Tag: Golaha

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo shuruud ku xiray wada hadalka dowladda Federaalka (Akhriso)

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray shir wadatashi ah oo dhaca 17-18 nisha September, kaddib go’aankii dowlad goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka. 

Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyihii Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow xil ka qaadis ku sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin oo loo yaqaano Siraaji, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Maaliyadda.

Akhriso: Golaha Wasiirada oo lagu amray in ogolaansho la’aan isticmaali karin Warbaahinta

 Ra’iisul Wasaare Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray warqad amar ah oo lagu farayo Golaha Wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan. 

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga xakameynta Hubka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga xakameynta Hubka wax dila, kaasoo ka mid noqonaya sharciyo horay Goluhu u ansixiyay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga xakameynta Hubka

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga xakameynta Hubka wax dila, kaasoo ka mid noqonaya sharciyo horay Goluhu u ansixiyay.

Akhriso: Hindise sharciyeedyada looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intii uu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Golaha Wasiirada oo xil ka qaadis ku sameeyay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka

Warar laga helayo Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in kulan deg deg ah oo albaabada u xiran uu xilligan u socdo  Golaha Wasiirada Soomaaliya

Golaha Wasiirada Oo Shirkoodii Maanta Kaga Doodey Afar Qodob (Sawirro)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Maareynta Maaliyada, Abaaraha, xaalada shuban-biyoodka, Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada oo maanta yeelanaya kulankooda u horeeyay, labo qodob oo looga hadlayo

Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankooda u horeeyay, kaddib markii shalay uu ansixiyay Baarlamaanka, lana dhaariyay.

Golaha Wasiirada oo lagu dhawaaqay (Akhriso Liiska oo dhameystiran)

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow ku dhawaaqay xubnaha Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 26 Wasiir iyo Hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, isagoo ku tilmaamay xukuumaddan ay tahay mid loogu tala galay inay gudato waajibkeeda shaqo ee loo igmaday.

Golaha Wasiirada oo guddi u magacaabay falkii Ciidamada Itoobiya ku laayeen dad rayid ah

 Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shirkooda caadiga ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Guddi u magacaabay falkii dad rayid ah lagu laayay deegaanka War-diile ee ka tirsan Gobolka Baay, kadib markii maalmo ka hor ay halkaas Ciidamada Itoobiya ku xasuuqeen dad gaarayay 14 ruux oo ku sugnaa goob uu ka jiray xus ama Alle Bari.

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Ciidamada AMISOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin u sameeyay howl galka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo waqtigooda ugu daray sanad kale.

Cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay Waqooyiga Kuuriga

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay cunaqabateyn cudub oo ka dhan ah Waqooyiga Kuuriya kadib tijaabinteeda is xigay ee gantaalada ridada dheer ee Nukliyeerka xambaara.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir), iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaaraddo kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

Golaha Ammaanka oo isku raacay xayiraad dhaqaale oo lagu soo rogo Daacish

Wasiirad Maaliyadda ee dalalka 15-ka dal ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad leh isugu raacay qaraar ka dhan ah Daacish, kaasoo looga gol leeyahay in xayiraad dhaqaale lagu soo rogo.

Golaha wasiirada oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada magaalada Gaalkacyo (Sawiro)

 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Isbedel kooban oo lagu sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

War goor dhow naga soo gaaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu xilalka ka qaaday labo wasiir, iyadoo xilalkooda ku bedelay labo kale.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ansixiyay weerar ka dhan ah Daacish

 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay qaraar ay soo gudbisay dowladda Faransiiska, kaasoo ku aadan dagaal ballaaran oo lala galo kooxda dowladda Islaamiga ama Daacish.

Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Sawirro”

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka “EL ÑINO”.

Xaad “Waxaan ogaanay in mooshinka laga wado Madaxweynaha inuu afar qodob ku saleysan yahay”

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ee Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dhowaan ka keeneen, isagoo ka digay in mooshinkaas uu horseedo dib u dhac iyo amni daro.

Shirka Golaha Wasiirada kulankoodii Todobaadlaha ahaa

Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo kulanka ay goob jog ahaayeen Taliyeyaasha Ciidamadda. Waxana shirka looga hadlay qodobo dhowr ah.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyey sharciga la dagaalanka argagaxisada (Sawirro)

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.

Golaha Wasiirada oo oggolaaday in la dhiso guddi ka shaqeeya isku dhafka ciidanka qaranka

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahana Wasiirka Cadaaladda mudane Cabdullahi Axmed Jamac (Ilka jir), waxaana shirka looga hadlay Arrimaha Amniga Dalka, Isku Dhafka Ciidamada Xooga iyo Gudiga Hagida Maamulka Maaliyada,

Kulanka Baarlamaanka oo goor dhow furmay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada oo goob joog ah

Kulanka Baarlamaanka ayaa goor dhow furmay, iyadoo kulanka ay soo xaadireen ilaa 220, kuwaasoo la filayo in Xukuumada codka kalsoonida u qaadaan.

Golaha Amaanka oo ka Walaacsan Siyaasada Soomaaliya

War murtiyadeed kasoo baxay gabagabada kulankii golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa walaac looga muujiyay wax lagu sheegay xasilooni darida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo diiday qaraar ogolaanaya in sanadka 2017 Israel uga baxdo dhulka ay heysato ee Falastiin

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa diiday qaraar qabyo ah oo ay soo gudbisay dowladda Urdun, kaasoo ku saabsan dhulka la heysto ee reer Falastiin in Israel ay ugu baxdo saddex sano gudahood, lana gaaro heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo colaada.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo saaka lagu wado in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa saaka lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan xarunta Golaha shacabka, iyagoo loo qeybinayo mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag Cambaareeyay dilkii Xildhibaan Xayd

Xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si xoogan u cambaareeyay dilkii xildhibaan, Maxamed Maxamuud Xayd oo Khamiis shalay ahayd loogu geystay Muqdisho, dilkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Golaha Ammaanka oo ku baaqay in la dar dar geliyo taageerada dhinaca Amniga ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey aya ku baaqay in la dar dar geliyo taageerada loo fidinayo dowladda Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo Horumarinta, iyagoo beesha Caalamka ugu baaqay inay xoojiyaan taageerada Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS