Tag: Gashandhiga

Wasiirka Gaashaandhiga oo soo gaba gabeeyay socdaalkii Galgaduud, dibna ugu soo laabtay Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan socdaal shaqo oo qaatay ku dhowaad labo todobaad ku joogay gobolka Galgaduud ayaa maanta soo gabagabeeyay dibna ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Maanta la Wareegay Xilka (SAWIRRO)

Wasiirka cusub ee gaashaandhigga DF Soomaaliya, C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xilkii kala wareegay wasiirkii hore wasaaraddan, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca Somalia, taasoo ay kasoo qayb-galeen taliska guud ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka gaashaandhigga ka taageera dowladda Soomaaliya.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS