Tag: Gobalada

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo sheegay inay wada hadal la galayaan Ahlusuna

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay galaan Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca ee gacanta ku haya magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Heshiis Maamul loogu dhisayo Gobollada Dhexe oo lagu saxiixay Muqdisho (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho ayaa lagu saxiixay heshiis maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Gal-guduud iyo Mudug oo ka tirsan gobollada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaas saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, laakiin waxaa maqnaa xubnihii matalayay maamulka Ximin iyo Xeeb; inkastoo qoraalkii kasoo baxay madasha shirka uu ka muuqday saxiixa ruux heshiiska ku matalayay Ximan iyo Xeeb.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS