Tag: Garoonka

Duulimaadyadii rayidka ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saaka la joojiyay

Duulimaayadii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee isugu jira midka Caalamiga iyo gudaha ayaa saaka oo Talaado ah la joojiyay, sababo ku aadan Shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saaka shaqo joojin sameeyay

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ka howl gala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka shaqo joojin iyo banaan bax  ah ka sameeyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, iyagoo ka cabanaya shirkada Favori ee gacanta ku heysa howlaha garoonka diyaaradaha.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanada Diyaaradii la qarxiyay ee Daallo (Sawirro)

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaradii ka badbaaday qarax ka dhex dhacay toddobaadkii hore, waxayna shirkada Daallo ku eedeysay shirkada Turkish Airlines inay lahayd rakaabkii saarnaa diyaaradii Daallo ee qaraxu ka dhacay. 

Ammaanka Garoonka diyaaradaha oo la adkeeyay iyo dad loo qabtay Qarixii Diyaarada Daallo

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii 2-dii bishan qarax ka dhex dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines, taasoo keentay inay si deg deg deg ah ugu soo laabato garoonka.

Daqliga Dowladda ka soo Galo oo aad u kordhay kadib Markii ay la wareegtay shirkad laga Lee yahay Dalka Turkiga howlihii Garoonka Muqdisho.

Kadib Markii 15-kii September 2013 ay la wareegtay Shirkadda Favori ayaa waxaa Laga Qabtay Dakhli Dhan $1.1 million Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya Dowladda ayaana Daqligaasi Heshay.
Valid XHTML 1.0 Valid CSS