonyahannada, iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaannada Gobolka Sh/Dhexe iyo Banaadir.

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in aysan fara gelin ku heyn shirka maamul u sameynta Goboladda Dhexe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay waxay iska fogeysay hadal ka soo yeeray mid ka mid ah saxiixayaasha shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo ah in dowladda ay fara gelin ku heyso shirka.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS